Sambabka "si layaab leh" ayuu uga dawoowaa sigaar cabidda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sambabka aadanaha wuxuu leeyahay "awood mucjiso ah" oo uu uga soo caafimaado cudurada uu ka qaado sigaarka - balse waa in marka hore qofka uu joojiyo, sida ay seynisyahannada sheegayaan.
Dhaawacyada sababa kansarka waxaa markii hore loo arkay mid joogto ah oo aan bogsan, ayna sii jiraan xitaa marka uu qofka joojiyo sigaarka.
Arrintan la yabka leh waxaa lagu qoray wargeyska ka hadla arrimaha dabiiciga ah, kaas oo lagu muujiyay dhowr unug oo ka baxsanaya dhaawacyada oo dawo u noqon kara in sambabka uu bogsado.
Isbedelka waxaa lagu arkay dad maalintii cabi jiray hal baako oo sigaar ah, muddo 40 sano ah, haddana caafimaaday ka dib markii ay joojiyeen.
Kumannaanka kiimiko ee ku jira tubaakada la dhuuqo waxay waxyeeleeyaan, ayna bedelaan hido-sidaha ku jira unugyada sambabka - waxayna si aayar ah isugu badalaan kansar.
Cilmi baarista cusub waxay muujineysaa in isbedel wayn uu dhacayo ka dib marka qofka uu joojiyo sigaar cabidda, xitaa haddii kansar uu ku dhaco.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Unugyada aadka u badan ee laga soo qaaday dhuunta dadka sigaarka caba waxaa ka muuqday in tubaakada ay si ba'an u waxyeeleysay, iyadoo illaa 10,000 oo unug ay isbedeleen asal ahaan.
"Kuwan waxay u egyihiin waxyaabo qarax yar sameeyay, waxayna sugayaan saameynta xigta oo kansar noqon karta," ayey tiri Dr Kate Gowers, oo ka mid ah cilmi baarayaasha jaamacadda UCL.
Laakiin, unugyo yar ayaa ka badbaada oo aan isbedelin.
Sida saxda ah ee ay uga badbaadeen dhibaatada ka dhalatay sigaarka ma cadda. Balse cilmi baarayaasha waxay sheegayaan in ay u muuqato in "ay ku dhex nool yihiin meel xiran oo aan la gali karin".
Si kastaba, marka qof uu iska joojiyo sigaarka, unugyada badbaaday ayaa bllaaba in ay kobcaan ka dibna ay bedelaan kuwa xanuunsaday ee sambabka ku jira.
Dadka iska daaya sigaarka, illaa 40% boqolkiiba, unugyadooda waxay u ekaanayaan dadka kale ee aan weligood sigaar cabin.
"Anaga gebi ahaanba diyaar uma ahayn natiijada aan helnay," Dr Peter Campbell, oo ka tirsan machadka Sanger, ayaa sidaa u sheegay BBC News.
Wuxuu intaa ku daray: "Waxaa jiro kooxo unugyo ah oo isu beheysta daweynta neef-mareenka iyo dhuunta oo dhan.
"Mid ka mid ah arrimaha cajiibka ah ee aan aragnay waxaa lagu arkay bukaannada sigaarka joojiyay, xitaa 40 sano haddii ay cabayeen. Waxay leeyihiin kumannaan unug oo aanba isbedelin oo aan la kulmin sigaarka."
Ku dhiirashada joojinta sigaarka
Cilmi Baarayaasha weli waxay qiimeynayaan illaa heerka uu sambabka bogsado. Baaritaanka waxaa diiradda lagu saaray dhuunta, halkii la eegi la haan marinnada yaryar ee loo garanayo alveoli, halkaas oo hawada ay soo marto markaan neefsaneyno, waxayna ka soo qaadaa sambabada.
Tusaale ahaan, illaa 47,000 oo qof oo ku nool UK ayaa qaba kansarka sambabada, illaa rubuc ka mid ah waxay ka qaadeen sigaarka.
Cilmi baaris ayaa horey u muujisay in ay yaraaneyso halista kansarka sambabka, haddii qofka uu iska daayo cabidda sigaarka.
Fikradda waxay ahayd in taas ay fududahay sababtoo ah isbedelka unugyada sambabka ayaa halkaas ku dhammanaya.
Dr Rachel Orritt, oo ka tirsan xarunta cilmi baarista kansarka ee UK waxay tiri: "Waa fikrad dhiiragelin leh in dadka joojiyay sigaarka ay fursado badan oo cudurro ay kaga badbaadaan helayaan - iyagoo ay ka yaraaneyso dhibaatada ka dhalata tubaakada ee sambabada ay u geysato. Sidoo kale waxay fursad u tahay in sambabka uu isu dheeli tiro unugyada xanuunsan iyo kuwa caafimaadka qaba".










