Dadka naftooda jecel waa "kuwo argagaxa balse farxad ku nool"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka iyagaa naftooda ka hela waxaa laga yaabaa in ay yihiin dad shakhsiyan la dhacsan muhiimadda ay isu leeyihiin, isu arkaanna in ay yihiin ceeb ka saliin, balse dhakhaatiirta cilmu nafsiga waxay sheegayaan in laga yaabo in ay dadka kale ka farxad badan yihiin.
Daraasad laga sameynayo dadka leh dabeecadaha noocan oo kale oo ay wado jaamacadda Queens, taas oo weli socota, waxaa lagu ogaaday in dadkaas ay ka careysiiyaan dadka kale, haddana ay ka walwal yar yihiin dadka kale.
Kostas Papageorgiou oo ah dhakhtar qaabilsan cilmu nafsiga ayaa sheegay in hadalada xanafta leh ee ay ku hadlaan lagu ogaan karo wanaagga dadka nafsadooda ka hela.
Cilimibaarayaasha ayaa in muddo ah isku dayay in ay ogaadaan sababta ay dadkan ugu muuqdaan kuwa ku soo badanaya bulshada casriga ah, siyaasadda, baraha bulshada iyo dadka caanka ka ah bulshada dhexdeeda.
Waxaa kale oo loo arkaa arrin dhibbadan ku heysa bulshada dhexdeeda.
'Ma ceeb baa mise wa xadgudub'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxay ku tilmaamaan in ay dadka qaba dabeecadaha noocaas ah: "Waxay mararka qaar faraha la galaan dabeecado khatar ah, waxayna iska aaminsan yihiin fikir aan cadi ahayn, mana isu arkaan kuwa ceeb dhex taagan ama garanayo waxa ay ku sugan yihiin.
Iyagoo aaminsan sidaas ayay haddana cilmibaarayaasha waxay doonayaan in ay ogaadaan sababta dadka nafsadooda ka hela ay u yihiin kuwa muuqda, iskuna abaalmariya halkii ay yaxyaxi lahaayeen.
Dhakhaatiirta cilmu nafsiga waxaa kale oo ay shegeen in arrintan ay tahay dabeecadaha madow ee ay ka ogaadeen qaar ka mid ah ban'aadamka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hasayeeshee cilmi baaris uu sameeyay Dr Papageorgiou waxay ku talineysaa in inkastoo arrintan aysan u wanaagsaneyn bulshada, haddana ay u muuqato in ay faa'do u tahay dadka leh dabeecadahaas.
Waxaa dhici karta in ay si khaldan ula dhaqmaan kuwa kale, dareen dhawacana ku reebaan, balse dadka iyaga nafsadooda ka hela waxay u muuqdaan in mar walba ay ka hortagaan in wax khaldan ay iyaga iska aaminaan.
Walwalka nolosha ay kala kulmaan wuu yar yahay, sidoo kalena way adag tahay in nolosha ay u arkaan mid dhib iyo walwal ku saleysan. Kalsoonida ay ku qabaan nafsaddooda waa mid ahmiyad gaar ah iyaga u leh, oo ay isaga difaacaan waxyaabo badan.
'Mashquulka ay awoodda la socota'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tani waxay dabasocotaa daraasad horay loo sameeyay oo muujineysa in dadka nafsadooda ka hela ay u badan tahay in guulo ka gaaraan shaqada iyo la noolaashaha bulshada, waana dad maskaxdooda ay tamaam tahay, taasina waxay ka caawisaa in aysan qalbi jabin.
Dr Papageorgiou waxaa kale o uu eegay sida waaqica kala duwan ee dadkan ay u keeni karto in ay kala duwanaato xaaladaha ay ku sugan yihiin iyo waxa ka dhalan kara.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka naftooda jecel, kuwooda ugu nugul waxaa laga yabaa in ay ku jirto wax la yirahdo "iska dhici", sidoo kalena ay leeyihiin dabeecad ah in dadka kale ay u arkaan kuwa aan la noolaan karin oo dhibaata ku haya.
Marka laga eego dhanka qabka, sida ay isu la weyn yihiin iyo qaabka ay ula tacaalaan walwalka la soo darso noloshooda, waxay dhakhaatiirtu shegeen in ay u badan tahay in si wanaagsan ay u maareeyaan.
"Dabcan dhab ma ahan in dhamaan dadka nafsadooda ka hela ee waaqicoodu kala duwan yahay ay wanaagsan yihiin, balse qaar ka mid ah ayaa laga yaabaa in ay u horseedo natiijo wanaagsan", ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka leh dabeecadahaas "ma ahan in loo arko in ay xun yihiin ama ay wanaagsan yihiin, balse waa in loo arko in ay yihiin isbadbadala bani'adamka ama dad ka tarjumaya asalkooda, taas oo leh wanaagga iyo khatar hadba ku xiran nuxurka".
Cilmibaaris kale oo arrintan laga sameeyo waxaa lagu sheegay in ay dhici karto in la helo qaab loogu diyaar garoobi karo dadka leh dabeecadaha noocan oo kale, sidoo kalena niyad jebin karta kuwa kale, iyadoo laga eegayo wanaaga wadajirka.












