Daraasad "xal waara" u heshay bidaarta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Burooyinka yaryar ee maqaarka dadka ayaa suurta gal ah in uu leeyahay fursad lagu daweyn karo bidaarta, sida lagasoo xigtay daraasad toddobaadkan lagu daabacay joornaalka Nature.
Ku dhawaad toban sano, saynisyahano ka tirsan Jaamacadda California, Irvine waxay baranayeen burooyinka maqaarka si ay u fahmaan sababta ay ugasoo baxaan timaha dhaadheer. daraasadda cusub waxay muujineysaa in burooyinka noocan oo kale ah ay ka kooban yihiin unugyo gaar ah oo kor u qaada koritaanka timaha.
“Waxaan timaha burooyinka ka dul baxa ka helnay tixraac,” ayuu yiri Maksim Plikus oo ah madaxa daraasadda isla markaana ah barfasoore ka ah jaamacadda California, Irvine kana dhiga samaysanka unugyada bayoolajiga.
Dadku sida caadiga ah waxay lumiyaan inta u dhaxaysa 50 iyo 100 xabbo oo timo ah maalintii, ka dibna unugyada gunta tinta ayaa soo saara kuwo cusub. Laakiin shakhsiyaadka leh bidaarta ama ay hadda kusoo socoto - waxa ay dhakhaatiirtu u yaqaanaan ‘alopecia’ ama ‘alopecia androgenic’ oo ah unugyada asliga ah ayaa jiifa, sidaas darteed ayeysan timo cusub usoo baxeyn.
Sida lagu helay Tijaabooyin loo adeegsaday jiir, Plikus iyo kooxdiisa cilmi-baaristu waxay muujiyeen in nooc ‘molecule ah’ oo loo yaqaan ‘osteopontin’, oo si gaar ah ugu badan burooyinka maqaarka ee timaha leh, uu kicin karo unugyada tarma ee timaha, kuwaas oo markii hore hurday.
Cilmi-baarayaashu waxay tijaabiyeen arrintan iyagoo jiir ku tallaalay muunadaha maqaarka dadka lagasoo jaray, ka dibna waxay siiyeen xayawaanka saddex irbadood oo badinaya ‘molecule-ka’ , oo ay dhexeyso min hal maalin. Maalmo gudahood, cirbadaha ayaa ka caawiyay jiirka inay usoo baxaan timo cusub oo dhererkoodu yahay ilaa 1 sentimitir.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Si loo Xaqiijiyo in Osteopontin-ku masuul ka yahay soo bixitaanka timaha, waxay cilmi-baarayaashu sidoo kale barootiin caadi ah ku dureen meel kale oo maqaarka ka mid ah taas oo aan wax timo ah soo saarin.
Plikus waxa uu sheegay in si ka duwan daraasado diiradda saarayay dhogorta jiirka, ay natiijooyinkiisu aad u khuseeyaan bini'aadamka.
Plikus wuxuu rajeynayaa in cilmi-baaristiisu ay ugu dambeyntii u horseedi karto daweynta bidaarta iyo timo la’aanta, waxaana suurta gal ah in tan lagu sameeyo xarumaha dhaqaatiirta maqaarka, oo la mid ah habka qurxinta jirka.
Sida la filayo Plikus wuxuu yiri dadka waxaa usoo bixi doona timo dabiici ah oo la mid ah sidii ka hor inta aysan bidaartu ku bilaaban.
Waxaa jira noocyo lagula tacaalo tima daadashada iyo bidaarta balse aan ahayn daweyn rasmi ah, waxaana ka mid ah kiniini iyo saliido la mariyo madaxa.
Qaarkood waxay lkeeyihiin saameyn taban, tusaale kiniinka Rogaine wuxuu sababaa maqaar cuncun halka midka kale ee Propecia uu hor seedo in uu dhimo dareenka iyo damaca gogosha.
"Waxaan haynaa la tacaalid, laakiin ma hayno xal," ayuu yiri Dr. Jeremy Green, oo ah khabiir ku takhasusay maqaarka oo ku sugan Miami la-taliyena ka ah Amplifica.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Daraasada kale
Waxaa jira daraasado hore oo la sameeyay, waxaan ka mid ah mid lagu ogaaday daawo waxtar u noqon karto bidaarta iyadoo la isticmaalayo daawo hore loogula tacaali jiray cudurka lafaha ku dhaca. Baarayaasha caafimaadka ayaa ogaaday in daawadani ay ka hortagi karto borotiinka loo yaqaanno SFRP1 oo xanniba korriinka timaha.
Madaxa mashruuca dhakhtar Nathan Hawkshaw oo ka socda jaamacadda Manchester ee dalka Ingiriiska ayaa markaas sheegay in isbeddel ay u keeni karto dadka ay timaha ka buubeen.
Afhayeen u hadlay ururka ay ku midoobeen dhakhaatirta maqaarka ayaa BBC-da u sheegay in daraasaddan ay tahay mid muhiim ah oo dabooli karta baahida ay timaha u qabaan dadka bidaarta qaba. Wuxuu intaasi ku daray in daraasado kale la sameeyo ka hor inta aan lagu dawaynin dadka ay saamaysay timo go'a.
Beerashada timaha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Daweynta bidaarta oo meesha ka maqan iyo dadka siiba ragga oo la kulma timo daadasho badan, waxaa la raadiyey xal kale, waxaan tobankii sano ee u dambeeyay soo batay tallaalashada timaha.
Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sanadihii dambe ka mid noqotay magaalooyinka caalamka ee loo tago beerashada timaha ragga iyo haweenka qaba bidaarta.
Magaaladan ayaa waxaa ku yaallo xarumo caafimaad oo qaliin timo loogu beerayo loogu sameeyo dadka bidaarta qaba.
Soomaali badan ayaa u raadsada beerashada timaha dalka Turkiga balse waxaa dhawaan la keenay adeegyadan bariga Afrika.
Magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Addi Ababa iyo Nairobi ayaa la xaqiijiyey in dhamaantood ay soo gaartay farsamada beerista timuhu. Balse qaab dabiici ah in
















