Maxaa sababa bidaarta gasha haweenka, sideese looga hortagi karaa?

bidaar

Xigashada Sawirka, BANDILE

Qof kasta waxaa maalin walba ka daata qaar ka mid ah timaha, balse timaha oo daciif noqda haweenka ayaa laga yaabaa inay sabab u tahay bidaar kusoo socota.

Haddii aad isku aragto timaha oo degdeg u daata amaba qeyb qeyb usoo go'aya amaba inay daciif noqonayaan, waxaa lagula talinayaa inaad dhaqtar u tagto.

Waxyaabaha sababi kara waxaa ka mid ah arrin hiddo-sidaha la xiriira, xaalado caafimaad iyo in timaha aad loo jiido marka la isku xirayo amaba la dabayo.

Inay kaa daataan 50 ilaa 100 tin ah maalintii ayaa loo arkaa wax caadi ah, balse timahaasi waxaa beddela kuwo cusub oo soo dhasha. Haddii haweeneydu ay bidaar leedahayna timahaasi masoo dhashaan.

Timo-daadashada qaar waa caadi waxaana laga yaabaa inay dib usoo dhashaan marka aad baddasho habka cuntadaada.

timaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

In timaha marka la dabayo aad loo giijiyo ayaa lala xiriiriyay nooc ka mid ah timaha oo gebi ahaanba ka daata qofka, taasoo saameysa haween badan oo Afrikaan Ameerikaan ah, sida lagu sheegay daraasad.

Inkastoo daraasaddan aysan xaqiijin karin in timaha oo la dabo ay dhibaatadu tahay, haddana haweenka ayaa laga yaabaa inay ka taxadaraan arrintan, sida ay sheegtay Dr. Angela Kyei, who worked on the study.

“Kuuma sheegayo inaadan timahaaga dabin, balse ma doonayo inaad aad u giijiso heer aad u baahato xanuun-baabi'ye,” ayay tiri Kyei.

Dhaqanka timaha oo aad loo jiido muddo dheer ayaa laga yaabaa inuu saameeyo salka ay timuhu kasoo baxaan ee madaxa wuxuuna geystaa dhaawac.

Waxay sababtaa nooc ka mid ah bidaarta oo ay dhaqaatiirtu ku sheegeen inay ka dhalatay dhaawac gaaray salka timaha.

Keliya maaha in tinta oo dabitaanka lagu giijiyo inay arrintan sababto, balse sidoo kale taakada oo lagu dhuujiyo ayaa sababta inay timuhu foolka ka sikadaan.

timaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Biyaha aadka u kulul ma sababaan inay timuhu daataan?

timaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Khubarrada timaha ayaa sheegaya in biyaha aadka u kulul aysan sababin inay timuhu daataan, balse ay dhaawici karaan maaddada keratin, oo ah borotiinka ay ka sameysan yihiin timaha.

Waxay sidoo kale biyaha aadka u kulul baabi'iyaan saliidaha dabiiciga ah ee gacanta ka geysta caafimaad-qabka madaxaaga iyo salka ay timuhu kasoo baxaan.

Haddii ay tintaadu qalleyl tahay amaba dhaawac uu gaaray, inaad ku dhaqdo biyo aad u kulul waxay u keeni kartaa inay sii jajabaan.

Si aad uga fogaato, waxaad isticmaashaa biyo diirran intii aad kuwo kulul isticmaali lahay, ka fogow inaad shanleyso amaba jiiddo tintaada oo qoyan.

Sidee ayaad uga hortagi kartaa inay timuhu kaa daataan?

saliid qumbo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

1. Saliid qumbo: Sida laga soo xigtay daraasad la sameeyay sanadkii 2018, waxay baarayaashu sheegeen in saliidda qumbaha ay gacan ka geysan karto dhaawac gaara timaha, gaar ahaan kuwa kasoo gaara dabidda iyo qorraxda.

Maaddada lauric acid oo laga helo saliidda qumbaha ayaa ah borotiin tinta u fiican, wuxuuna ka hortagaa inay jajabto.

In saliid qumbo lagu masaajeeyo salka timaha ayaa laga yaabaa inay sababto qulqulka dhiigga oo si fiican u gaaraa iyo inay timuhu baxaan.

2. U dhaq timaha si joogto ah: Inaad si joogto ah u dhaqdo timahaaga ayaa waxay ka hortagi kartaa timaha oo daata.

Muhiimaddu waa inaad isticmaasho shaambo khafiif ah. Shaambooyin aan timaha u fiicneyn ayaa laga yaabaa inay qallajiyaan tinta ayna sababaan inay jajabaan.

3. Saliid saytuunka: Saliiddan ayaa qoyaan fiican siisa timaha, waxayna ka ilaalisaa qalleylka sababa inay jajabaan.

Saliid saytuunka ayaa sidoo kale waxay hoos u dhigtaa inay timaha daataan.

Waxay khubarradu ku talinayaan inaad si toos ah saliiddan ugu masaajeyso tinta aadna ku deyso 30 daqiiqo kahor inta aadan dhaqin.

4. Si dabacsan ula macaamil timaha: Marka timaha la dabayo, waxay khubarradu ku talinayaan inaad la giijin, amaba aan taakada si adag loogu xirin.

Waxay tan sababtaa inay timuhu salka ka siibmaan taasoo sababi karta inay si dhaqso ah u daataan.

5. Kiimikada timaha: Kiimikada timaha la mariyo sida kalarka timaha ayaa laga yaabaa inay sidoo kale dhaawacaan tinta.

Weydii qofka jooga salon-ka ama bukuyeerka inay kuu mariyaan kalar dabiici ah amaba aysan ku jirin maaddooyinka timaha halleeya.

timaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

6. Cun cunnooyinka leh borotiinka: Timuhu waxay ka sameysan yihiin boqotiin lagu magacaabo keratin.

Daraasad la sameeyay sanadkii 2017 ayaa waxaa baaritaan lagu sameeyay 100 qof oo ay timuhu ka daateen, waxaana la ogaaday inay ka maqan yihiin nafaqooyinka sida amino acids oo gacan ka geysta sameysanka borotiinkan.

Cunnooyinka laga helo borotiinkan waxaa ka mid ah:

  • ukunta
  • looska
  • digirta
  • kalluunka
  • caanaha
  • digaagga
  • hilibka