Maxaa ka jira in qofku inta uu hurdo uu liqi karo caaro?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa jirtay haweeney da’ ah oo liqday caaro, waxa ay sheegtay inay si aad ah u dareentay dhaq dhaqaaqa caarada oo ay ku tilmaantay in ay gilgishay.
Waxaa lagu xusay hees, haweeneydii nasiibka xumeyd waxa ay liqday caaro si ay usoo qabato dukhsi ay horay u cuntay.
Balse aynu si qoto dheer u dul istaagno caarada.
Adigoo u maleynaya in aadan si ula kac ah u sameynin, ma waxay u badan tahay inaad liqdo caaro xilliga aad ku guda jirto hurdadaada?
Chris Cowsley, oo kamid ah shaqaalaha boostada ee Hertfordshire, ayaa aaminsan inuu dhawaan sidaasi sameeyay.
Waxa la geeyay cisbitaal bishii hore kadib markii uu soo toosay isagoo u muuqda in uu wax ku margaday xilli ay ahayd aroor hore.

Xigashada Sawirka, CHRIS COWSLEY
Ma awoodin inuu si caadi ah u neefsado xilligaasi waxa uuna wacay 999, waxa uu u sheegay dhakhtarka ambalaasta in ay u muuqato in dalqadiisa ay qaniintay caaro wax culusna ay ka saaranyihiin.
Cunaha ayaa bararay, neefsashadiisuna aad bay u xumaatay. Mr Cowsley ayaa waxa uu sheegay in ay la noqotay in tani uu u dhimanayo.
Cisbitaalku waxa uu sheegay in aanay hubin waxa sababay dhibaatooyinka neefsashada ee Mr Cowsley in kasta oo khabiir ku takhasusay uu Mr Cowsley u sheegay in uu soo jeediyay aragtida dhakhtarka caafimaadka ee qaniinyada caarada.
Difaaca kuwa sideedda lugood leh

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ururka Arachnological Society ee UK ayaa leh sida kantaroolayaasha cayayaanka dabiiciga ah, caaradu waa "labaad ama midna".
Daraasad ay samaysay Jaamacadda Basel ee dalka Switzerland sanadkii 2017-dii ayaa lagu ogaaday in caaradu ay saameyn weyn ku leedahay deegaanka sida cadawga dabiiciga ah ee cayayaanka.
Warbixintu waxa ay leedahay: “Caaradu waa mid ka mid ah noocyada ugu qanisan adduunka uguna baahsan kooxaha ugaarsada."
Si kastaba ha ahaatee, khubarrada caarada aad ayay ugu qanacsan yihiin in caaradu ay tahay sababta keentay dhibaatada neefsashada ee Mr Cowsley.
Dr Matt Wilkinson, oo ka tirsan jaamacadda Cambridge qaybteeda cilmiga xayawaanka, ayaa yiri: "Waxaa jira khuraafaad ah inaad liqdo qiyaastii siddeed caaro sannadkii.
"Waa khuraafaad in kasta oo dad badani ay aqbalaan xaqiiqada."

Xigashada Sawirka, SIMON TAGGER
Ma cadda halka ay sheekada liqidda caaradu ka timid, laakiin khuraafaadka ayaa si aad ah ugu dhex milmay bulshada, waxa ay isu rogtay walxaha khatarta ka ah magaalooyinka, Dr Wilkinson ayaa yiri.
"Runtii waa wax lala yaabo in tani ay ahayd falcelinta dareenka kuwa daweynaya, Mr Cowsley," ayaa sidaasi yiri.
Dr Wilkinson iyo kuwa kale ayaa aad uga shakisan in qaniinyada caarada ay keentay dhacdada xanuunka badan ee Mr Cowsley.

Xigashada Sawirka, PA Media
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"In yar oo caaro caaro ah oo ku nool Britain ayaa ku qaniini kara, midda keliya ee suurtogalka ahna waa aaminaadd beenta ah, aad bay u weyn tahay oo waad soo toosi lahayd haddii ay taasi ku jirto dhuuntaada," Dr Wilkinson ayaa yiri.
"Ma aha in ay ku gurguurato dhuuntaada, waxaa jira hawo soo galaysa oo bixisa mana soo galayso halkaas."
Khubarrada ayaa isku raacay in dadka intooda badan ay toosi lahaayeen haddii ay caaro wejigooda taabato ama dhaq-dhaqaaqdo iyadoo jirkooda saran.
"Waxaad dareemi lahayd waqti dheer ka hor intaanay ku qaniinin," Dr Wilkinson ayaa yirii.
Waxa uu ka warqabay in shaqaalaha caafimaadku ay soo jeediyeen qaniinyada caarada in ay u keentay Mr Cowsley dhibaato xagga neefsashada ah, laakiin waxa uu yirii: "Waxaan u baahanahay caddayn aad u culus.
"I tus caddaynta, haraagii dhaawaca caarada , ama itus qaniinyadeedii. "Ma qiyaasi karo in caaro ay sidaas samaysay." Ayuu sii raaciyay.
Dr Geoff Oxford, oo ah xoghaye sharafeedka Ururka Arachnological Society ee Ingiriiska iyo xubno kale ayaa isku raacay in sheekada ku saabsan liqidda siddeed caaro sannadkii iyadoo la hurdo ay tahay "khiyaali".
NHS-ta ayaa waxay leedahay inkasta oo qaniinyada caarada ee Boqortooyada Midowday ay tahay wax aan caadi ahayn, qaarkood waxay dadka ku keeni karaan inay dareemaan xanuun, dhidid ama wareer.
Waxa kale oo ay qaadi karaan caabuq oo marar dhif ah ku yimaada, waxay keenaan fal-celin xasaasiyad oo daran. NHS-ta waxay ku talinaysaa in si degdeg ah loo raadiyo daawo haddii dadku ay ku dhacaan "calamadaha walaaca leh ka dib qaniinyada caarada".
Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah waxyaalihii ugu horreeyay ee uu sameeyay Mr Cowsley, booqashadiisa cisbitaalka kadib waxay ahayd inuu soo iibsado waxyaabo ka hortagta cayayaanka, oo uusan heysan markii hore sida uu sheegay.













