Lamaanaha kacbada isku duubay ee hadal haynta dhaliyay

Xajka

Alyona iyo Yazana waxay bartooda bulsho soo dhigeen muuqaal iyagoo cumreysanaya. Lammaanaha waxay sheegeen markii ay cumareysanayeen inay aheyd “Dareenkii ugu fiicnaa adduunka”. Dareenka Alyona ee kacbada ayaa dad badan soo jiitay.

Waa dad ceynkee ah Yazan iyo Alyona ?

Lammaanahan waxay isguursadeen bishii Febraayo sanadkii 2022kii, wixii markaa ka dambeeyay waxay soo dhigayeen You Tube-kooda howlaha ay qabtaan. Yazan waa wiil dhallinyaro ah oo asalkiisu Falastiin yahay balse dhalashada Urdun haysta. Xaaskiisa Alyona waa gabar asalkeedu Ruush yahay balse haysata dhalashada Sucuudiga. Hooyadeed ninki guursaday ayaa soo korsaday kaas oo aabe u noqday ilaa markii ay labo jir aheyd.

Hajj

Ciibaadada iyo muuqaal duubista

Muuqaalka ay lammaanahan soo dhigaan bartooda ayaa khilaaf ka dhaliyay baraha bulshada. Qaar waxay ku dhaliileen inay Xajka iyo Cumarada kaga faa’ideysanayaan muuqaal duubistooda, waxayna sheegeen in goobaha barakeysan aan loo adeegsan muuqaal duubis lagu doonayo maal iyo magac.

In badan waxay dhaliileen sida Alyona dareenkeeda u soo bandhigtay markii ay kacbada aragtay, waxay sheegeen inay habooneyd in guriga Alle ay baryo iyo cibaado ku gasho.

Dadka adeegsada Twitter-ka ayaa la yaabay sida dadka caanka ay ugu mashquulaan sawir qaadis marka ugu horeysay ay soo galaan kacbada. Dadka qaar ayaa soo jeediyay in ciidamada ammaanka ay ka qaadaan dadka taleefoonada iyo dhammaan qalabka wax lagu duubo ilaa inta ay waajibkooda ka gudanayaan.

Hajj

Cibaadada oo la soo bandhigo waxay ka fiican tahay sharta oo banaanka la keeno.

Dhanka kale, qaar ka mid ah dadka ayaa taageeray lammaanaha iyagoo sheegay soo bandhigista cibaadada inay wax badan ka fiican tahay kuwa banaanka keena dambiga halka qaar kalena ay sheegeen in tani ay dhiiroglineyso dad kale si ay iyagana mustaqbalka Cumarada iyo Xajka u yimaadaan.

Dadka qaar ayaa Iyana sheegay in Alyana oo Muslim ah hadana ay ka soo jeedo Kiristaan. Muuqaalka ay soo duubtay iyadoo joogta kacbada iyo dareenkeed waa arin qurux badan.