Sida dadka saamaynta ku leh baraha bulshada ay lacag uga sameeyeen dagaalka Israa'iil iyo Xamaas

Xigashada Sawirka, EPA
Qaar ka mid ah dadka saamaynta ku leh baraha bulshada ayaa daabaca warar ay ku jiraan marin habaabin, eex iyo been abuur si ay u sii huriyaan dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.
Akoonadooda ay ku leeyihiin baraha bulshada oo ay ku xiran yihiin malaayiin taageerayaal ah ayay soo galinayaan wararkaas si ay lacag kaga helaan, iyagoo soo bandhiga waxyaabo mararka qaar sameeynaya kicin dadweyne.
Lacago xad dhaaf ah ayay ka sameeyaan wararka runta ka fog sida ay sheegeen khubaro baaritaan ku sameeysay arrinta.
Dadka aadka u soo dhiga wararka la xariir dagaalka israa’iil iyo Xamaas waxa ka mid ah Jackson Hinkle oo ah 24 jir kaas oo horey u ahaa nin u dhaqdhaqaaqa deegaanka, waxaa uuna ka mid ah yahay dadka laga helo macluumaadka la xariira dagaalka.
Laga soo bilaabo markii ay bilowdeen iska horimaadka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ee Gaza, xisaabta Hinkle ayaa afar jibaarantay dhinaca taageerayaasha, isaga oo gaadhay laba milyan oo taageere, wuxuuna helay taageerayaasha ugu badan.
Kororka baaxadda leh ayaa sabab u ah nooca iyo tirada qoraallada uu soo daabaco oo ay ka mid yihiin , muuqaallada iyo sawirrada uu ku faafiyay ee muujinaya carruur dhaawac ah iyo guryo burburay. Waxay sidoo kale daabacaan sheegashooyin mararka qaarkood been abuur ah ama marin habaabin ah.
In kasta oo muuqaallada iyo sawirradu ay yihiin kuwo naxdin leh, haddana waxay soo jiitaan dad aad u tiro badan, waxaana si weyn dadka ula sii wadaaga kuwa ka hela.
shirkad tignoolajiyada iyo sirdoonka macmalka ah ka shaqaysa oo la socota macluumaadka khaldan ayaa waxay muujinaysaa in qoraalada Hinkle la wadaagay in ka badan 20 milyan jeer ilaa 7 Oktoobar.
Weerarkii Xamaas ka hor, marar dhif ah ayuu wax ka qori jiray colaadda Israa’iil iyo Falastiin, waxaana uu markii hore caan ku ahaa aragtidiisa deegaanka iyo taageerada uu siiyo Ruushka.

Xigashada Sawirka, JACKSON HINKLE/TWITTER/X
7-dii Oktoobar, markii Xamaas ay weerartay Israa’iil waxa uu bilaabay farriimo badan oo ka dhan ah Israa’iil, isaga oo is-barbar dhigaya Israa’iil iyo Dawladda Islaamka iyo Al-Qaacida.
Mar ay BBC wax ka waydiisay wararka uu soo dhigo waxaa uu sheegay macluumka uu soo gudbiyo inay yihiin kuwa saxan.
Ninkaas oo kali ah ma ahan dadka saameynta ku leh baraha bulshada ee ku faafiya wararka been abuurka si ay lacago ugu sameeyaan ee waxaa iyaguna jira kuw oo badan oo la mid ah.
Inkastoo ay jiraan sharuuc looga hortagayo wararka been abuurka haddana waxaa si wayn dunida ugu soo batay dacaayadaha laga faafiyo macluumad khaldan oo ku saabsan dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.
Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Lacag dhan $16,191 bil walba ay ka sameeyaan dadka wararka beenta ah faafinaya .

Xigashada Sawirka, BBC/TWITTER/X
Soomaalida iyo sameeynta wararka been abuurka ah
Ma ahan dagaalka Xamaas iyo Israa’iil oo kali ah waxa dadka baraha bulshada saameeynta ku leh ay ka faafiyaan warar been abuur ah si macaash ay ugu sameeyaan, balse waxaa dhacda in qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee sameeynta ku leh Baraha bulshada ay dadka la wadaagan macluumaad aan sax ahayn.
Waxaa jira mararka qaar ay dhacdo in wararka been abuurka uu si weyn ugu baaho bulshada dhaxdeeda, taas oo sameeyn xun ay ka dhalan karto.













