Muxuu ahaa Masaajidka laga dhisay Masar ee dad badan ka careysiiyay?

Xigashada Sawirka, ALAMY/REUTERS
Masar ayaa masaajid taariikhi ah ka furtay caasimadda cusub ee dalkaasi uu yeelanayo, balse waxaa si weyn loogu dhaliilay kharashka ku baxaya masaajidkaasi.
Dawladdu waxay magaalo cusub ka dhisaysay saxaraha, taasi oo qeyb ka ah qorshaha ay dadka kaga rareyso magaalada Qaahira oo uu ciriiri badan oo dhanka dadka ah ka jiro.
Balse masaajidka iyo xarunta cusub ee xarigga laga jaray ayaa waxaa qaar badan oo ka mid ah dadka baraha bulshada ay u soo jeediyeen dhaliil.
Waxay ku soo beegantay xilli Masar ay la daalaa dhaceyso sicir barar baahsan, iyadoo sicir-bararka uu bishii March ka sara maray 30%.
Caasimadda cusub ee Masar ayaa laga dhisay meel 45 km (28 mayl) bari ka xigta magaalada Qaahira.
Xarunta cusub ee Dhaqanka Islaamka waxaa kale oo ka mid ah Masjidka weyn oo ku fadhiya dhul dhan 19,000 mitir oo isku wareeg ah islamarkana qaada 107,000 oo qof.
Masjidka waxaa ku baxay lacag dhan 800 million oo ah lacagta Masar taasi oo u dhiganta £21 milyan oo ah lacagta Ingiriiska, waana masjidka labaad ee ugu weyn caalamka.
Warbaahinta ayaa si wayn u tebisay masaajidkan oo ay ku sheegeen inuu jabiyay saddex rikoor oo uu ka mid yahay in uu leeyahay minbarka ugu dheer adduunka oo dhererkiisu yahay 16.6m.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Masar, iyadoo warbaahinta dowladda ay ku tilmaantay mid muujineysa “weynaanta Masar”.
Balse baraha bulshada, oo ah goobta kaliya ee u furan mucaaradka madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi, ayaa waxaa buux dhaafiyay dhaleeceyn xooggan.
Masar ayaa waxaa soo wajahday dhibaato dhaqaale oo sii xoogeysanaysa – inkastoo dalal badan ay la daalaa dhacayaan sicir bararka cirka isku sii shareeraya, Masar ayaa ka mid ah dalalka dhibaatada ugu badan ay haysato.
Xukuumadda Masar ayaa hantida dawladeed ka iibinaysay maal-gashadayaasha Khaliijka ka soo jeeda si ay gacan uga gaystaan gabaabsiga ku yimid miisaaniyada.
Dad badan ayaa baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka iyo Facebook si wayn ugu dhaleeceeyay lacagaha badan ee lagu bixiyo goobaha diinta waqtigan xasaasiga ah, iyadoo malaayiin Masaari ah ay maalin walba halgan ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen wax ay quutaan.
Hamada Wahid oo ka mid ah dadka adeegsada Facebook-ga ayaa soo dhigtay: “bixinta qarash badan, waallida iyo lacag luminta. Minbarka ugu dheer, dadkana ma heli karaan waxay cunaan, Iibiya minbarkan iyo masaajidka oo dhan haddi ay taasi xalinayso dhibaatada, ayay intaa ku dartay.
Qof kale ayaa sheegay in masaajidku uu xirnaanayo sanadka oo dhan, lana furo saddexdii biloodba mar si ay boqol qof ugu tukadaan, ka dibna la xiro.
Maxamed Mamduux oo ka mid ah dadka wax ku qora baraha bulshada ayaa walaac ka muujiyay kharashaadka xad dhaafka ah ee mashaariicda waaweyn: "Hagaag, maxaan ku samaynaa dadka aan heli karin waxay cunaan ama dhalinyarada aan guursan karin? Wax macno ah ma leh.
Waxaan leenahay masaajidka ugu weyn iyo deynta dibadda ee ugu badan ee aan sii wadi doono bixinteeda ilaa qiyaamaha."
Madaxweyne El-Sisi oo talada dalka hayay kadib afgambi militari oo dhacay sanadkii 2013-kii ayaa u mahadceliyay ka qeyb galayaasha, shaqaalaha iyo fannaaniinta munaasabadda oo uu sidoo kale goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaaraha.
Afhayeenkiisa rasmiga ah ayaa baraha bulshada soo dhigay sawiro muujinaya isaga oo u dabaadagaya, xafladaasi oo ay warbaahinta maxalliga ahi ku tilmaantay mid bilow u ah waaga jamhuuriyadda cusub.












