Mareykanka: "Ruushka hammigii uu ka lahaa Ukraine ma gaarin waana la dhabar jebiyay"

Ruushka

Xigashada Sawirka, AFP VIA GETTY IMAGES

In ka badan 20,000 oo ciidamo Ruush ah ayaa lagu dilay dagaalka Ukraine tan iyo bishii December, sida uu sheegay Mareykanka.

80,000 oo kale ayaa laga dhaawacay, sida uu sheegay afhayeenka golaha ammaanka qaranka John Kirby.

Kala bar ka mid ah dadka dhintay ayaa ka tirsan kooxda Wafner, oo weerar ku qaadeysay magaalada bariga ku taalla ee Bakhmut.

Ruushka ayaa isku dayaya inuu la wareego magaaladan ar tan iyo sanadkii tegay.

Xukuumadda Moscow ayaa haatan gacanta ku heysa inta badan Bakhmut, balse ciidamada Ukraine ayaa weli maamula qeyb yar oo galbeedka magaalada ah. Dagaalkan qaraar ayaa muhiimad gaar ah u lahaa labada dhinacba.

Saraakiisha Ukraine ayaa sidoo kale sheegay inay dagaalka u adeegsanayaan inay dilaan ciidamao badan oo Ruush ah inta ay awoodaan.

Kirby ayaa sheegay in uu dhicisoobay isku dayga Ruushka inuu weeraro gobolka Donbas isagoo ka soo galaya dhanka Bakhmut.

Wuxuu intaa ku daray in lagu qiyaasayo in Ruushku uu la kulmay khasaaro 100,000 dhimasho iyo dhaawac ciidankiisa ah, ayna ku jiraan in ka badan 20,000 oo la dilay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Khasaaraha ka dhacay Bakhmut waa tan iyo billowgii December, sida ku xusan xogta Mareykanka.

Kirby ayaa sheegay in ujeeddada warka ay tahay in isku daygii dagaal ee Ruushka la fashiliyay isla markaana laga raayay kaddib bilooyin dagaal uu socday ayna soo gaareen khasaare aan caadi ahayn.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuusan ka hadleynin khasaaraha dhanka Ukraine isagoo u aaneeyay inay iyagu yihiin dhibbanayaasha Ruushka.

BBC-du uma suurtogelin inay si madax bannaan u xaqiijiso tiradan halka xukuumadda Moscow-na aysan wax jawaab ah ka bixin.

Qabsashada magaalada ayaa Ruushka u horseedi karta hadafkeeda ah inay qabsato dhammaanba gobolka Donetsk, oo ka mid ah afarta gobol ee ku taalla bariga iyo koofurta Ukraine ee uu Ruushku la wareegay bishii September kaddib afti cambaareyn caalami ah ay ka dhalatay oo uu sameeyay.

Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya inay leedahay muhiimad istaraatiijiyadeed oo yar, balse ay noqotay mid diiradda u saaran ciidamada Ruushka, oo la daalaa dhacayay inay war wanaagsan u geeyaan aqalka Kremlin.

Kooxda calooshood u shaqeystayaasha Wagner oo adeegsada waxyaabo ka baxsna bani’aadannimada ayaa door dhexe ka cayaaraya tacaddiyada uu Ruushku ka geystay Bakhmut.

Hoggaamiyahooda, Yevgeny Prigozhin, difaacay sumcaddiisa iyo tan ciidankiisa gaarka ah.

Balse wuxuu dhowaan ku hanjabay in ciidankiisa uu ka saari doono Bakhmut.

Wareysi dheer oo dhif ah oo uu siiyay weriye caan ka ah Ruushka, ayaa wuxuu wacad ku maray in Wagner uu ka saari doono haddii wasaaradda gaashaandhigga Ruushku aysan siin hubka ay u baahan yihiin.

Wuxuu ka digay in dagaal-yahannada Wagner dib loo geyn doono Mali.