Wax ka ogow deegananada Soomaalida ee laga digayo iney fatahaado ka dhacaan

Fatahaad

Xigashada Sawirka, SNTV

Dhowr meelood oo Soomaaliya ka tirsan ayaa helay roobab dhexdhexaad ah horraantii Bishan, iyadoo roobabka xooggooda laga soo sheegay gobollada Gedo iyo Bay, gaar ahaanna deegaannadaBaardheere, Wanlawayn, Luuq iyo Doolow, sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay ee roobabka Guga Soomaaliya ee sanadkan, ee uu soo saaray Maamulka Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya ee SWALIM.

Iyadoo khubarrada cimiladu ay sheegayaan, in roobabkan ay yihiin kuwii Guga oo soo hormaray, ayaa waxay khasaaro ba’an ka geysteen degmada Baardheere oo fatahaad ka dhacday sababtay dhimasho iyo burbur hanti.

Marka laga soo tago deegaannadaas iyo kuwo kale oo haatanba ay roobabku saameeyeen, khubarrada ayaa sidoo kale uga digaya dadka ku nool hareeraha Webiga Shabeelle fatahaado xooggan oo ka dhasha roobab xooggan oo maalmihii la soo dhaafay ka da’ay dhulka sare ee buuralleyda dalka Itoobiya.

Dadka ku nool gobolka Shabeelle ee Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya iyo deegaanno kale oo ka tirsan Soomaaliya ayaa laga soo sheegaya in wabiga Shabeelle uu gaaray heerkii ugu sarreeyay muddo sanado ah.

Haddaba, waa kuwee deegaannada Soomaalida oo laga cabsi qabo iney fatahaadaha saameeyaan?

1) Baledweyne

Fatahaad

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Sanadkii 2020 ayaa waxaa Beledweyne ka dhacday fatahaad khasaare sababtay

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxay ka mid tahay goobaha laga cabsi qabo fatahaaddaWebiga Shabeelle iney sameyn u geysato. Maaddaama ay Baladweyne dhulka ay ku taallo uu badkiisu hooseeyo uuna u nugul yahay fatahaadda wabiga.

Inta badan wabiga marka uu ku fataho magaalada wuxuu saameeyaa dhul beereed aad u badan iyo xaafado ka mid ah magaalada oo ay dadku ku nool yihiin.

Horraantii sanadkii 2020-ka, ayaa waxaa magaalada Beledweyne ka dhacday fatahaad xooggan oo sababtay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Dadka deegaanka ayaa loogu baaqay inay ka fogaadaan meelaha u nugul fatahaada.

“Marba haddiiba Itoobiya ay roobab fara badan ka da’een waxa keli oo la fili karo iney tahay in fatahaadi ay ka dhalaneyso dhulka hoose ee ay wabiyadu maraan oo Somaalidu deggan tahay ama ha ku yaallo dalka Itoobiya ama midka Jamhuuriyadda Soomaaliya, saa daraaddeed ayey fatahaadaha caadi u yihiin magaalada Baladweyne, Buulo burde, Jowhar iyo meelo kale uu wabigu maro,” ayuu yiri Dr Cabdullaahi Cilmi Maxamed oo arrimaha biyaha iyo deegaanka ku takhasusay.

Fatahaad

2) Jowhar

Fatahaad

Xigashada Sawirka, Jowhar

Qoraalka sawirka, Sawir hore, daadadkii 2013 ku dhuftay Jowhar

Dr Cabdullaahi ayaa sheegay in mar haddii uu Wabiga Shabeelle soo fataho uu magaalada Jowhar oo ah xaruunta gobolka Shabeellada Dhexe, ka geysto sameyn lixaad leh.

Jowhar oo caan ku ahaa dhul beereed aad badan oo wax soosaarkooda uu gaaro gobollada dhexe iyo bariga Soomaaliya ayaa fataahaadda saameynteeda shacabka beeralleyda si ay uga foojignaadaan waxaa loo soo jeedinayaa iney taxaddar muujiyaan had iyo jeerna ay la socdaan biyaha wabiga halka ay marayaan.

Sanadkii 2021 ayay ahayd markii fatahaad uu sameeyay webiga Shabeelle ay ku baaba'een beero badan oo ku yaallay Jowhar iyo deegaanno kale oo webiga ku hareereysan.

3) Afgooye

Sida caadiga ah fatahaadda Webiga Shabeelle haddii ay saameyso magaalada Baladweyne iyo Jowhar waxay sida oo kale saameyn ay yareyn ay u geysataa magaalada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay Dr Cabdullaahi.

Waxaa la xusuusan karaa fatahaaddii sanadkii 2020 uu wbeiga Shabeelle ka geystay degmada Afgooye iyo tuulooyin hoos yimaada.

Mas’uuliyiinta degmada ayaa xilligaas warbaahinta u sheegay in eebiga uu ku fatahay inta badan xaafadaha degmada, islamarkaana ay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo burbur guryo dad badanna ay ka barakaceen hooygooda.

4) Qallaafo, Mustaxiil iyo Feerfeer, Itoobiya

Gobolka Shabeelle ee deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya wuxu ka mid yahay gobollada deegaanka Soomaalida uu maro wabigaasi.

Wuxuuna si gaar ah u saameeyaa degmooyinka Qallaafo, Feerfeer iyo Mustaxiil.

Seddexdaasi degmo oo dhul beereed badan leh ayaa ku fadhiya dhul siman oo buuraha ay ku yar yihiin fatahaadda wabigana dhul ballaadhan ay gaari karto.

Golaha Fulinta Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa kulan ay maalintii shalay yeesheen oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar kaga wada hadlay ka jawaabidda fatahaadaha ka dhashay roobabka Guga iyo dhulka ay wabiyadu maraan..

Xafiiska Maareynta Khatarta Masiibooyinka DDS ayaa digniin u diray shacabka deggan jiinka wabiga in ay ka taxaddaraan, maaddaama oo laga yaabo in uu wabiga Shabeelle biyo keeno halkaasina ay fatahaad ka dhalato.

Fatahaad

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES/MOHAMED ABDIWAHAB

Dhulka Soomaalida fatahaadda maxaaa u nugleeyey?

Baardheere
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhulka Soomaalida iney fatahaaduhu u nuglaadaan waxaa keenay ayuu yiri Dr Cabdullaahi Cilmi Maxamed laba qodob.

“Qodobka koobaad wa qodob dabiici ah kasoo ah dhulka aan deggannahay oo ah dhul hooseeya siman oo aan buuralkey ahayn qaab dhismeedka dhulkeeda ayaa ka dhigaya iney smaalida fatahaadda u nuglaato, Qodobka labaad oo ah biyo xireenno biyo qabatinno iyo kanaallo biyaha celin kara oo aan jirin inkasta oo Baladweyne wixi ka dambeeyey 2020-ki laga sameeyey meelo fatahaadda looga hortago.” ayuu yiri.

Mar haddii ay fatahaaduhu ka dhacaan degmooyinkaasina waxaa inta badan dhacda degmooyinka ka hooseeya ee dalka Soomaaliya oo ay baladweyne ka mid tahay iney fatahaaddu saameyso.

Iyadoo ay jirto walaac baahsan oo ka taagan deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ah halka fatahaadda Wabiga Shabelle uu ka soo billowdo, haddana dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle midna kama soo bixin wax digniin ah.

Haddii mar digniino laga soo saarayo fatahaado Soomaalida dhulkeeda u nugul fatahaadda dadka ku nool waxaa la gudboon iney wabiga jinkiisa iney ka fogaadaan.

“Dadka jiinka wabiga ku nool waa dad iska danyar ah oo tabaaleysan marka waddada keli ah ee dadkaasi la gudboon waxay tahay iney ka fogaadaan jiinka wabiga si fatahaadda iman karto ay uga badbaadaan, inkasta oo halkaasi ay ku weynayaan guriyahoodi, beerahoodi iyo wax kasta oo noloshooda waxtarka u lahaa.” ayuu yiri Dr Cabdullaahi Cilmi Max’ed oo arrimaha biyaha iyo deegaanka ku takhasusay oo BBC u warramay.

Khubarrada isbaddalaka cimiladana waxay horay u sheegeen dhulka Soomaalida inuu fatahaadaha roobka ama wabiyada ka dhasha uu u nuglaado ay uga wacan tahay xaaluf ba’an oo loo geystay dhirti deegaannada soomaalida ay lahaayeen iyo inaan dhir beeris laga sameyn.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay fatahaadaha ka dhaca Soomaaliya oo keli ah iney saameyso dad ka badan 600,000.