Cumar Cabdirashiid oo sharaxay sababta "Xalweyste" loogu bixiyay

Qoraalka Codka, Halkan ka dhageyso wareysiga Cumar Cabdirashiid
    • Author, Fatuma Taxadar Yusuf
    • Role, BBC Somali

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo marar kala duwan soo noqdey ra'iisal wasaaraha dalka Soomaaliya, ayaa sheegay xiliyada uu firaaqada yahay inuu jecel yahay inuu akhriyo buugaagta, gaar ahaan kuwa siyaasadda, iyo kuwa jaceylka laga qoray.

Cumar oo u waramayay Barnaamijka Musigga Iyo Salaamaha BBC-da ayaa fannaaniinta uu xoogga u dhageysan jirey wakhtigii uu yaraa, hobolada waa weyn oo ay kamid ahaayeen Muuse Ismaaciil Qalinle, Xasan Aadan Samatar, Maxamed Suleebaan Tubeec iyo Xaliimo Khaliif Magool.

"Marka aad firaaqada tahay qof-ba wax ayuu jecel yahay in uu sameeyo, balse aniga badanaa akhriska iyo wixii buugaag ah ayaan jecelahay marka ana caruurta la joogin waxan jecelahay inana wax iska akhriyo, " ayuu yiri.

"Runtii aniga koley qalinle iyo Xasan Adan Samatar , Magool, Maxamed Saleebaan, Cumar Dhuule dadkaas ayaan ku soo kornay oo heesahoodii qeyb ka ahaa koriimadeenii," ayuu yiri Mr Sharma'arke.

Fanaaniinta danbe yuu ka yaqaanaa Cumar?

Cumar Cabdi Rashiid Cali sharma'arke oo aan wax ka waydiinay cidda uu ka yaqaano fanaanta imika heesahooda la dhageysto ee dhalinyarada ayaa xusay qaar ka mid ah magacyada fanaaniinta.

Sharmaarke waxaa uu sheegay iney fannaanitaasi ahaayeen kuwii uu yaraantiisii sida weyn u dhageysan jirey.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan dhalinyaro badan oo qaada heeso aad u wanaagsan islamarkana dadaal muujiyay.

"Dhalinyaradan hadda cusub ee aan arkay waxaa ak mid ah nin hadda la yiri waa ka baxay heesihii oo magciisu ahaa BK iyo nin kale oo Iskalaaji la dhaho labadaasi nin ayaan si fiican uga aqaanaa," ayuu yiri Mr Cumar.

Rai'sul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Rai'sul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid

Maxaa loogu bixiyay Xalweyste?

Rai'sul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo aan wax ka waydiinay magac inta badan lagu dacaayadeeyo oo ah Xalweyste ayaa sheegay in uu ogyahay in dadka qaar ay magacaas ugu yeeraan.

Mr Sharma'arke ayaa waxaa uu sharaxaad ka bixiyay sababta loogu bixiyay magacaasi iyo halkii uu ka soo raacay.

Mr sharma'arke ayaa sheegay in dacaayada magacan ay soo baxday xilligii uu rai'sul wasaaraha ahaa.

"Qofka xantiisa ma moogo, xalwadaas ay dadka sheegeen in horta cuno ma ahi, laakiin waagii aan rai'sul wasaaraha ahaa xaafadda dadka yimaada ayaan la siin jiray," ayuu yiri Mr Cumar.

Mr Sharma'arke ayaa intaa ku daray in sheekadan ay ku timi ka dib markii nin ka mid ah dada uu maalin waydiiyay" away xalwadii aad na sin jirtay,"

"Sheekadan waxay ku timid nin baa wuxuu yiri away bahashii aad na siin jirtay waayahan ma dhamaatay magaca meeshaasi ayuu ka raacay laakiin nin bahashaas xitaa saa u cuno ma ahi," ayuu yiri Mr Cumar

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa carabka ku adkeeyay in uusan dhib u arkin in lagu naaneeso Xalweyste maadama sida u sheegay in Xalwado tahay cunno ay yaqanaan dadka reer magaalka oo kali ah.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa dad badan ku naaneysi jireen xalweyste intii u ahaa ra'iisal wasaaraha. Isagoo taasi ka jawaabayay ayaa waxa uu sheegay in wararkaasi uu suuqa kamaqley, oo ay yihiin dacaayad .

Cumar ayaa la weydiiyey haddii lagu casuumo, waa kuwee cunnooyinka aad isku fiican tihiin, Mr Sharmaarke ayaa lasoo boodey, qofku xantiisa ma mooggee, Xalwadda ayey dadku igu sheegaan nin cuna maba ihi, laakiin waagi aan ra'iisal wasaaraha ahaa, xaafadda dadkii yimaada ayaa la siin jirey.

''Hadda ka hor nin ayaa i weeydiiyey, aawey bahashii aad nasiin jirtey, magacu meeshaas ayuu ka yimi, ayuu yidhi Cumar.