Saacadaha badan ee la shaqeeyo oo la ogaaday xanuuno laga qaado

Saacadaha baddan ee la shaqeeyo ayaa sabab u ah xanuuno badan oo dadka ku dhaca

Xigashada Sawirka, The India Today Group

Qoraalka sawirka, Saacadaha baddan ee la shaqeeyo ayaa sabab u ah xanuuno badan oo dadka ku dhaca

Halkan waxaad ka ogaaneysaa waxa dhabta ah ee sababa inuu sii kordho xaddiga dadka caalamka ee shaqeeya waqtiga aadka u dheer.

Shaqada badan waxay sababtaa shilal sida ay u badantahay, waxay kordhisaa walwalka, waxayna xitaa keentaa xanuun xaga jirka ah.

Laakiin dhibka jira ayaa ah in dad tiro badan aysan ka maarmin iney waqti dheeraad ah shaqeeyaan.

Sida lagu xusay daraasaddii ugu dambeysay ee ay sameysay hay'adda caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka, in ka badan 400 oo million oo shaqaale oo ka mid ah shaqaalaha ka howl gala adduunka ayaa isbuucii shaqeeya 49 saacadood am aka badan, waxaana tiradaas ay qeyb weyn ka noqoneysaa tirada guud ee shaqaalaha caalamka oo hadda mareysa 1.8 bilyan oo ruux.

Xitaa ganacsadaha lagu magacaabo Elon Musk oo dhawaan uu wareysi la yeeshay wargeyska New York Times ayaa sheegay in inta badan 47-ka sano ee ay da'diisa tahay uu ku dhex jiray shirkaddiisa ganacsi ee gaarka u ah, taasoo uu ka shaqeynayay habeen iyo maalin. "Saaxiib ma jiro, wax aad sameyn kartid ma laha," ayuu yiri. Kaliya waxaad ka fakareysaa shaqada aad qabaneysid maalinta xigta iyo howlaha aad ku fulin kartid isbuuca gudihiisa. Arrintaan waxay iga hor istaagtay inaan la kulmo carruurteyda iyo dadka saaxiibka ila ah". Ayuu sii raaciyay.

Qaar ka mid ah dadka taageerayaashiisa ah waxay ninkaan sida weyn looga qaddariyo gobolka Silicon Valley shaqadiisa u arkaan dadaal uu iyaga u sameynayo uuna sare ugu sii qaadayo adeegyada fiican ee uu sameeyo sida gaariga korontada ku shaqeeya ee ay warshaddiisa soo saartay.

Hase ahaatee in shaqada si xad dhaaf ah loogu mashquulo waxay khatar ballaaran ku tahay qofka.

In si aan kala joogsi lahayn loo shaqeeyo waxay caadi ka tahay gobolka Silicon Valley ee dalka Mareykanka waxayse hadda ku sii fidday caalamka intiisa kale.

Qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool dunida waxay waqtigooda intiisa badan ku qaataan goobta shaqada wax fursad ahna uma helaan howlaha kale ee la xiriira noloshooda caadiga ah.

Cadaadiskaas badan ee ay shaqaalaha xad dhaafka u shaqeeya isku saaraan in ay fuliyaan waxyaabo badan ayaa keena dhibaatooyin caafimaad oo soo wajaha qofka.

Qoraalka Codka, Hindise sharciyeedkii caafimaadka Trump oo guuldarystay

Waxaa caddeymo loo hayaa in shaqada badan ay dadka ka dhigto kuwo aan daryeelin naftooda isla markaana uu caafimaadkoodu liito. Waxay sidoo kale qarka u saaranyihiin in ay la kulmaan cudurro waaweyn.

Balse wali dad fara badan oo shaqaale ah ma awoodaan in ay arrintaas wax ka qabtaan, xitaa iyagoo og cawaaqib xumada ka dhalaneysa.

Dadka ugu badan ee shaqada xad dhaafka ah sameeya waa saqaalaha dhinaca ganacsiga, masuuliyiinta warshadaha, dhaqaatiirta iyo dadka sida madaxa bannaan u shaqeeya. Maxaa ku dhici kara marka? Maxaase laga qaban karaa joojinta arrintaas?

Tani waxay sababeysaa dhibaato

Qof walba wuu iska dareemi karaa: in waqti dheeraad ah la shaqeeyo waxay qofka ka dhigeysaa mid aad u daala,waxayna inta badan sababtaa shilalka ka dhaca goobaha shaqada.

Laakiin in la caddeeyo aad bay u adagtahay. Shaqooyinka halista ah ayaa badanaa looga baahanyahay in laga shaqeeyo saacado dheeraad ah, ama haddii si kale loo dhigo dadka goobahaas ka shaqeeya waxay waqti dheeri ah ku qaataan iney ka ag dhawaadaan khatarta.

Daraasad laga sameeyay Mareykanka ayaa lagu muujiyay in 61% dhacdooyinka halista ah ee dhinaca shaqada ay ka dhacaan meelaha laga howl galo waqtiga dheeraadka ah.

Daraasadda ayaa lagu qeexay in dadka shaqada billaaba 8:00 aroornimo ee iyagoon hal mar nasanin habeenkiina soo jeed ku gaara ilaa 1:00 saq dhexe ka dib ay ka caafimaad xun yihiin dadka dhiiggooda uu la qabsaday isticmaalka muqaadaraadka.

Marki la xisaabo waqtiga ay dadkaasi shaqeeyaan ama ay soo jeedaan ayaa ah 17 saacadood oo ka mid ah 24-ka saacadood ee maalintii.

Shaqaalaha ay dhibaatada ugu badan ka soo gaarto xaaladahaas ayaa ah kuwa ku sugan dalalka Koonfur-bari Aasiya iyo Africa.

Tiro badan oo kuwaas ka mid ahna waxay dhinaca internet-ka kala shaqeeyaa shirkado uu fadhigoodu yahay Mareykanka, Uk iyo dalalka kale ee qaaradda Europe.

Cilmi baaris uu dhawaan sameeyay Alex J Wood oo ka tirsan machadka Oxford ayaa shaaca looga qaaday in shaqaalaha kale ee xaddiga weyn leh ay u badanyihiin dadka darawaliinta ah ee ka shaqeeya shirkadaha ganacsiga.

Mid ka mid ah dadkii lagu wareystay cilmi baarista Mr Wood ayaa yiri "Aad ayay lacag la'aan ii heysaa marka hadduuba qofkaan yahay midka lacagta I siinaya, maxaan ku diidayaa inaan maalintii shaqeeyo 18 saacadood?"

Haddaba waxaa aad u adag in wax laga qabto caqabaddaan maadaama ay dadka waqtiga dheeraadka ah shaqeeya dhinac marki laga eego ku qanacsanyihiin xaallada ay ku jiraan, maadaama ay kharash dheeri ah ku helayaan.

Balse waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo xaaladda caafimaad ee dadkaas, iyadoo aqoon yahannada cilmi baarista kala duwan ka sameeyayna ay ku taliyeen in xal loo helo dhibaatadaas khatarta ku ah dadka ku dhex jira.