Fannaanad 'buuran' oo loo haysto in lafteedu ay dadka ‘cayilka’ ku caydo

Xigashada Sawirka, Reuters
Xiddigta caanka ah ee Lizzo ayaa waxaa dacwad ku soo oogay saddex ka mid ah qoob-ka-ciyaarayaasheedii hore sababo la xidhiidha sheegashooyin ay ka mid yihiin faraxumeyn iyo abuurista jawi shaqo oo fool xun.
Tallaabada ay shaqaalahan hore sheegeen in ay sharciga kula tiigsan doonaan waxaa ka mid ah eedeymo la xidhiidha xadgudub galmo,cunsuriyayn dhanka diinta iyo jinsiyadda, takoorid iyo eedaymo joogto ah.
Fanaanada ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay qaar kood ku ceebaysay miisaankooda jidheed si gaar ah buurnidooda oo sida oo kalena ay cadaadis ku saartay gabadh ka mid shaqaalaha qoob ka ciyaarka heesaheeda in ay taabato ‘naasaha qof kale’.
Lizzo - oo caan ku ah u dabbaaldegga iyo caadiyaynta xidhiidhka ka dhexeeya jidhkeeda iyo jacaylkeeda - ayaa sidoo kale lagu eedeeyay, in dhaqankii ay ololayn jirtey ay dadka ku ceebayso.
"Qoob ka ciyaarka xirfada leh, korodhka miisaanka e qofka qoob-ka-cayaaraha waxaa badanaa loo arkaa in qofkaasi uu caajis yahay, sida oo kalena wax u dhimayo firfircoonidiisii. Taas oo darteed naloo takooray, " ayaa lagu sheegay dukumentiyada lagu eedeeyay.
Waxaana eedeeyeyaashu sheegeen in Lizzo ay tahay qof xun halka ay dadku u arkaan qof geesi ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxay ka tidhi fannaanaddu eedaymaha loo soo jeediyey?
“Maalmihii u dambeeyay waxay ahaayeen kuwo aad u adag oo niyad-jab badan leh, waxaa su’aal la geliyey anshaxaygii shaqada, dhaqamadaydii iyo ixtiraamkaygii, waxaana la dhaliilay dabeecadeydii iyo hab dhaqankaygii”. Ayay tidhi Lizzo
“Caadi ahaan waxaan doortaa inaanan ka jawaabin eedeymaha been abuurka ah laakiin kuwani waa kuwo aan la rumaysan karin sida ay u eg yihiin oo aad xun.” Ayay sii raacisay qoraal kooban oo ay ku baahisay baraheeda bulshada.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaana ay intaa ku dartay in dhaqankani aanu marnaba ka suuragalin, maadaama ay tahay qofka keliya ee laga waraysan karo inta jeer ee ay u dhibtootay in jidhkeeda iyo buurnideeda lagu ceebeeyo.
Shaqaalaha ayaa sida oo kale Lizzo ku eedeynaya in ay jireen xilliyo ay si furan ugala sheekaysatay bikranimadooda, isla mar ahaantaana ay ku baahisay baraha bulshada.
Shakhsiyaadkan eedaynaya ayaa sidoo kale ka hadlay sababta ay si cad ugu shaaciyeen cabashadooda, weliba si gaar ah ay warbaahinta u mariyeen, waxayna Ms Williams oo ka mid ah dadka eedeynaya ay sheegtay in ay ahayd "halkii ugu dambeeysay ee u furnayd" isla mar ahaantaana ay ahayd xalka keliya ugu xumaa ee ay hayteen.
"Waxaa jiray isku dayo dhowr ah oo la isku dayay in si gaar ah loo maareeyo," ayay u sheegtay BBC-da. "Waan ogahay in kooxda qoob-ka-cayaarka sida wadajirka ah ay isugu dayeen in ay shirar la galaan iyada [Lizzo] weliba keligeed ma aha xataa maamulkeeda kale si ay xal iyo natiijo wanaagsan uga gaadhaamn cabashooyinkayaga. Waxaana la kulannay hadal u dhigan 'ma samayn karno maanta shirarkaas' ama mararka qaar in la joojiyaba, sidaas darted in aannu soo aadnay warbaahinta iyo bulshada kama dhigna in aannaan samayn isku dayo kale” ayay sheegeen.

Xigashada Sawirka, Reuters
Maxaynu ka naqaan Lizzo?
Fannaanaddan oo magaceeda saxda yahay Melissa Viviane Jefferson ayaa ka mid ah fannaaniinta caanka ah ee Maraykanka.
Waxaana ay ku guulaysatay billado caalami ah. Lizzo, ayaa marka laga tago awooddeeda faneed waxaa loo arkaa shakhsiyad u taagan u ololaynta jeclaanshaha nafta, xilli ay adduunka hadheeyeen in dadka qaar lagu takooro midabkooda, jinsigooda iyo miisaanka jidhkooda.
Arrintaas oo Lizzo ay isku deydo in ay caadiyayso. Waxaana ay meteshaa bulsha dhan oo aan badanaa lagu arag muuqaallada heesaha iyo aflaamta.
Tan sannadkii 2017 iyo markii aadka lo bartay 2019 wixii ka danbeeyey Lizzo ayaa lagu arka fagaarayaasha caalamiga iyo iyada ku guulaysanaya billado caalammi ah, soona saaraysa heeso ay malyuumaad qof daawadaan.










