Muran ka dhashay fal "anshaxa ka baxsan" oo lagula kacay nin Suudaani ah oo ku sugan Sucuudiga

Xigashada Sawirka, Twitter
Muranka ku saabsan bahdilka ayaa mar kale soo if baxay ka dib markii uu baahay muuqaal muujinaya nin Suudaani ah oo gudaha Sucuudiga lagu samaynayo waxa loo yaqaan baranki oo anshaxa ka baxsan.
Arrintan ayaa caro ka dhalisay gudaha Boqortooyada Sucuudiga, iyada oo ay dadku baraha bulshada ku dalbanayaan in talaabo laga qaado kuwa masuulka ka aha barnaamijka.
Warbaahinta Sucuudiga ayaa soo xigatay ilo rasmi ah oo ka tirsan Xeer ilaalinta guud, “sida ay soo gudbisay Xarunta Dabagalka ee Baarlamaanka, muuqaalka laba qof oo baraha bulshada ku baahay, iyaga oo aflagaadeynaya qurba-joog, oo mid ka mid ah uu qof dumar ah iska dhigayo inta ay gaariga ku jireen, iyaga oo duubay isla markaana baahiyey falka,” waxay wax u dhimaysaa anshaxa guud iyo karaamada nolosha gaarka ah.
Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo kuwa aan kor ku soo xusnay, waxaana la bilaabayaa dacwad ciqaabeed iyaga ka dhan ah, iyada oo loo diyaarinayo in loo gudbiyo maxkamadda awoodda u leh oo dalban doonta ciqaabo ka hortag ah.
Muuqaalka waxaa lagu arkay kanaalka YouTube ee Cabdiraxmaan Abu Habayeh, iyada oo ninkan Suudaaniiska ah ay dhalinyaro ku ciyaarayaan ka dib markii ay ku sireen in ay shaqaale u baahan yihiin.
Ninka Suudaaniiska ah oo ka falceliyey dhacdada
Ka dib markii uu muuqaalku baahay, waxa muuqaal soo duubay ninka Suudaaniga ah oo ka hadlaya dhibaatada ay dhalin yaradaasi u geysteen, wuxuuna xaqiijiyey in xaaskiisu ay furriin ka dalbatay. Wuxuu sidoo kale sheegay in carruurtiisa iyo bulshadiisa si weyn loogu ceebeeyay.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
U adeegsiga daawasho
Muuqaalku wuxuu caro ka ka dhaliyey baraha bulshada iyada oo qaar ka mid ah dadka ugu caansan ee shabakadaha buldhadu ku xariirto ay ku tilmaameen, ”aflagaado ka dhan ah sumcadda bulshada, dumarka, dadka martida ku ah sucuudiga iyo kuwa deegaankaba.”
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2
Qaar badan waxay u damqadeen ninka ”miskiinka ah” ee reer Suudaan, waxayna sheegeen in si anshaxa ka baxsan loola dhaqmay si daawadeyaal loogu helo.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 3
Dadka isticmaala twitterka ayaa dalbaday in lasoo af jaro dadka ka majaajileysta nolosha asturan ee shakhsiyaadka kuna xadguba, iyo in la ciqaabo qof waliba oo aan haysan ruqsadda duubista iyo samaynta filimada ee aan ogolaansho ka haysan wasaaradda isgaarsiinta iyo hay’adaha ay khuseyso.
Qaar kale waxay dalbadeen in ay qareenno u istaagaan sidii ay u difaaci lahaayeen ninkan, una buuxin lahaayeen gal dacwadeed sumcad dil ah oo ka dhan ah yuutuubleydii sidan yeeshay iyo in magdhow looga qaado.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 4
Qaar kale waxay aaminsan yihiin ” in nolosha khaaska ah oo lagu xadgudbo, baahinta falalkan oo kale iyo samaynta wax ka dhan ah diinta Islaamka iyo shareecadeeda ama adaabta dadweynaha, ay tahay dembi xogeed u baahan dib u eegis iyo ciqaab, sida ku xusan sharciga dembiyada xogta.”
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 5
Sharciga Sucuudigu muxuu leeyahay?
Qodobka 3aad ee sharciga dambiyada ka dhanka ah macluumaadka ayaa qeexaya ciqaabta; Halkaas oo ay ku caddahay in xarig aan ka badnayn hal sano iyo ganaax aan ka badnayn shan boqol oo kun oo Riyaal uu mudanayo qof kasta oo gaysta wax ka mid ah dembiyada macluumaadka, oo ay ku jiraan ku xad-gudubka nolosha gaarka ah ee isticmaalka moobilada gacanta ee kamaradaha leh ama wixii la mid ah sumcad-dilid ka dhan ad dad kale, oo lagu waxyeelleeyo iyada oo loo marayo wadooyinka xogta ee kala duwan.













