Cizu Diin al-Qassam wadaadka loogu magac daray kooxda hubaysan ee Xamaas

Xigashada Sawirka, socia medai
Ilaa 7 Oktoobar, 2023, magaca "Cisu Diin al-Qassam" oo ah magaca rasmiga ah ee garabka hubaysan ee Dhaqdhaqaaqa Xaamas ayaa caan ka ahaa wargeysyada iyo warbaahinta caalamka.
Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa qisadii wadaadkii Suuriyaanka ahaa ee astaanta u noqday halgankii hubaysnaa ee lagaga soo horjeeday maamulkii Ingiriiska iyo Soo galitaanka Israa’iiliyiinta ee dhulka Falastiin qarnigii tegay, shakhsiyaddiisii iyo taariikh nololeedkiisi, iyo waxaa dib dib u soo cusboonaysiiyay dagaalka hadda socda.
Cizu diin al-Qassam waxa uu ku dhashay magaalada Jableh ee dalka Suuriya, koonfurta magaalo-xeebeedka Ladiiqiya, sannadkii 1882-kii, waxaa wax baray Aabihii, Sheekh C/qaadir Al-Qassam oo ahaa Imaamka Masjidka Mansuuri ee magaalada xeebta ee Suuriya.
Markii uu gaaray da’da 14 sano ayuu u wareegay Magaalada Qaahira si uu wax uga barto Al-Azhar, halkaas oo uu kula kulmay Sheekhii weynaa ee isbedel doonka ahaa Muxammad Cabdow Rashid, iyo culimo kale oo lagu yaqaan dhaqdhaqaaqa “Islaamka isbedel doonka ah kuwaas oo si weyn uu saameeyayay hab fikirisa”.
Toban sano ka dib, wuxuu ku laabtay magaaladiisii Sanadkii 1906 si uu wax uga dhigo dugsigii aabihiis ee Jalen, waxaana loo magacaabay imaam iyo daaci Masjidka Ibraahim bin Adam.
Markii ciidamadii Talyaanigu ay galeen Liibiya 1911, Sheekh Al-Qassam wuxuu fuulay minbarka Masjidka Al-Mansuuri, isagoo ku baaqay jihaad.
Waxa uu si degdeg ah u qoray tobaneeyo dhallinyaro ah si ay uga dagaallamaan Magaladda Tripoli, waxaana hogaamiye dhalinyarada u noqday wadaad da’yar oo lagu magacaabo Sheikh Abdulqadir Kiwan, kaas oo markii danbe ay dileen ciidamada Faransiiska markii ay soo galeen Suuriya 1920.

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Qaadashada hubka ee Sheekh al Qassam
Al-Qassam waxa uu sameeyay koox yar oo hubaysan si ay ula dagaallamaan Faransiiska ka dib markii ay qabsadeen Suuriya, waxaana uu ku biiray kooxda Cumar Al-Bitaar, kuwaas oo hawlgallo millatari oo ka dhan ah ciidammadii gumaystaha Faransiiska ka waday buuraleyda Sayhuun intii u dhaxaysay 1919 ilaa 1921 gobolka Ladiiqiya .
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bilo ka dib markii Faransiiska uu qabasaday Suuriya waxaa las oo saaray amar lagu soo xirayo, taasoo ku qasabtay inuu u baxsado Magaalada Xayfa sanadkii 1921-kii isagoo sii maray Bayruut.
Cizu Diin al-Qassam waxa uu degay Masjidka Istiqlaal ee ku yaalla Xayfa kaas oo ay ku noolaayeen dad beeraley masaakiin ah oo ka barakacay tuulooyinkoodii sababo dhaqaale dartood.
Al-Qassam waxa uu isku dayey in uu wax baro oo uu la dagaallamo wax-akhris la’aanta baahsan isaga oo u soo dhigi jiray Casharo xilliga habeenkii ah .
Al-Qassam waxa uu ku biiray dugsigii islaamiga ahaa ee Xayfa, kadibna waxa uu xubin ka noqday ururka dhalinyarada muslimiinta ee halkaasi ka jiray, waxaanu noqday guddoomiyaha ururka sannadkii 1926-kii.
Waxaa uu bare ka ahaa Dugsiga Al-Burj iyo Masjidka Al-Istiqlaal ee Xayfa , sannadkii 1928-kii, waxa uu ku biiray Maxkamadda Shareecada magaaladda isaga oo aas-aas iyo madax ka ahaa koox la magac baxday “Muslimiinta Dhallinyarada ah” ee Falastiin, isagoo ka duulaya waayo-aragnimadii uu ka helay ururka walalaha muslimiinta ah ee Ikhwaanul Muslimiin ee uu hogaamiye u ahaa wadaadkii lagu magacaabi jiray Xasan Al-Banna oo ka jiray Dalka Masar.
Soo galintaankii dadka Israa’iilyinta ah ee dhulka reer Falastiin ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyey, iyadoo tirada dadka Israa’iilyiinta ah ee Falastiin ay kor u kacday waxaan al Qassam ku dhawaaqay in hubka la qaato, xilligaas waxaa soo baxday koox hubeeysan oo bilaabay hawlgalo militari oo ka dhan ah xarumaha Ingiriiska iyo Israa’iilyiinta ee Falastiin, waxaana hogaaminayay Axmed Daafish .
Kooxda soo shaac baxday ayaa qaaday weeraro isdaba joog ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada Ingiriiska iyo Israa’iil, bishii Oktoobar 1929, iyagoo taageero ka helay dagaalyahannada Durza lagu magacaabi jiray oo ka jiray dalka Siiraya oo ay ka wadeen kacdoon ka dhan ah Faransiiska.
Al-Qassam oo ka faa’iidaystay waaya-aragnimada kooxdii ka soo shaac baxaday ee reer Falastiin waxaa uu bilaabay in uu sameeyo urur kale oo firfircoon oo ku sugan magaalooyin, waxaan ururka loo loogu magacadaray "Ururka Mujaahidiinta Suuriya" iyo "Ururka Hubka".
Dagaalyahannada Ururka Mujaahidiinta Suuriya ayaa howlgalkoodii ugu horreeyay qaaday sanadkii 1931-kii, ka dib markii ay weerar ku qaadeen gaari ay la socdeen dad shacab ah ayaga oo dilay sadex, Istaraatiijiyada ururku waxay ahayd in ay fuliyaan hawlgalo ka dhan ah bartilmaameedyada Israa’iil iyo Ingiriiska.
Dabayaaqadii sanadkii 1935-kii, Al-Qassam wuxuu khudbad uu ka jeediyay Masjidka Istiqlaal kaga dhawaaqay billaabidda tallaabo milateri oo ka dhan ah ciidamadii Ingiriiska.

Xigashada Sawirka, TWITTER
dagaalkii uu ku dhintay iyo halka lagu aasay.
15-kii bishii Noofambar sanadkii 1935-kii Sheekh Al-Qassam waxa uu u jihaystay isaga iyo 11 ka mid ah xertiisa tuulada Yacbad oo ku taalla inta u dhaxaysa magaalooyinka Jenin iyo Nablus,oo ah daanta Galbeed ee dhulka falstiiniyiinta. Ciidamadii Ingiriiska ayaa ogaaday halka ay kooxdaasi ku sugan tahay, ayaga oo weerar culus ku qaaday waxaan dagaalka u dhaxeeya uu socday 6 saacadood.
Dagaalkaasi ayaa lagu dilay Al-Qassam iyo saddex ka mid ah kooxdiisa, waxaana aas ah loogu sameeyay 21-kii November sanadkii 1935-kii Magaalada Xayfa ayada oo lagu aasay qabuuraha tuulada Balad Al-Sheekh, ee duleedka Magaaladda iyada oo ay kumaan qof ka qeyb galeen.
Qabriga Al-Qassam waxaa si isdaba joog ah u burburiyay oo weerar ku qaaday kooxaha xagjirka ah oo Israa’iiliyiin ah, kuwaasi oo burburiyay sannadkii 2014-kii.
Al-Qassam waxa uu guursaday ina-adeertiisa oo lagu magacaabo Aamina Nanoua, waxay u dhashay saddex gabdhood.













