Vladimir Putin: Wax ka ogow qaabka loo sugo amniga madaxweynaha Ruushka

Putin

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

Qoraalka sawirka, Vladimir Putin

Dhacdoyinka sida xowliga ah maanta uga dhacaya Ruushka waa kuwo qeyrul-caadi ah.

Aqalka Kremlin ee Ruushka looga arrimiyo ayaa haatan iyadoo buuxda soo daabacay khudbad uu goor dhoweyd jeediyay Madaxweyne Putin oo qoraal ah.

Waxaa cinwaan looga dhigay "codsi ku socda muwaadiniinta Ruushka", tanoo looga gol leeyahay muujinta muhiimadda midnimada dalka - xilli ay jirto kala qeybsanaan baahsan iyo shacabka oo kasoo horjeeda duullaanka Putin ee Ukraine.

Madaxweyne Putin ayaa waxa dhacaya la barbar dhigay dhacdooyinkii 1917, markaas oo "Raashiyaanku ay dilayeen Raashiyaan kale" intii uu socday dagaalkii sokeeye ee uu dhiigga ku daatay.

Inkastoo uusan magaciisa sheegin, haddana khudbaddiisa waxay u muuqatay mid uu ugu digayo madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner, Yevgeny Prigozhin.

Putin ayaa wacad ku maray inuu tallaabooyin adag uu ka qaadi doono kooxda, oo uu ku eedeeyay khiyaano iyo hagar daacin.

Sidee loo ilaaliyaa amniga Putin?

Ruushka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ma jiro wax aan la sameynin si loo ilaaliyo Vladimir Putin naftiisa.

Tallaabo kasta oo uu madaxweynaha Ruushka qaadayo waxaa si dhow ula socda boqollaal ilaalo ah oo wehliya maalin kasta 24-ka saac ee ay ka kooban tahay.

Cuntadiisa waxaa loo diyaariyaa si taxaddar leh, wax walba oo uu cabayana waa in ay marka hore ka badaan la-taliyeyaashiisa khaaska ah.

Sababta arrintan loo sameynayo waa in ninkan horay uga tirsanaan jiray sirdoonkii Soviet-ka uu si fiican u ogyahay khatarta ku hareereysan, gaar ahaan xilligan uu dagaalka ku jiro.

Putin waxa uu hoggaaminayaa dagaalka uu waddankiisa ku qaaday Ukraine, taasina waxay keeneysaa halis dheeraad ah.

Balse yaa mas'uul ka ah ilaalintiisa? Maxayse yihiin qaar ka mid ah tallaabooyinka loo qaaday si loo ilaaliyo naftiisa? Waa tan xog aad wax badan uga ogaaneyso arrimahaas.

Koox si weyn u sugeysa amniga

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ciidamada kala duwan ee dhinaca amniga u qaabilsan Ruushka waxaa ka mid ah koox si khaas ah loogu xil saaray in ay ilaaliyaan Madaxweynaha iyo qoyskiisa: Waxaana lagu magacaabaa Ciidanka Ilaalada Amniga Madaxweynaha.

Kooxdan waxay hoos tagaan Taliska Hay'adda Ciidamada Amniga ee Federaalka Ruushka, oo asal ahaan ka tirsanaan jirtay Hay'adda Sirodonka ee loo soo gaabiyo KGB. Waxay sidoo kale qaabilsan tahay amniga saraakiisha sar sare ee Ruushka, oo uu ka mid yahay Ra'iisul Wasaare Mikhail Mishustin.

Sidaas awgeed, koox ciidamo si gaar ah u tababaran, oo dhagaha ay ugu jiraan qalabka isgaarsiinta ayaa ku hareereysan madaxweynaha habeen iyo maalinba.

Sida ay ku warrantay warbaahinta afka dwoladda ku hadasha ee lagu magacaabo Russia Beyond, marka ay ilaaladan madaxweynaha u raacayaan bannaanka, waxay isu qaybiyaan saddex kooxood.

Kooxda ugu dhow waxay u noqonayaan ilaalada khaaska ah.

Kooxda Labaad waxay iyagoo aan la fahansaneyn dhex galayaan shacabka.

Kooxda saddexaadna waxay waardiye ka qabanayaan dusha sare ee goobta uu madaxweynaha ku sugan yahay, si ay uga ilaaliyaan cid walba oo laga shakisan yahay oo soo gasha halkaas.

Kooxda afaraadna waa kuwo u tababaran shiishka oo la saaro saqafka kore ee dhismayaasha ku hareereysan meesha uu madaxweynuhu joogo.

Putin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Nin wax shiisha oo saaran mid ka mid ah darbiyada madaxtooyada Ruushka ee bartamaha Moscow

Ilaaladan waxay madaxweynaha u raacaan meel kasta oo uu tallaabo u qaado.

"Putin ma jecla in uu fuulo diyaaradaha qumaatiga u kaca; inta badan wuxuu ku safraa kolonyo gawaari ah, oo ay la socdaan mootooyin, gawaari midab madow, iyo kuwo kale oo qayb ka ah gaadiidka madaxtooyada. Marka uu socdo waxaa la joojiyaa dhammaan gawaarida shacabka, hawadana waxaa laga ilaaliyaa wax diyaarad ah ama kuwa loo yaqaanno drones-ka," ayuu yidhi Mark Galeotti, oo ah khabiir dhanka amniga u qaabilsan Ruushka.

Ciidamada ilaalada madaxtooyada Ruushka waxaa caawiya laanta "Ilaalada Qaranka Ruushka", ama "Rosgvardia", oo lix sano ka hor uu abuuray Putin qudhiisa, laguna tilmaamay in ay yihiin "ciidan shakhsiyeed" oo uu sameystay madaxweynaha.

Waa laan ka madax bannaan taliska ciidamada amniga Ruushka. Inkastoo howlahooda ay ka mid yihiin ilaalinta xuduudaha, la dagaallanka argagixisada iyo arrimo kale, haddana shaqadooda khaaska ah waa in ay Madaxweynaha ka difaacaan khatar kasta oo suuragal ah.

"Qof walba wuu og yahay in ay yihiin ciidamada ilaalada khaaska u ah madaxweynaha," ayuu yidhi Stephen Hall, oo ah khabiir wax ka dhiga Jaamacadda Bath ee dalka UK.

Putin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Viktor Zolotov, oo horay ilaalo khass ah ugu ahaa Putin ayaa hadda hoggaaminaya kooxda ilaalada qaranka

Ninka hadda hoggaaminaya Ciidanka Ilaalada Qaranka waa Viktor Zolotov, oo horay u ahaan jiray waardiyaha khaaska ah ee Madaxweyne Putin.

Waa nin daacad u ah madaxweynaha, sannadihii ugu dambeeyayna waxa uu kordhiyay tirada ciidanka amniga oo uu gaarsiiyay ilaa 400,000.

"Waa tiro aad u badan, ilaalada madaxweyneyaasha, sida madaxweynaha Mareykanka, uma dhowa tiradaasoo kale," ayuu yidhi Mr Hall, oo la hadlay BBC Mundo.

Maxay yihiin tallaabooyinka loo qaaday si loo ilaaliyo Putin?

Inkastoo ay adag tahay in la ogaado heerka ay gaarsiisan yihiin tallaabooyinka lagu xaqiijinayo amniga madaxweynaha, qaar ka mid ah waxaa tooshka ku ifiyay Madaxtooyada Kremlin iyo saraakiil ka tirsan ciidanka amniga Ruushka.

Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah:

Cuntada

Putin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mid ka mid ah arrimaha sida aadka ah looga taxaddaro waa cuntada.

Sida uu sheegay Mark Galeotti, Putin waxa uu leeyahay dad u qaabilsan dhadhaminta raashiinka, maadaama laga baqayo in la sumeeyo, waxayna tijaabiyaan wax walba oo uu madaxweynuhu cunayo.

"Qaabkan ilaalada ah wuxuu u eg yahay kii ay adeegsan jireen boqortooyooyinka, mana aha mid la mid ah amniga madaxweyneyaasha ee xilligan casriga ah," ayuu Mr Galeotti ku yidhi BBC-da.

Xitaa marka uu madaxweynuhu dalka dibaddiisa aado, kooxdan ayaa dhadhamineysa wax walba ka oo uu cunayo.

Stephen Hall, ayaa sheegay in kooxda ilaalada madaxweynaha ay si dhow ula socdaan qaabka loo kariyo raashiinka madaxweynaha, si khatarta looga hor tago

Taleefannada casriga ah

Putin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tallaabo kale oo loo qaaday si madaxweynaha amnigiisa loo sugo waa in telefoonnada casriga ah laga ilaaliyo madaxtooyada Kremlin.

Madaxweynaha Ruushka qudhiisa ayaa xaqiijiyay in uusan isticmaalin qalabka casriga ah ee isgaarsiinta.

Sanadkii 2020-kii ayuu wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Ruushka, TASS, ku sheegay in haddii uu rabo inuu la xiriiro qof uu isticmaalo telefoon rasmi ah oo loogu talo galay.

Balse xaqiiqada ku aaddan in madaxweynaha uusan isticmaalin qalabkaas waa in uusan kalsooni ku qabin internet-ka.

Horay ayuu mar u sheegay in internet-ka uu yahay "Mashruuc ay leeyihiin CIA" - oo ah hay'adda sirdoonka Mareykanka. Dadka u dhashay Ruuhska ayuu ka codsaday in aysan waxba ka raadinin Google maadaama uu u arko in Mareykanku ay la socdaan xogta la galiyo adeeggaas.

Isbadallada lagu sameeyay amniga madaxweynaha Ruushka kuma eka oo kaliya kuwa ku saabsan dhinaca weerarrada.

Caafimaadka

Putin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa kale oo laga ilaaliyaa xanuunna, sida fayraska corona.

Xilliyadii uu aadka u socday xanuunkan, in loo dhawaado madaxweyne Vladimir Putin aad bay u adkeyd.

Hoggaamiyeyaasha faro ku tiriska ah ee la kulma waxaa lagu khasbayay in ay ka fogaadaan. Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu caansanaa ee arrintaas muujiyay waxaa ka mid ah markii uu la kulmay madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, kaasoo isaga iyo Putin loo dhaxeysiiyay miis aad u dheer.

Putin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tan iyo markii uu billowday cudurkan safmarka ah, madaxweynuhu uma safreynin deegaannada gudaha dalka, wayna yaraayeen munaasabadaha uu ka qayb gali jiray.

Qaar ka mid ah dadka falabqeeya arrimaha sirdoonka ayaa sheegay in isbadalladan xad dhaafka ah ee lagu xoojiyay amniga madaxweynaha ay ka turjimayaan in Ruushka ay qaadeen tallaabooyin "ka badbadis ah".

Qaar kalena waxay sheegayaan in madaxweynaha oo horay usoo maray laanta sirdoonka uu cid walba ka og yahay muhiimadda ay leedahay in uu naftiisa ilaaliyo.