Ma laga yaabaa in Putin uu u bareero adeegsiga Niyukleerka guuldarooyiinkii dagaalka ka dib?

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxwaynaha dalka Ukraine Zelensky ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan cidamada Rushka ee dallkaasi ku soo duulay.
Madaxwaynaha ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ay ilaa iyo haatan xoreeyeen ku dhawaad 6,000 oo kiilo mitir oo isku wareeg ah.
Xogahayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka , Antony Blinken, ayaa ammaanay hormarka ay dagaalka ka gaartay xukuumadda Kyiv.
Baaxadda ay leedahay guusha ay ciidamada Ukraine gaareen ayaan ilaa iyo imika la xaqiijin karin.
Barnaamij laga sii daayo telefishinka Ruushka ayaa waxaa markii ugu horeysay uu Ruushka qirtay in ay jiraan guulo ay gaareen ciidamada Ukraine.
“Kani waxa uu ahaa todobaadkii ugu adkaa ee abid ee hawlgalada gaarka ah ee Ukraine,” ayuu yiri Dmitry Kiselev, isaga oo ku dhawaaqayay hadalo murugo leh.
“Gaar ahaan dhanka Kharkov, markii ciidamada cadawgu ay ka awood bateen ciidamadeena, askarta Ruushku waxay ku qasbanaadeen inay ka baxaan magaalooyinkii ay markii hore xoreeyeen,” ayuu yiri warka laga tebiyay telefishinka Ruushka.
Moscow waxay qabsatay goobaha imika laga saaray bilo ka hor.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Si kastaba ha ahaatee, markii Ciidanka Ukraine ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen, ciidamada Ruushka ayaa lumiyay dhul baaxad leh oo ku yaalla waqooyi bari ee dalka.
"Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa beenisay wararka sida hoose u soo baxaya ee sheegaya in ciidamada Ruushku ay isaga carareen magaalooyiinka Balakliya, Kupyansk iyo Izyum,".
Khabiir ka tirsan wargeyska Boulevard ee Moskovsky Komsomolets ayaa fikrado kala duwan ka dhiibtay: “Sida cad waanu dhayalsanay cadawgeena, ciidamada Ruushku aad bay uga daaheen in ay falcelin sameeyaan ,natiijo ahaan, waa nalaga adkaaday, waa in aan ciidamadeena la soo baxnaa si aan loo go'doomin," ayuu yiri.
"Guul-darradan" waxay caro ka dhalisay baraha bulshada taageersan Ruushka iyo dadka baraha internetka wax ku qora ee taageera Moscow. Waxay ku eedeeyeen ciidamada Ruushka inay sameeyeen khaladaad.
Hogaamiyaha Chechnya Ramzan Kadyrov ayaa sidoo kale dhaleeceeyay: "Haddii maanta ama berrito istiraatijiyad isbedel ah lala imaan, waxaan la kulmi doonaa wasaaradda difaaca iyo taliyayaasha dalka oo aan u sheegi doono waxa dhabta ah ee ka dhacaya furumaha dagaalka."
In ka badan lix bilood ayaa ka soo wareegtay markii Vladimir Putin uu amray duulaanka Ukraine.
Maalmihii xigay, siyaasiyiin iyo khubaro Ruushka ayaa saadaaliyay in hawlgalka, oo Kremlin uu ku tilmaamay "hawlgal milatari oo gaar ah", uu ku soo afjari doono maalmo gudahood.
Taas ma dhicin, lix bilood ka dib markii uu bilowday duulaanka, ciidamada Ruushka waxay la kulmeen guuldaro oo waxaa laga qabsaday goobihii ay horey ula wareegeen.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cawaaqib siyaasadeed ma ku yeelan kartaa guuldaradan Putin?
Su'aasha muhiimka ah ayaa ah tani ma waxay cawaaqib siyaasadeed ku yeelan doontaa Vladimir Putin?
Ka dib, in ka badan 20 sano, Putin ayaa had iyo jeer loo arkayay inuu yahay nin guulaystay marka lagu eego indhaha Ruushka, waxaana lagu tilmaami jiray nin adag.
Lixdii bilood ee la soo dhaafay waxay muujisay in go’aankii madaxweynaha Ruushka Putin uu ku galay Ukraine uu ahaa xisaab-qaldan oo uu isku dhufsafday.
Sababtoo ah waxaa uu Ruushka ku guuldareysatay inuu gaaro guul degdeg ah, waxayna tani u soo jiiday Ruushka weerar dheer oo dhiig badan uu ku daatay islamarkana Putin uu sidoo kale la kulmay guuldarooyin isdaba joog ah.
Haddii la gilgilo sawirka hoggaamiyaha keli-taliska ah ee u muuqda mid aan laga adkaan, waxay taasi u keeni kartaa dhibaato.
Vladimir Putin wuxuu si fiican u ogaan doonaa taariikhda Ruushka in hoggaamiyeyaashii hore u galay dagaallo laakiin aan ku guuleysan aysan taariikhdooda si wanaagsan ku dhammaan.
Guuldaradii Ruushka kasoo gaartay dagaalkii Japan ayaa horseeday Kacaankii ugu horreeyay ee Ruushka 1905-tii.
Guuldaradii militari ee dagaalkii koowaad ee aduunka waxay kicisay kacaankii 1917 oo keenay dhamaadka Tsar.
Laakin Putin kuma talo jiro in loo arko mid guuldaraystay oo taasi ay fagaarayaasha ku soo shaac baxdo.
"Howlgalka militari ee gaarka ah ee Ruushka waa uu sii socon doonaa ilaa laga gaarayo dhammaan ujeedooyinkii markii hore loo dejiyay," ayuu afhayeenka Dmitry Peskov u sheegay suxufiyiinta.
Taas waxay keenaysaa su'aasha labaad ee muhiimka ah: Maxay tahay tallaabada xigta ee Putin uu qaadi doono ?
Ma fududa in la helo qof garanaya waxa uu Vladimir Putin ku fikirayo ama qorsheynayo.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira laba shay oo aan ognahay marxaladan: Hogaamiyaha Ruushku si sahal ah uma qirto inuu khalad sameeyay.
Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, taageerada dalalka reer galbeedka ee Ukraine ayaa loo aaneynayay guul-darrooyinkii ka dhacay goobaha dagaalka.
Telefiishanka dawladda Ruushka ayaa warkan ku daabacay ciwaanka "Kyiv, oo ay taageerayaan NATO, oo bilaawday weerar rogaal celis ah".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ruushka ma laga yaabaa in hub niyukleer ah isticmaalo?
Waxaa jirta su'aal adag oo kale oo imika taagan taasi oo aan laga jawaabin muddo bilo ah.
Haddii Putin uusan guul ku gaari karin hubka caadiga ah, ma isticmaali doonaa amaba khiyaarka ma ugu jirtaa hubka nukliyeerka?
Valeri Zaluzhnyi, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine, ayaa ka digay maalmo ka hor: "Waxaa jirta khatar toos ah oo ah in ciidamada qalabka sida ee Ruushka ay isticmaali karaan hubka nukliyeerka duruufo qaarkood."
Ma jiraan calaamado cad oo argagax leh oo muujinaya in Kremlin-ka uu argagaxsan yahay.
Telefiishanka dawladda Ruushku yididiilo ayuu muujinayaa. Wuxuu ka sheekeynayaa sida gantaallada Ruushka ay cagta u mariyeen tasiilaadka keydka tamarta ee Ukriane.











