Shimbiraha ma la sadaqayn karaa? Fatwo muran ka dhalisay dalka Masar

Ido

Xigashada Sawirka, EPA

Fatwo Diini ah oo lagu bannaynayo in shimbaraha la sadqayn karo oo kasoo baxday dalka Masar ayaa dhalisay muran wayn.

Fatwadan oo uu soo saaray sheekh ka tirsan jaamacadda al Azhar oo muran aad u baahsan ka dhexdhalisay baraha bulshada ee masar iyo dunida carabta, ayaa ah mid uu ku banneeyay in la sadqaynkaro shimbiraha iyo digaaga.

Dr Saad Aldin Alhilaali, oo jaamacada Alazhar ka dhiga cilmiga shuruucda ayaa mar uu waraysi siiyey telefishan ayuu sheegay in la faafiyo in sadqaynta shimbiruhu bannaantahay, halkii laga soo iibsan lahaa xoolaha alle-bariga loo qalanayo, si loo yareeyo dhaqaale xumada jirta.

Alhalili ayaa yiri “ Fatwadani waxa ay ka timid fikrado ay qabaan imaamyo iyo sharciyaqaano muslim ah, iyaga ayaana qaatay go’aanka lagu bannaynayo sadqaynta shimbiraha oo ay u daliishadeen ayaado qur’aan iyo axaadiis.

Dhinaca kale sheekha ugu wayn dalka Masar Dr Shawky Allam, ayaa jawaab ka bixiyay fadwadan bannaynaysa in shimbiraha loo qalan karo alle-bari ahaan.

Dr Shawki oo jawaabtiisa lagu baahiyay websiteka xarunta islaamka ee Dar Al Iftaa oo masar ku taalla ayuu yidhi “ in alle- bari ahaan loo qalo wax aan ka ahayn ishinka sida, lo’da, adhiga iyo geela ma bannaana.

Digaag

Xigashada Sawirka, Getty Images

Allam ayaa intaa ku daray “ Ra’yiga odhanaya alle-bari ahaan waa loo gawrici karaa xayawaan kasta oo hilibkiisa la xuno, waa ra’yi diciif ah kana hor imanaya sunnada.

Sidee ayay uga falceliyeen dadku

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Baraha bulshada kuwooda ugu caansan ayaa lagu baahiyay fatwadan lagu banneeyay in shimbiraha la sadqayn karo ee uu soo saaray Al-azhar Sacad Aldin Alhariri.

Dadka faallooyinka ka dhiibanayay ayaa qaarkood uga falceliyeen si qosol iyo toocsi ah, kuwo kale waxa ay ka dhiibteen fikirkooda ah sida ay ula muuqato.

Majed ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray’ Alle bariga waa la yaqaanaa oo waxa la qalaa Ido, riyo, lo iyo geel, Balse waxa cad in Dr Sacad Aldin ay u muuqatay in qiimaha xooluhu dadka ku qaalliyoobay, aadna ay ugu adagtahay, ka dibna isaga oo dedaalaya uu soo saaray Fatwo qaldan.

Maxamed ayaa isna qaba in fatwada Alhalili tahay mid qaldan. “ Sharciyaqaanada iyo culimadu waxa ay isku raaceen in aan aanay alle bariga ku baxayn gawrocooda wax aan ka ahayn xoolaha ishinka ah sida geela, adhiga iyo Lo’da.

Waxa iyaduna qoraalkan ku baahaisay twitwerkeeda Shaima oo u aragta in aanu wax cusub sheegin Alhalili, fekwrkiisanina ka hor imanayo waxii ay isku raaceen culimada islaamku “ Dr ku waxa uu eegay uun qiimaha hilibka ee kor u kacay, balse digaagiiba waa qaaliyoobeen. Ma lagu ducaysan karaa kalluunka?”

Ma aha markii u horreysay oo dalka Masar uu ka dhco muran ku saabsan hilibka ama waxa hilib loo aqoonsan yahay.

Sannadkii tagay ayuu mac’hadka nafaqooyinka qaran ee dalka masar bartiisa facebook soo dhigay, qoraal ku saabsan ‘’dhowr cunto oo qani ku ah nafaqooyin kala duwan oo qiima ahaanna la goyn karo” khaasatan lugaha digaagga.

Joornaalada iyo mareegaha wararka ee dawladda masar ayaa sidoo kale daabacay war bixinno ka hadlaya ''faa'iidada lugaha digaagga” iyaga oo soo xiganaya qoraalkii mac’hadkku soo dhigay bartiisa facebook.

Arrintan ayaa hadal hayn aad u weyn ka dhalisay baraha bulshada iyada oo ay dadku siyaabo kala duwan uga falceliyeen.

Dadka qaar ayaa ka shakisan in arrinkan uu yahay ol’ole looga gol leeyahay in dadka lagu dhiira galiyo cunitaanka cuntooyin raqiis ah badalka hilibka digaagga oo qiimihiisu kor usii kacayo, si lamid ah maciishadda iyo iyo alaabta kale.