Dagaalka Ukraine: Daawo sawirrada deegaannada ay dib ula wareegeen ciidamada Ukraine

Askarta Ukraine oo calankooda ku haysta saqafka sare ee guri ku yaalla magaalada Kupiansk. Taariikhdu waa Sept 10, 2022

Xigashada Sawirka, Reuters via TELEGRAM @KUPTG

Qoraalka sawirka, Askarta Ukraine oo calankooda ku haysta saqafka sare ee guri ku yaalla magaalada Kupiansk. Taariikhdu waa Sept 10, 2022

Baraha Bulshada ayaa lagu soo bandhigay sawirrada ciidamada Ukraine oo calankooda ka taagaya "goobaha cusub ee la xoreeyay" iyo sawirrada agabka ay ka tageen amaba la burburiyay ee Ruushka.

Waxa ay ku soo aadeysaa xilli Ukraine ay sheegtay in ciidamadeeda ay dib ula wareegeen in ka badan 3,000 oo kiilomitir oo isku wareeg ah kaddib weerar rogaalis-celis ah oo ay ku qaadeen bariga Ukraine, taasoo haddii la xaqiijiyo ka dhigan in ay saddex jibaarmeen guulihii ciidamada Kyiv ay sheegeen inay ka gaareen dagaalka.

BBC-da ma xaqiijin karto sheegashada Ukraine, maaddaama saxafiyiinta loo diiday inay galaan jiidaha hore. Balse wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa xaqiijisay in ciidamadeeda ay dib u gurteen si ay "dib isugu soo abaabulaan".

Halkan ka daawo sawirro ka tarjumaya weerarka rogaal-celiska ah ee Ukraine.

Gaari kuwa gaashaaman ah oo uu Ruushka leeyahay

Xigashada Sawirka, Getty Images via UKRAINIAN ARMED FORCES

Qoraalka sawirka, Waa sawirka gaari gaashaaman oo uu Ruushku leeyahay oo laga tagay, kaas oo ay ciidamada qalabka-sida ee Ukraine soo bandhigeen 11-kii Sebtembar - waxa ay sheegeen in sawirka lagu qaaday gobolka Kharkiv

Ciidamada Ukraine ayaa ku andacoonaya inay la wareegeen oo ay gudaha u galeen Kupiansk iyo Izyum - kuwaas oo ah labo magaalo oo muhiim ah oo uu Ruushku haystay.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa xaqiijisay in ciidamadeeda ay ka baxeen labadan magaalo, taasoo ay ku sheegtay inay u oggolaanayso inay "dib isu abaabulaan" ciidamadeeda ku sugan dhulka ay haystaan ​​kooxaha goonni-u-goosadka ah ee ay taageerto Moscow.

Wasaaradda Ruushka ayaa sidoo kale xaqiijisay ka bixitaanka ciidamadeeda ee magaalada Balakliya oo ah magaalo saddexaad oo muhiim ah.

Xafiiska warbaahinta ee Taliyaha guud ee ciidamada qalabka-sida ee Ukraine ayaa sheegay in baabuur dagaal oo Ruushku leeyahay ay ciidamada qalabka sida qabteen intii uu socday howlgalka iska caabbinta.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyi ayaa ku dhawaaqay in ku dhawaad ​​30 magaalo iyo tuulooyin laga xoreeyay gobolka Kharkiv.

Askarta Ukraine ayaa la soo bandhigay iyagoo dhulka dhigaya boorar uu Ruushku leeyahay oo ku dheggenaa Balakliya. Muuqaalka waxaa heshay wakaaladda wararka ee Reuters

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Askarta Ukraine ayaa la soo bandhigay iyagoo dhulka dhigaya boorar uu Ruushku leeyahay oo ku dheggenaa Balakliya. Muuqaalka waxaa heshay wakaaladda wararka ee Reuters

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa heshay muuqaal muujinaya ciidamada dalka Ukraine oo ku sugan magaalada Balakliya ee gobolka Kharkiv ee dalka Ukraine, iyaga oo boor Ruushku uu leeyahay soo jiidaya, kuna beddelaya gabay uu tiriyay Taras Shevchenko.

Weriyaha BBC-da Orla Guerin ayaa la hadashay 50 jir beeraley ah oo lagu magacaabo Natalia oo ka timid tuulada Novovoznesenske, oo ku taal koonfurta gobolka Kherson
Qoraalka sawirka, Weriyaha BBC-da Orla Guerin ayaa la hadashay 50 jir beeraley ah oo lagu magacaabo Natalia oo ka timid tuulada Novovoznesenske, oo ku taal koonfurta gobolka Kherson

Weriyaha BBC-da Orla Guerin ayaa la hadashay 50 jir beeraley ah oo lagu magacaabo Natalia oo ka timid tuulada Novovoznesenske, oo ku taalla koonfurta gobolka Kherson.

Natalia waxay sheegtay in xorriyaddu ay timid tuuladeeda 2-dii Sebteembar markii ay ciidamada Ukraine galeen.

"Waxay luuqadda Ukraine ku waydiiyeen, 'ma jiraa qof nool?' Waxaan gartay inay ciidamadeennu yihiin, aad bay u qurux badnaayeen, gaar ahaan marka loo eego faashiistaha oo ay ula jeedday [ciidamada Ruushka].

"Farxad darteed ma garaneyn waxa aan sameeyo oo waxaan ka fakaray, ma laabta ayaad gelisaa mise gacmaha oo keliya baad ku salaantaa? Waan taabtay oo aad ayaan u faraxsanahay."

Markii ay ciidamada Ukraine galeen Vasylenkove ee gobolka Kharkiv, waxay soo bandhigeen sawir

Xigashada Sawirka, TERRITORIAL DEFENCE OF THE UKRAINIAN ARMED FORCES

Qoraalka sawirka, Markii ay ciidamada Ukraine galeen Vasylenkove ee gobolka Kharkiv, waxay soo bandhigeen sawir

Markii ay ciidamada Ukraine galeen Vasylenkove ee gobolka Kharkiv, waxay soo bandhigeen sawir.

Sawirka waxaa sii daayay xafiiska warfaafinta ee difaaca dhulka ee ciidamada qalabka-sida ee Ukraine.

Waxay sheegtay in sawirka la qaaday kaddib markii deegaanka laga xoreeyay ciidamada Ruushka, 10-kii Sebteembar.

Dad ayaa isugu soo baxay taallada Taras Shevchenko oo u dhashay dalka Ukraine kuwaas oo watay calanka Ukraine

Xigashada Sawirka, Getty Images /Anadolu Agency

Qoraalka sawirka, Dad ayaa isugu soo baxay taallada Taras Shevchenko oo u dhashay dalka Ukraine kuwaas oo watay calanka Ukraine

Dad ayaa isugu soo baxay taallada Taras Shevchenko oo u dhashay dalka Ukraine, kuwaas oo watay calanka Ukraine, kaddib markii ciidamadooda ay sheegeen inay Sabtidii xoreeyeen magaalada Balakliya ee ku taalla koonfurta-bari ee gobolka Kharkiv.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa bogaadiyay horumarka Ukraine ee waqooyi-bari gobolka Kharkiv isagoo sheegay inay tahay guul ka soo hoyatay dagaalka lixda bil jirsaday.

Laakiin, ciidamada Ruushku waxay weli haystaan ​​qiyaastii shan meelood meel Ukraine.