‘Waxay ii sheegeen inay meel iga siin doonaan xabaalaha Wagner’

Xigashada Sawirka, VITALY VOTANOVSKY
Nin u dhashay waddanka Ruushka oo u dooda xuquuqda oo hore u bixiyay faafaahin ku saabsan xabaalaha lagu aaso calooshood u shaqeystayaasha kooxda Wagner ee lagu dilay waddanka Ukraine ayaa isaga tegay dalkaasi Ruushka.
Vitaly Votanovsky, oo bilaabay inuu diiwaangeliyo askarta Ruushka loogaga dilo gudaha waddanka Ukraine, isagoo isha ku haya xabaalaha ku yaal gobolka uu ka soo jeedo, ayaa dalkaasi isaga cararay 4 Abriil kaddib markii dhowr jeer dil loogu hanjabay.
BBCda ayuu la hadlay isagoo ku sugan caasimadda Armenia ee Yerevan.
Sannadkii hore, Vitaly wuxuu sannadguuradii 50-aad ee dhalashadiisii uu ku qaatay xabsiga.
Ninkan u dhaqdhaqaaqa xuquuqda, oo ka soo jeeda gobolka koonfurta Ruushka ee Krasnodar, ayaa xabsiga loo taxaabay 24kii Febraayo 2022, maalintii Ruushku soo galay dalka Ukraine.
Sarkaalkan hore uga tirsanaan jiray ciidammada Ruushka ayaa maalintaas u soo baxay si uu u mudaaharaado isagoo ku labisan dhar ay ku xardhan yihiin "Maya Putin!" iyo "Maya dagaalka!"
Sawirrada Vitaly oo ku labisan isla dharkaas ayaa lagu daray dukumiintiyada rasmiga ah ee maxkamada taas oo Vitaly uu tusiyay BBCda.
"Jaakadaas darteed ayaan 20 maalmood xabsi ugu jiray!" ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, VITALY VOTANOVSKY
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Gobolka Krasnodar, Vitaly laguma baran mudaaharaadyada uu ku dhigo waddooyinka, balse waxaa lagu yaqaan xabaalaha uu tiriyo.
Waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee helay xabaalo haatan caan ah oo ku yaal tuulada yar ee Bakinskaya ee gobolka Krasnodar, wixii markaas ka dambeeyayna waxaa xabaalahas loo yaqaan qabuuraha Wagner.
Halkaas waa goobta kooxda calooshood u shaqeystayaasha ee arxanka daran ay ku aasato dadka badan ee kaga dhintay waddanka Ukraine – kuwaas oo ah rag aan lahayn ehel ama aan meydadkooda cidna soo sheegan.
Xabaalahan oo ahaa mid yar oo tuulo ay leedahay ayaa isu badelay xabaalo aad u weyn, oo leh dhawr aag oo cusub si loogu aaso tirada sii kordhaysa ee dhimashada. Haatan xabaalaha waxaa gaafwareega ciidamo ilaalo ah.
Khamiistii, madaxa kooxda Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa booqday qabuuraha tuulada Bakinskaya wuxuuna sheegay inuu qorsheeyay inuu halkaas u baddelo taallo ay xusaan "jiilalka mustaqbalka".
Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ayaa qirtay in xabaalaha la ballaariyay, isaga oo intaa ku daray "sidaas ayey noloshu tahay".
Vitaly ayaa bilaabay inuu u safro agagaarka Gobolka Krasnodar bishii Maarso 2022, isagoo booqanaya qabuuro-kasta si uu u diiwaangeliyo tirada dadka dhintay.
"Waxaan u baahday inaan dadka u caddeeyo inay musiibo dhacayso," Vitaly ayaa ii sheegtay, "in halkan u dhaw ay dadku ku dhimanayaan.
"Waxaan u baahday inaan dadka tuso in dagaalku uu saameyn doono qof walba iyo waxkasta."

Xigashada Sawirka, YEVGENY PRIGOZHIN
Wuxuu bilaabay in si taxadar uu ku jiro uu u diiwaangeliyo magacyada iyo xogta dhammaan xabaalaha uu dil istaagay.
Markii uu ka soo cararay Ruushka horaantii bishan, xogtiisa waxaa ku jiray in ka badan 1,300 magac - oo ay ku jiraan dad dhintay oo ka soo jeeda gobolka Krasnodar oo keliya.
Vitaly waxa uu gartay qabuuraha raggii ku dhintay dagaalka – kuwaas oo ka duwan dhimashada caadiga ah ee dadka rayidka ah – isaga oo waydiiyey dadka deegaanka, halka dhanka kale uu darsay ubaxyada iyo sawirrada la duldhigay qabuuraha.
Bishii Disembar 2022, ninkan u dhaqdhaqaaqa xuquuqda waxa uu tegay tuulada Bakinskaya si uu u sawirro qabuuraha askarta caadiga ah.
Laakin intii ay halkaas joogeen, shaqaalaha xabaalaha ayaa u sheegay Vitaly iyo saaxiibkiis in ay aasayaan calooshood u shaqeystayaasha kooxda Wagner ee lagu dilay dagaalka.
"Markii aannu halkaas tagnay, waxaan ku aragnay 48 xabaalood oo kooxda Wagner ah. Markii dambe ee aannu halkaas tagnay, dhawr maalmood kaddib, waxaan aragnay 95 xabaal. Dabadeed 164. Kaddib ku dhawaad 270,” ayuu yiri.
Vitaly wuxuu sii waday inuu halkaas ku laablaabto si uu u diiwaangeliyo tirada iyo magacyada dadka dhintay. Waxaan waydiiyaa Vitaly inuu garanayo kuwa ay yihiin ragga meesha lagu aasay. "Waa wax iska cad inay ahaayeen dembiilayaal iyo calooshood u shaqeystayaal," ayuu ii sheegay.
Laakiin Vitaly ma diiwaangelinayn oo kaliya dadka laga dilay dagaalyahannada Wagner ee lagu xabaalay qabuuraha Bakinskaya, ee waxa uu sii waday in uu la socdo dhammaan askartii ka dhimatay milateriga ee la galiyay dhammaan xabaalaha gobolka Krasnodar. Wixii uu helayna wuu ka naxay.
"Xaqiiqdu waxay tahay, tan iyo Diseembar 2022, khasaaraha goobta dagaalka ee Ruushku wuu labanlaabmay," ayuu yiri Vitaly, isaga oo tixraacaya tirakoobka uu ka soo ururiyay Krasnodar.
Dhowr hay'adood oo sirdoon reer Galbeed ah ayaa ku andacoonaya in ciidammada Ruushka ay ku yar yihiin ragga.

Xigashada Sawirka, VITALY VOTANOVSKY
Sannadkii hore, Madaxweyne Putin waxa uu ku dhawaaqay in gudaha Ruushka laga wado "abaabulka" - boqollaal kun oo rag ah oo loo diyaariyey inay ka mid noqdaan ciidamada qalabka sida waxaana loo diray jiida hore ee dagaalka Ukraine.
Tiradii ugu dambeysay ee rasmiga ah ee dhimashada ee ay bixiyaan milateriga Ruushka waxay ahayd bishii Sibteembar 2022, markaas oo wasiirka difaaca Sergei Shoigu uu sheegay in 5,937 askari ay kaga dhinteen Ukraine.
Qiyaasta wadarta khasaaraha way kala duwan tahay, laakiin inta badan saraakiisha Mareykanka iyo Yurub waxay sheegeen in dhimashada Ruushka ay ka badan tahay 60,000.
Bilo kahor waxaa bilowday in Vitaly ay soo gaaraan hanjabaado.
Isla markii aan soo dhigay qoraalkeygii ugu horreeyay ee ku saabsanaa qabuuraha, hanjabaadaha ayaa bilaabmay, waxaanan bilaabay inaan kaydiyo dhamaantood, laakiin aad bay u badnaayeen marka waan joojiyay. 'Waan ku dilaynaa, waan ku ceejin doonnaa.'
"Bishii Janaayo, qof ayaa isoo wacay oo 'meel iga siiyay xabaalaha," Vitaly ayaa sharraxay. "Saddex jeer ayey isoo gaareen wicitaanno noocaasi oo kale ah – labo anigey iisoo galeen, halka kan saddexaadna uu ku soo dhacay darawalkayga Viktor."
BBC-da ayaa la tusiyay nuqullo kamid ah hanjabaadaha dilka iyo cododka wicitaannada lagu duubay taleefoonka.










