“Waxaan u maleynayaa in gacalisadeyda ay u dhimatay gudniinka fircooniga ah dartiis”

Dalka Sierra Leone ayaa ka mid ah waddamada ugu badan ee gudniinka fircooniga ah lagu sameeyo gabdhaha ee qaaradda Afrika waxaana mararka qaar uu ku dambeeyaa masiibo. BBC Africa Eye ayaa la kulantay nin aaminsan in gacalisadiisii ay dhimatay kaddib markii laga jaray qaybo kamida xubinta taranka.
Fatmata Turay waxay ahayd 19 jir markii hooyadeed ay wacday si ay ugu timaaddo gurigooda oo ku yaalla baaddiyaha.
Fatmata waxaa lagu bilaabayay qorshaha u diyaar garowga qaangaarka gabdhaha ee bulshada Bondo, oo ah caado soo jireen ah oo qarniyaal jirtay.
Soddon iyo lix saacadood kaddib, Fatmata waa ay geeriyootay.
Laga soo bilaabo maalintii aaskeeda ee 18-kii Agoosto 2016, saaxiibkeed, wariye Tyson Conteh, ayaa la soo baxay kaamiradiisa oo bilaabay duubis.
Waxa uu sharraxaad ka bixiyay duubista iyo sababta uu u rabo in uu u diiwaangeliyo waxa dhacaya.
"Waxaan rabaa inaan isticmaalo filimkan, oo aad ii xiisa gelinaya iyo waliba si aan dood iyo wadahadal u abuuro, Fatmata ma rabto inay aragto gabadh kale, iyo haweeney silac u dhimanaysa, taasi waxay ahayd rabitaankeeda."
Waxa uu sheegay in Fatmata ay kula hadlaysay riyadiisa, ayna ka doonaysay inuu soo bandhigo xaqiiqada dhimashadeeda isla markaana uu joojiyo gudniinka Fircooniga ah.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Gudniinka Fircooniga ahi waa in qayb ahaan ama gebi ahaanba la jaro xubinta taranka haweenka ee dibadda, iyada oo inta badan diiradda la saaro qaybta sare.
Sanduuqa dadweynaha ee Qaramada Midoobay ayaa dhaqankan ka diiwaan geliyey 92 waddan, hase yeeshee waxa uu aad ugu badan yahay qaybo ka mid ah Africa iyo Bariga Dhexe.
Waddamada ay ka mid yihiin Soomaaliya, Suudaan iyo Jabuuti, waxaa lagu dhaqmaa nooc kamid ah gudniinka fircooniga ah halkaasoo gebi ahaanba la xiro ama la tolo xubinta taranka ee gabdhaha, taasoo ka dhigeysa dalool yar oo kaadida iyo dhiigga caadada oo kaliya u furan.
Meelaha qaar ayaa haweeneyda la geeyaa dhakhaatiirta marka la guursado si loo furo kahor inta aan loo galmoon.
Ma jiraan faa'iidooyin caafimaad oo laga helo gudniinka fircooniga ah.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay in ay keeni karto dhibaato kaadi, xubinta taranka iyo caadada, iyo sidoo kale dhibaatooyin laga dhaxlo xilliga dhalmada oo dhimasho sababi karta.
Dalka Sierra Leone, waxaa lagu qiyaasaa in 83% haweenka iyo gabdhaha da'doodu u dhaxayso 15 ilaa 49 jir lagu sameeyay gudniinka Fircooniga ah.
Mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee habraaca waa in la xaddido rabitaanka galmada ee haweenka. Haddii la jaro, waxaa loo maleynayaa inay ilaalinayso bikradnimadooda oo markay guursadaan, waxay si daacadnimo ku jirto ula noolaanayaan nimankooda.
"Haweeney aan la gudin waxa ay ka galmo jeceshahay tan la guday, taasina waa sababta aan u yareeyno rabitaankooda," ayay tiri Aminata Sankoh, oo kamid ah haweenka gabdhaha guda ee dalka Sierra Leone oo loo yaqaanno [soweis].
'Waxay igu qaadatay hal usbuuc in aan kaadiyo'
Conteh wuxuu helay fursad naadir ah taaso ah inuu filim ka sameeyo bulshada Bondo oo dhan, oo ah gobol qadiimi, farshaxan iyo dhaqan isku darsan.
Waa dabbaaldegga doorka soo jireenka ah ee xaaskaska iyo hooyada oo ay odayaasha Bondo ku guddoonsiiyeen haweenka da’da yar.
Waxa loo arkaa hab dhaqan lagama maarmaan ah.
Si kastaba ha ahaatee, qayb ka mid ah billowga gudniinka fircooniga ah ayaa lagu gudo jiraa. Conteh looma oggola inuu duubo intan.

"Dadkayagu waxa ay muddo dheer kusoo jireen dhaqankaas" ayey tiri Ngaima Kamara, oo ah hormuudka kooxda Soweis.
"Haddii aan la gudin gabadha, waxa ay ka xishoon doontaa in ay igu ag mayrato, haddii aan meel ku kulanno waxaan kuu sheegayaa inaanan la hadlin haweeney aan la gudin, sida in ay xanuunsantahay oo kale."
Conteh, barnaamijkiisa waxa uu uga sheekeeyay wixii ku dhacay Fatmata maalin uun ka dib markii ay ka soo qaybgashay xafladda Bondo.
"Waxaan la kulanay maydkeeda oo meel dulsaaran, meel ka baxsan guriga oo barxad ah. Waxayna ku duu-duubneyd maryo cadcad," ayuu yiri.
"Waxaad arkaysaa dhiigga oo soo baxaya, waxaad arkaysaa inuu dhiig ka daadanayo, waxaana ogaannay inay ku dhimatay jar jarid iyo gudniin lagu sameeyay."
Booliiska ayaa goobta yimid, waxaana meydka Fatmata loo qaaday qolka meydadka ee Makeni.
Hooyadeed iyo kooxdii gudniinka ee Soweys ayaa la xiray.
Lix maalmood ka dib, baaritaanka dhimashada waxaa sameeyay dhakhtarka kaliya ee cilmu nafsiga Sierra Leone ee wakhtigaas, Dr Simeon Owizz Koroma.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahayd Dr Sylvia Blyden, oo markaas ahayd wasiirka daryeelka bulshada, jinsiga iyo arrimaha carruurta.
Dr Blyden waa taageerta u ogalaashaha dumarka qaangaarka ah inay ku dhaqmaan gudniinka fircooniga ah hase yeeshee aad ayey uga soo horjeeddaa da'da yar iyo gudniinka qasabka ah.
War saxaafadeed ay soo saartay ayay ku sheegtay in gudniinka Fircooniga ah uusan wax lug ah ku lahayn geerida Fatmata. Kooxda Soweis iyo Fatmata hooyadeed waa la sii daayay.
Conteh waxa uu baaray suurtagalnimada in dhimashada saaxiibtiis la qariyay. Dr Blyden waxay ku adkaysanaysaa inaysan weligeed runta ku beddeli doonin sumcadda bulshada Bondo.
Rugiatu Turay, oo aan wax xiriir ah la lahayn Fatmata Turay, waxa ay ahayd wasiir ku xigeenka Dr Blyden wakhtigaas, waxaana ay muddo dheer u ololaysay ka hortagga gudniinka Fircooniga ah.
Waxay aasaastay oo maamushaa dhaqdhaqaaq urur ka jira Sierra Leone oo diiradda saaraya joojinta gudniinka Fircooniga ah.
Waxay sheegtay inay nasiib u yeelatay inay noolaato ka dib markii la jar jaray iyadoo 11 jir ah.
"Waxaan ku dhawaaday inaan dhinto, haddii aan rabo inaan kaadiyo, waxay igu qaadatay hal usbuuc inaan si caadi ah u kaadin karo”
'Kooxda Bondo oo u ololeeya gudniinka fircooniga ah way dhammaan doontaa'
Ms Turay ayaa su'aal galisay sababta ay Dr Blyden u joogtay goobta meydka.
"Maxaad ugu oggolaatay wasiirkaaga inuu galo qolka meydka si uu u sameeyo baaritaan, xitaa haddii ay dhakhtar tahay, halkaas shaqo kuma laha”.
"Waxay garab istaagtay Soweis, taasi waxay ku tusinaysaa inay horeba dhinac ula safatay, waxaanu rumaysannahay in natiijadii, oo aynaan arag, la beddelay, taasna waan aaminsanahay, nolosha dumarka kuma xirna codad la helo" ayey tiri.
Dr Blyden ayaa ku adkaysanaysaa sheegashada ah in Fatmata aysan u dhiman gudniinka Fircooniga ah, iyada oo sheegtay in natiijada dhimashada ay tahay taariikhda caafimaad ee Fatmata.
Waxa ay ku doodday in ay xilkeeda wasiirnimo yahay in ay ka qeybgasho baaritaanka meydka, waxa ayna beenisay in ay u timid wax dano siyaasadeed ah.
BBC Africa Eye waxay la xiriirtay Dr Owizz oo baaritaanka sameeyay, hase yeeshee wuu diiday inuu ka jawaabo.
Afar sano ka hor, Ms Turay waxay aasaastay bulshadii Bondo ee ugu horreysay oo aan lahayn gudniinka Fircooniga ah, oo loo yaqaanno Rites Alternative ama Bondo Bloodless.
Waxay aaminsan tahay in Bondo lafteedu ay dhammaan karto haddii haweenku joojin waayaan gudniinka Fircooniga ah.












