Ruushka oo laba u kala jabay iyo afgembi laga cabsi qabo

Xigashada Sawirka, Reuters
Hogaamiyaha maleeshiyada xoogstada ah ee Ruushka - Wagner ayaa wacad ku maray in uu afgebin doono hogaanka milatariga Ruushka saacado uun ka dib markii Kremlin-ku ku eedeeyaya "jabhadeyn hubeysan".
Yevgeny Prigozhin ayaa sheegay in dagaalameyaashiisa Wagner ay kasoo gudbeen xadka Ukraine iyaga oo ku wajahan magaalada Rostov-on-Don ee Ruushka.
Waxa uu sheegay in ciidamadiisu ay riiqi doonaan cid waliba oo isku dayda in ay hor istaagto.
barasaabka gobolka ayaa dadka ugu baaqay in ay si dejiyaan isla markaana aydsan kguryaha kasoo bixin.
Yevgeny Prigozhin ayaa sheegay in ciidamadiisu ay soo rideen diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin militariga Ruushka taasi oo “rasaas ku furtay kolonyo shacab ah”. Ma uusan sheegin goobta, sheegashadana lama xaqiijin karo isla markiiba.
Kooxda Wagner waa ciidan gaar ah oo calooshood u shaqeystayaal ah kuwaas oo ka barbar dagaalamayey ciidamada caadiga ah ee Ruushka ee la dagaalamaya Ukraine.
Waxaa sii kordhayay xiisadda u dhaxeysa iyaga oo ku saabsan sida dagaalka loo maareeyay, iyadoo Prigozhin uu bilihii lasoo dhaafay dhaleeceyn xooggan u jeediyay hoggaanka militariga Ruushka.
Jimcihii, hogaamiyaha calooshood u shaqeystayaasha ah ee 62-jirka ah ayaa ku eedeeyay militariga in ay weerarro gantaalo halis ah ku qaadeen ciidamadiisa, waxa uuna wacad ku maray in uu ciqaabi doono. Wax caddayn ah ma uusan keenin.
Maamulka ayaa diiday shaqo joojinta, waxayna ka dalbadeen inuu joojiyo "falalka sharci darada ah".

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Yevgeny waxa uu sheegay in ay waajib tahay in la joojiyo "xumaha " ka dhex jira hoggaanka milatariga Ruushka, waxa uuna wacad ku maray in uu "u dagaalami doono cadaalad".
"Kuwii dilay wiilasheena, iyo tobanaan kun oo nolosha askarta Ruushka ah [dagaalka Ukraine] waa la ciqaabi doonaa," ayuu ku yiri farriin cod ah oo la soo dhigay barta bulshada ee Telegram.
“Waxaan idinka codsanayaa in aydaan is-hortaagin, qofkii sameeya sidaasna waxaa loo aqoonsanayaa khatar, waana la baabi’in doonaa, taasi waxay ku socotaa wax alla wixii jid-gooyo ah, dhul iyo cirba.
“Awoodda madaxtooyada, dawladda, booliiska iyo ilaalada Ruushka waxay u shaqayn doonaan sidii caadiga ahayd.
"Tani ma ahan afgambi ciidan, balse waa dedaal cadaaladeed, talaabadayadu ma faragelin ciidamada sinaba."
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa habeen walba helaya wararka ku saabsan xaaladda, sida uu sheegay afhayeenkiisu.
Ammaanka magaalada Moscow ayaa la xoojiyay habeenimadii Jimcaha, waxaa la adkeeyay amniga goobaha muhiimka ah ee Moscow, oo ay ku jiraan xarumaha dowladda iyo xarumaha gaadiidka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS.
Guddoomiyaha gobolka Lipetsk ee Ruushka ayaa sidoo kale ka codsanaya dadka deegaanka inaysan u safrin koonfurta.
Lipetsk waxay qiyaastii 280km xigtaa waqooyi-bari ee xadka ugu dhow ee Ukraine, iyo in ka badan 500km waqooyiga Rostov.
Qoraal uu soo dhigay barta Telegram, ayuu Igor Artamonov ku sheegay in tillaabooyinka amniga ee gobolka la adkeynayo, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee kaabayaasha.

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka goor dambe oo Jimcihii ah, ayay wasaaradda difaaca ee Ukraine ku tiri si fudud: "Waan daawaneynaa."
Aqalka Cad ayaa sheegay in ay la socdaan xaaladda, ayna la tashan doonaan xulafada Mareykanka.
Gen Sergei Surovikin, oo ah ku xigeenka madaxa ciidamada Ruushka ee Ukraine, oo hogaankiisa uu Yevgeny horay u amaanay, ayaa ugu baaqay "in uu joojiyo ciidamada oo uu ku celiyo xeryahooda".
"Waxaan nahay hal dhiig, waxaan nahay dagaalyahano," ayuu ku yiri muuqaal. "Waa in aydaan ku ciyaarin gacanta cadowga waqti ay ku adag tahay dalkeena."
Taliye sare oo kale, Lt Gen Vladimir Alekseyev, ayaa ku tilmaamay ficillada madaxa Wagner inay yihiin "Mindi dhabarka laga galiey dalka iyo madaxweynaha".

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa ku warantay in FSB, oo ah waaxda amniga ee Ruushka, ay furtay dacwad ciqaabeed ka dhan ah Yevgeny Prigozhin, oo ay ku eedaysay "in uu ku baaqay fallaago hubeysan" uuna isku dayay in uu dagaal sokeeye ka bilaabo Ruushka.
FSB ayaa sidoo kale la sheegay in ay ugu baaqday dagaalyahanada Wagner in ay diidaan awaamiirtiisa oo ay qaadaan tillaabooyin ay ku soo qabanayaan.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in "dhammaan warbixinnada Prigozhin ee lagu faafiyey baraha bulshada" ee ku saabsan weerarrada Ruushka ee xeryaha Wagner ay yihiin "mid aan run ahayn oo ay yihiin xog daandaansi".
Arrintan ayaa timid ka dib fariin muuqaal ah oo bishii May laga soo duubay Prigozhin oo uu ku hareeraysan yihiin meydadka ciidamadiisa, isaga oo ku eedeeyay wasiirka difaaca ee Ruushka Sergei Shoigu - iyo sidoo kale taliyaha guud ee ciidamada qaranka Valery Gerasimov - in aanu siinin rasaas ku filan.
Jimcihii, wuxuu ku dhawaaqay in dagaalka Ukraine loo bilaabay "si Shoigu looga dhigo Marshal".
"Wasaaradda gaashaandhigga waxay isku dayaysaa inay khiyaanto shacabka, khiyaanto madaxweynaha oo ay u sheegto sheeko ah in ay jireen gardaro waali ah oo ay Ukraine samaysay, oo ay nasoo weerarayso iyada oo ay la jiraan kooxda NATO," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Reuters
Xiisadda dagaalka Ruushka ayaa si weyn isha loogu hayaa caalamka oo dhan, waxaana ka mid ah ku xigeenkii hore ee kaaliyaha xoghayaha difaaca Mareykanka iyo sarkaal ka tirsan CIA Mick Mulroy.
Waxa uu BBC u sheegay in madaxa Wagner Prigozhin uu hadda caqabad culus u soo bandhigayo madaxweyne Putin.
"Waxay sheegaysaa wax badan in Ruushku uu ku tiirsan yahay calooshood u shaqeystayaal si ay isugu dayaan oo ay u badbaadiyaan duulaankooda istiraatiijiga ah ee Ukraine. Waxaa jirta xitaa in ka badan inta Prigozhin uu hadda qirayo, dhab ahaantii, in la sameeyay kicin iyo in dadka Ruushka been loo sheegay bilowgiiba," ayuu yiri.
Haddii ciidamada Wagner ay dhab ahaantii u hanjabaan xukunka Putin ee dalka, Ruushku waxaa laga yaabaa inuu "dib u hago awoodiisa milatari si uu u ilaaliyo naftiisa oo uu ka fogeeyo dadaalka uu ku xoojinayo weerarka Ukraine", ayuu ii sheegay.
"Xitaa haddii isku daygan afgambiga uu guuldareysto, waxay si cad u muujineysaa in kuwa ugu dhow dagaalkan ay ogaadaan inuu ahaa qalad aad u xun."















