Maxaa loo cuskaday xarigga Hargeysa lagu xiray abwaan Cabdiraxmaan Abees

Xigashada Sawirka, Saab TV
Magaalada Hargeysa waxaa maanta lagu xiray abwaan Cabdiraxmaan Abees oo laba cisho uun ka hor ku soo bandhigay buug oo ka qoray xaaladda Somaliland iyo dhalliilo uu ka muujiyay nidaamka xukuumadda talada haysa ayaa saaka lagu xidhay Hargeysa.
Abwaan Abees ayaa buuggan qoray ka dib markii uu xabsi ka soo baxay mar ay dawladdu xidhay dhowr sano ka hor. Laakin markan ujeedada loo xiray ma ahayn buuga ee waxaa sida la sheegay ashtako ka keenay aabihii Ibraahim Aadan.
Ibraahim wuxuu ku eedeeyey wiilkiisa caasi-waalidnimo iyo inuusan si joogto ah uga warqabin. “Aabahay wuu nool yahay ma uusan oran, cadaawadda inankayga ku jirta taas ayaad ka garanaysaa” ayuu yiri aabaha dhalay abwaanka oo xilligaas uu hadlayey la fadhiyey saraakiisha ciidanka booliska Somaliland ee Koodbuur oo ah halka lagu xiray abwaan Cabdiraxmaan Abees.
Taliyaha saldhigga booliska Koodbuur oo isna ka hadlay arrintan ayaa sheegay in Ibraahim Aadan uu 4tii Bishan saldhigga keenay warqad uu ka soo qaatay xeer ilaalinta gobolka “wuxuuna kaga cabanayey inankiisa oo ku caasi garoobay” ayuu yiri taliyaha.
Wuxuu intaa ku daray inay saaka soo xireen abwaanka.

Xigashada Sawirka, Ciidanka Booliska Somaliland
Sharciga muxuu ka qabaa
Sida uu BBC u sheegay mid ka mid ah sharciyaqaannada Somaliland oo BBC la hadlay, waxaa jira sharci la ansixiyay sanad ka hor kaas oo tilmaamaya in waalidku kiis keeni karo maxkamadda haddii ilmihiisu caasi ku noqdo.
Sharcigaas ayaa la sheegay in loo cuskaday xariga Abees.
Waa markii ugu horreysay inta la ogyahay ee qof qaangaar ah lagu soo oogo Somaliland in waalidkiis uu ku caasiyey.
Markii saaka la soo sheegay xarigga abwaan Cabdiraxmaan Abees ayey dad badan siyaabo kala duwan uga falceliyeen, waxaana qaar dadkaas ka mid ah ay fekerkooda ku saleeyeen in arrinta caasinimada la siyaasadeeyey oo abwaanka loo xiray buug uu qoray dartiis.

Xigashada Sawirka, Ciidanka Booliska Somaliland
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Buugga Mayal ee abwaanku qoray oo la daabacay laba sanno ka hor ayaa in muddo ah u xannibnaa xukuumadda oo gacanta ku haysay ka dib markii ay qabatay daabacaadaha buugga oo garoonka diyaaradaha Hargeysa laga soo dejinayo, dhawaan ayayse fasaxeen buugaasi.
Booliska Somaliland iyo Ibraahim Aadan oo dhalay Abwaan Abees labadaba way beeniyeen inay arrintan lugta ku hayso siyaasad.
Waxa isna dalka sannad iyo dheeraad dalka dibaddiisa ugu maqnaa cabsi abwaan abees oo sheegay in xadhigg lala maagan yahay, balse dhawaan ayuu yimid xafladna u qabtay bandhigga buuggan xukuumadda ka cadhaysiiyay.
“Siyaasad uma aynaan soo qaban ee caasinimo darsteed ayaan u soo qabannay. Qof dawlad ka dhibanaa iyo mid siyaasad ka dhibanaa midna ma aynaan arag” ayuu yiri taliyaha Saldhigga.
“Dawlad ma xiran, cid kalena ma aysan xiran ee amarkayga ayuu ku xiran yahay” ayuu yiri Ibraahim Aadan.
Arrintan oo fajaciso ku noqotay dad badan oo isugu jira kuwo abwaanka yaqaanna iyo kuwo aan aqoon ayaa waxay is weydiinayaan muddada la hayn karo ayadoo aan la xukumin inta ay le’eg tahay.
Sharciga Somaliland wuxuu dhigayaa in 48 saac gudahood qofka eedeysanaha ah maxkamad lagu soo taago, ayadoo wakhti intaa ka badan aan la hayn karin “haddii aysan maxkamad sidaa ogolaan.










