"Iskaabulada faraxsan": Gabar sheegtay in nafteeda ay lammaane la tahay

Emma Watson

Xigashada Sawirka, Getty Images

Emma Watson waxay sheegtay in ay dareentay "Walwal iyo walaac" ka dib markii 30 sano ay gaartay, sababtoo ah cadaadis weyn ayaa ku soo kordhay markii da'daas ay gartay.

Waa jilaa caan ah taas oo 30 sano ay u buuxsantay bishii April ee sannadkan. Waxay sheegtay in ay ka carootay "qulqulka farriimaha iska soo daba dhacayay" ee lagu weydiinayay waxay tahay guusha ay gaartay, mar haddii 30 jir ay noqotay.

"Haddii aanan lagu guursan, haddii canug aadan haysan... Waxaa jiro walwal aan qiyaas lahayn," ayey sheegtay.

Laakiin Emma waxay tilmaamtay in ay tahay iskaabulo faraxsan, taas oo ay ku tilmaamtay "in ay lammaane la tahay nafteeda".

Gabadhan oo jisha masalsalka Harry Potter, waxay sheegtay in markii hore aysan aaminsanayn fikradda ah "adigoo iskaabulo ah waad faraxsanaan kartaa".

"Waxay ahayd sida, 'iska hadal uun'. Waqti badan ayey igu qaadatay balse hadda waxaan ahayn qof aad ugu faraxsan iskaabulada aan ahay."

Emma Watson

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Emma waxay markii ugu horreysay ka hadashay arrimaha dumarka, shirkii Qaramada Midoobeey ee 2014.

Emma, oo sidoo kale u ololeeysa arrimaha xuquuqda dumarka, waxay sheegeysaa in sannadkii ugu dambeeyay uu u ahaa mid dhib badan, sababo la xiriira da'da ay gaartay.

"Waa sida, 'Maxay tahay sababta uu qof kasta uga ciiloonayo in aan 30 sano gaaray? Ma ahayn wax weyn".

"Markii aan 29 sano jirka ahaa, waxaan is lahaa, 'Allahayow, waxaan dareemay walwal iyo xanaaq badan.

"Waxaan dareemay isbedelka degdegga ah iyo farriimaha iska soo daba dhacaya".

"Haddii guri aadan dhisan, haddii aan lagu qabin, haddii canug aadan haysan, aadna tahay 30 jir, oo aadna meel nabad ah ku jirin, shaqa xasilloon aadan haysan, welina aad wax raadin ku jirto... waxaad la kulmeysaa walbahaar aan la qiyaasi karin."

Emma Watson and Emmanuel Macron

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Emma waxay horraantii sannadkan la kulantay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ay kala hadashay arrimaha sinnaanta ragga iyo dumarka.

Emma Watson waa Safiirka Qaramada Midoobeey u qaabilsan arrimaha Sama-doonka Dumarka, waxayna qeyb ka ahayd ololaha "meeshii nin lagu arko waa in haweeneyna shaqo laga siiyo" - kaas oo u dagaallamaya sinnaanta ragga iyo dumarka ee daafaha caalamka.

Waxayna wareysatay gabadha yar ee abaalmarinta Nobel ka ku guuleysatay, Malala Yousafzai.