Cilmi-Nafsiga: Farqiga U Dhexeeya Saaxiibtinimada Dumarka Iyo Tan Ragga.

Xeeldheeraha Cilmi-nafsiga ee caanka ah ee u dhashay Ingiriiska, Robin Dunbar iyo barafasoor ka tirsan Jaamacadda Oxford, ayaa darsay mawduuca saaxiibtinimada sannado badan.
Qoraaga in ka badan 20 buug, oo ay ku jiraan buugaagta kala ah 'Saaxiibtinimada', 'Sayniska Jacaylka' iyo buugga'Odyssey of Humanity', oo ay la hadashay BBC-da si ay u ogaato wax badan oo ku saabsan farqiga u dhexeeya saaxiibtinimada ragga iyo dumarka, iyo sax ahaanshada fikradaha qaldan ee inta badan loo nisbeeyo mowduucyadaan ayaa sharxaad ka bixiyay mowduucyada ku gedaaman arrintaan.
Maxay ku kala duwan yihiin Saaxibtinimada ragga iyo tan Dumarka?
Waxaa lagu kala saaraa inta badan xoojinta xidhiidhka.
Saaxiibtinimada dumarku waxay u muuqdaan inay yihiin kuwo dareen ahaan aad u sareeya, taasoo ka dhigaysa inay noqdaan kuwo firfircoon. Saaxiibtinimadoodu waxay ku salaysan yihiin inta badan kooxaha ay ka kala tirsan yihiin, halka raggu ay u muuqdaan inay sameeyaan naadiyo saaxiibtinimo.
Guud ahaan, saaxiibtinimada dumarku waxay la mid yihiin qaabka xiddigaha, halkaas oo saaxiib kastaa uu saaxiibo gaar ah la leeyahay , laakiin lama huraan waxaa ah in ay jiraan saaxibo guud iyo kooxo lagu mideysan yahay.
Dhinaca ragga, aad ayey isugu dhafan yihiin. Qof kastaa waxaa uu saaxiib la yahay qof kale, laakiin tayada iyo xoojinta xiriirka ayaa hooseeya marar badan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxay Dumarka Iyo Ragga Ka Raadinayaan Saaxiibtinimada? Waa Maxay Waxa Ugu Muhiimsan?
Dumarka, waxa aad uga muhimsan in ay ogaadaan qofka aad tahay qof ahaan ee ma aha waxa aad tahay.
Dhanka kale, ragga ayaa aad u xiiseynaya qofka aad tahay iyo kooxda aad ka tirsan tahay. Raggu Waxay dan ka leeyihiin cidda aad tahay.
Waxaa la sheegaa in dumarku ay aad uga hadlaan shucuurtooda iyo dareenkooda.
Maxay Raggu Ka Hadlayaan?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Raggu aad ugama hadlaan shucuurtooda, waxaa ayna taasi ka duwan tahay haweenka oo muujiya dareenkooda. Tani waa sababta haweenku u jecel yihiin inay yeeshaan saaxiibo tayo sare leh.
Marar badan, ragga ayaa saaxiibtinimada ku abuura qosol, halka dumarkuna ay saaxiibnimo ku abuuraan sheeko iyo dareen dhab ah.
Taasi waa sababta dumarku si dhab ah kuugu sheegi karaan wixii ay shalay ka hadlayeen iyadoo tafaasiil iyo nuxur leh, halka raggii miiskaa wada fadhiyey aanay waxba ka xusuusan karin.
Raggu waxaa ay u baahan yihiin joogitaan toos ah, saaxiib jir ahaan jooga.
Raggu waxay u baahan yihiin inay wax la wadaagaan saaxiibadood. Waxay jecel yihiin inay arkaan. Haddii aysan arkin, xidhiidhka ayaa meesha ka bixi kara. Tani ma ahan arrin mar walba taagan, dabcan, laakiin waa wax jira oo muuqda.
Saaxiibtinimada dumarku waxaa ay waartaa wakhti dheer,xitaa marka aanay si joogto ah isu arki karin labada ruux, sababta oo ah waxa ay ku dadaalaan in ay wada hadlaan ama ay marar badan la xidhiidhaan qofka kale.
Way ku yar tahay ragga dabeecadahaan. Taas macnaheedu maaha saaxiibtinimada raggu ma waarto; qaar ka mid ah ayaa ka waaritaan badan saaxiibtinimada dumarka.
Laakiin haddii qofka dumarka ah saaxibteed/saaxibkeed si rasmi ah ugu guuro waddan kale oo ay is arki waayaan, waxay isku dayaan inay saaxiibtinimada ku sii wadaan baraha bulshada ama telefoonka gacanta.
Raggu waxay lumiyaan saaxibka ay kala fogaadeen.
Raggu inta badan si joogto ah ulama xidhiidhaan saaxiibkii guuray, taa badalkeeda si fudud ayey u beddelaan.
Tusaale ahaan, Jimmy waa mid ka mid ah naadi saaxibo ahaa oo kulmi jiray habeen kasta oo jimce ah, laakiin wuxuu u guuray Thailand.
Halkii ay isku dayi lahaayeen inay la xiriiraan Jimmy, saaxiibada kale waxaa ay isla qaateen, "Jimmy aad buu u fiicnaa, laakiin wuu baxay. Waxaan ognahay in Pierre uu ku habboonaan lahaa booskan, waxaan ku dari karnaa kooxda hadda Jimmy ma joogo. "

Xigashada Sawirka, Getty Images
Intee In Le'eg Ayay Muhiim U Tahay In Saaxiibo Kula Da’ Ah La Yeesho?
Halkan waxaan kaga hadli karnaa sababaha aan saaxiibo u leenahay.
Mid ka mid ah waa taageerada akhlaaqda iyo bulshada, iyo caawinta, haddii aan u baahanahay.
Saaxiibada wanaagsan waxay ugu dambeyntii noqdaan nooc ka mid ah badqabkeena, waxaa ay nasiin karan taageero dhaqaalo haddii aan u baahano.
Dhanka kale, saaxiibtinimadu waxay leedahay saameyn faa'iido leh oo ku saabsan caafimaadka.
Sida ugu wanaagsan ee lagu odorosi karo caafimaadkaaga jir iyo maskaxeed waa in la eego tirada iyo tayada saaxiibada wanaagsan ee aad leedahay.
Marka loo eego daraasado dhowr ah, tirada ugu fiican ee saaxiibada waa adiga iyo afar kale.
Ma Saaxiibo Dhow Baa Mise Guud Ahaan Asxaabta?
Saaxiibada dhow, laakiin sidoo kale qoyska. Markaan sii weynaano, waxaynu u janjeernaa inaan qoyska wax walbo ka hormarino. Waxa kale oo la sheegay inay hagaajiso caafimaadka maskaxdeena.
Marka laga eego dhinaca nafsiga ah, tani waxay si weyn u yaraynaysaa khatarta niyad-jabka.
Tacaamulka aan la samayno asxaabta, hadalka, qosolka, u sheekaynta sheekooyin murugo leh, heeso, qoob-ka-cayaar, iyo cunto cunid dhammaan arrimahan waxay kiciyaan nidaamka endorphin, kaas oo ka shaqeeya qaybta maskaxda ee xakameynaysa xanuunka.
Endorphins waxay bixiyaan dareen fayoobaan ah, nabadgelyo leh iyo isku kalsoonida nafta shaqsiga.
Marka aad niyad-jabto, habka difaaca jidhkaagu waxa uu noqonayaa mid aad aad ugu nugushahay cudurrada, gaar ahaan fayrasyada iyo bakteeriyada, sababtoo ah jidhkaagu si waxtar leh uma weerari karo.
Ugu dambeyntii, marka aad leedahay saaxiibo yar ama aadan lahayn wax saaxib ah, cimriga noolashaada ayaa sii nusqaama.











