Maxaad ka taqaan faa’iidooyinka cajiibka ah ee Moxogga?

Xigashada Sawirka, Facebook
Moxoggu waa xidid dhulka laga soo saaro oo koofurta Soomaaliya aad looga isticmaalo. Siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaalaa,
Qaababka loo sameeyo waxaa ugu caansan karinta, oo inta la dhaqo oo la kariyo dabadeedna la cuno, isagoo sidiisa ah ama isagoo la jarjaray.
Dadka qaar waxay ku darsadaan waxyaabaha dhadhanka u yeela sida basbaaska, halka qaar kalena ay ku cunaan khudrad.
Asia ayaa markii ugu horreysay lagu arkay, laakinse hadda dunida oo dhan ayuu ka baxaa. Marka la kariyo wuxuu u dhadhamaa, una jilicsan yahay sida bataatiga (Baradhada).
Haddaba maxaa laga yaqaannaa faa’iidooyinkiisa ama waxtarka Moxogga?
1. Wuxuu Koontaroolaa sokorta dhiigga.
Moxogga waxaa ku jira laba nooc oo carbohydrate ah, kuwaasoo faa’iido u leh koontaroolka dhiigga. Mid ka mid ah maadooyinkaas waa fibre. Waxay gacan ka gaysataa in jirku burburiyo carbs-ka kale, lagana hortago in cunnada marka la cuno ka dib uu heerka sokortu kor u kaco
Waxaa kale oo moxogga ku jira maadada Starch. Bani aadmigu ma shiidi karo maadadan, laakin waa maaddo inta ay qofka jirkiisa ku jirto aysan sokortiisu kacayn.
Fibre iyo Starch oo is helay waxay moxogga ka dhigaan mid u fiican dadka sokorta qaba oo ka ilaaliya in sokortoodu kacdo.

Xigashada Sawirka, Facebook
2. Wuxuu yareeyaa khatarta cudurrada wadnaha
Labada maaddo ee Fibre iyo Starch ee ku jira Moxogga waxay yareeyaan khatarta wadne xanuunka. Baaritaanno la sameeyey waxaa lagu ogaaday in cunnadu uu Fibre ku badan yahay ay yarayso cudurrada wadnaha.
Waxaa la aaminsan yahay in tani ay sabab u tahay bacdamaa qayb ahaan uu Fibre yareeyo dufanka dhiigga (Chilesterol), laakin cilmi barista arrintan la xiriirta ayaa ah mid weli socota.
132kii garaam ee Moxog ah waxaa ku jira 6 garaam oo fibre ah, haddii u qofku cuno 10 garaam oo fibre ah malin kasta, waxaa 17% hoos u dhaca khatarta uu ku qaadi karo cudurrada wadnaha ku dhaca.
3. Maadooyinka ka hor-taga Kansarka
Moxogga waxaa ku jira amaaddo dhirta laga helo oo la yiraahdo ployphenols, taasooleh faa’iidooyin caafimaad oo ay ka mid tahay in ay yarayso khatarta la xiriirta in qofku Kansar qaado.
Maadada la yiraahdo Quercetin ee ku jirta Plyphenols ayaa keeni karta in unugga kansarka uu dhinto, ama waxaa aad gaabis u noqda koritaanka dhowr nooc oo kansar ah.
Mid ka mid ah tijaabooyinka la sameeyey ayaa muujinaya in Maadooyinka Moxogga ku jira ay awood u leeyihiin inay joojiyaan fiditaanka kansarka naasaha iyo kan qanjirka Borostaatada. Weli tijaabooyinkaas laguma samayn bani’aadan.

Xigashada Sawirka, hadalsame.com
4. Miisaanka oo yaraada
Maadaama Moxogga ay ku jirto maaddada Fibre, dadka cuna fibre badan waxay u badan yihiin kuwo miisaankoodu hooseeyo, sidoo kalena dufanka jirkooda ku jira uu yar yahay.
Tan waxaa loo aanaynayaa ayadoo qofka marka uu cuno Moxogga uu dareemo in calooshiisu buuxda oo uusan rabin cunto dheeraad ah, taana waxay yaraysaa inta Kaalori ee uu qofku cuno maalintii. Muddo marku qofku sidaa ahaado waxaa is dhima miisaankiisa.
Saamayntaas oo kale waxaa leh Starch.
Daraasad la sameeyey waxay muujinaysaa in ragga cuna dawooyinka cunnada alagu kabo ee ay ku jiraan 24 garaam oo starch ah, isla markaana cuna wakhtida cuntada ka hor, ay quutaan wax ka yar 6% kaaliyada uu jirku u baahan yahay.
5. Wuxuu u fiican yahay Mindhicirka
Jirka toos uma shiido Fibre iyo Starch, sidaa darteed waxay fariistaan xiidmaha. Marka ay gaaraan ganaca waxay noqdaan cunno ay cunaan bakteeriyada ili-ma-qabatada ah ee mindhicrka ku jira, waxaana ku koro bakteeriyada fiican ee jirkeennu u baahan yahay.
Marka ay bakteeriyada fiican khamiiriso fibre-ka, waxay abiuuraan aasiidhyo dufanaysan oo nafaqeeya unugyada ku dhereran mindhicirka, kuwaasoo noqda kuwo xoog leh oo caafimaad qabkoodu fiicnaado.
Arrinta yaabka leh ee lagu ogaaday baaritaanka bani aadmiga in xanuunnada ku dhaca mindhicirka, sida nabraha ka soo baxaay leeyihiin aasiidhyo dufanaysay oo herkoody hooseeyo.
Baaritaannadu waxay muujinayaan in Fibre iyo Starch ay gacan ka gaystaan la dagaallanka cudurrada ku dhaca marinka saxarada iyo kansarka ganaca (Colon cancer).
6. Nafaqada ku jirta halkii koob ee 132 Garaam ah
Fiber: 6.7 grams
Manganese: 30%
Vitamin B6: 22%
Vitamin E: 19%
Potassium: 18%
Copper: 13%
Vitamin C: 11%
Phosphorus: 10%













