Cilmi baaris: Mir ama ka badan cab, sigaarku waa cudur

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka cabba sigaarka ayay tahay gabi ahaan ba in ay joojiyaan badalkii ay dhimmi lahaayeen tirada inta xabbo oo sigaar ah ee ay maalinkii cabbaan.
Sida ku cad cilmi baaris ay samaysay jariirada caafimaadka ee BMJ haddii uu qofka yareeyo inta mir ee uu maalinkii cabayo taasi hoos uma dhigayso khatarta ah in uu wadna xanuun ku dhaco.
Cilmi baaariddaa ayaa muujinaysa in qofka cabba maalinkii hal xabbo oo sigaar ah uu wali 50% halis ugu jiro in uu ku dhaco cudurka wadna xanuunka.
Boqolkiiba 30 ayuu sidoo kale halis ugu jiraa qofkii maalinkii cabba mir sigaar ah in madaxa uu dhiig uga furmo marka loo barbar dhigo qofka aan waligii cabbin.
Khubarada ayaa sheegtay in ay arrintani muujinayso in sinnaba uusan sigaarka u wanaagsanayn marka ay timaado cuduradan.
Waxa ay sidoo kale khubarada sheegeen in qofka dhima tirada inta mir ee uu maalinkii cabo uu u dhaw yahay in uu joojiyo marka loo barbar dhigo qofka cabba sigaarka badan.
'Jooji gabi ahaanba '
Cudurada ku dhaca saableeyda ee aan ahayn Kansarka, ayaa ah halista dhimasho ee ka dhalata sigaarka , waxa ayna dad badan u dhintaan cuduro la xiriira cabbidda Sigaarka.
Daraasadda ayaa muujinaysa in 141 cilmi baarid oo lagu daabacay jariiradda caafimaadka ee BMJ, ay muujinayso in haddii uu qofka maalinkii uu cabbo 20 mir oo sigaar ah ay sababayso todobo xanuunka wadnaha ah.
Balse haddii tiradaasi la dhimo oo maalinkii uu qofka cabbo hal xabo wali waxa uu halis ugu jiraa 3 xanuunka wadnaha ah.










