Toban calaamadood oo kansarka ah oo aan si sahal ah loo aqoonsan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dad badan marka ay maqlaan ereyga kansar, waxay la xiriiriyaan cudur halis ah iyo cawaaqib xumo. Laakiin laga soo bilaabo 70-meeyadii, heerka badbaadada ee cudurka ayaa korortay saddex sababood dartood, taasoo ay ugu wacan tahay fahankii laga haystay ee hore.
Kansarka qaybihiisa badan waxaa lagu daweyn karaa natiijooyin wanaagsan bukaanka marka la ogaado.
Sida laga soo xigtay cilmi-baadhis ay samaysay xarunta Cancer Research UK, in ka badan kala badh dadka Britain ayaa mar uun la kulmay mid ka mid ah calaamadaha muujinaya jiritaanka kansarka, laakiin kaliya 2% ayaa u maleeyay inuu ku dhici karo cudurkan.
Saddex meelood meel ayaa gabi ahaanba iska dhega tiray digniinta oo ma aadin dhakhaatiirta.
Katrina Whitaker, oo ah cilmi-baare ka tirsan Jaamacadda London, isla markaana hormuud ka ah cilmi-baadhistan ayaa sheegtay in kuwan yihiin tusaale fiican.
“Dadku waxay u malaynayaan inaanan ku dhiirigelin dadka inay wax ka ogaadaan xaaladahooda caafimaad, laakiin waxay dhibaato ku tahay dadka ka xishoonaya inay tagaan dhakhtarka sababtoo ah waxay aaminsan yihiin inay wakhti lumin doonaan,” ayey tiri Katrina.
"Waxaan u baahannahay in aan dirno fariin ah in haddii aad leedahay calaamado aan tagin, gaar ahaan kuwa u muuqda calaamadaha digniinta, ha iska indha tirin, u tag dhakhtarka si aad u raadsato caawimo ay intaas ku dartay Katrin."
BBC Mundo waxa ay qeexaysaa 10 kan calaamaood oo la xidhiidha kansarka marka loo eego Ururka Kansarka Maraykanka ay tahay inaadan iska indhatirin.
1. Miisaanka oo yaraada sabab la'aan

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Inta badan dadka qaba kansarka waxaa ku yimaada isla markiiba miisaan dhumin. Markuu sabab la,aan isu dhimo miisaanku waxaa loo yaqaannaa lumis an la sharrixin.
Dhimista miisaanka 5 kg ama ka badan ee an la sharrixin waxay nooqn kartaa calaamadda ugu horreysa ee kansarka.
Calamadaha waxay inta badan muujiyaan kansarka beeryarada, caloosha, hunguriga iyo sambabbada.
2. Qandho ama xumad

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Qandhada waxay aad ugu badan tahay bukaannada qaba kansarka, in kasta oo ay marar badan dhacdo ka dib marka uu kansarku ku faafo meeshii uu ka bilaabmay.
Ku dhawaad qof kasta oo qaba kansar ayaa mar uun qandho yeelan doona, gaar ahaan haddii kansarku ama dawayntiisu ay saamayso hab-dhiska difaaca.
Qandho ama xumad waxay noqon kartaa calaamad hore ee kansarka, sida leukemia ama lymphoma.
3. Daal

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Daalku waa wax inta badan taga inta lagu gudo jiro nasashada, balse wuxuu calaamad u noqon karaa kansar heerka daran.
Si kastaba ha ahaatee, kansarrada kale, sida kansarka dhiigga, daal ayaa la dareemi karaa marka hore.
Qaar ka mid ah kansarrada mindhicirka ama caloosha waxay keeni karaan dhiigbax aan muuqan. Tani waa hab kale oo kansarku u keeni karo daal.
4. Maqaarka oo isbeddela
Marka ay la socdaan kansarka maqaarka, kansarrada kale waxay keeni karaan isbeddel maqaarka oo la arki karo.
Calaamadahaan iyo astaamahan waxaa ka mid ah:
- Madawga maqaarka (hyperpigmentation)
- Maqaarka jaalaha ah iyo indhaha (cagaarshow)
- Maqaarka oo casaada (erythema) ama Cuncun
5. Isbeddelka caadooyinka mindhicirka ama shaqada kaadiheysta

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Calool istaag joogto ah, shuban ama isbedelka qaabka saxaradaada waxay calaamad u noqon kartaa kansarka mindhicirka.
Sidoo kale xanuu la dareemo inta lagu jiro kaadida, dhiig la socda kaadida, ama isbedelka shaqada kaadiheysta sida kaadida oo badan ama ka yar, waxay la xiriiri kartaa kansarka qanjirka 'prostate'
6. Dhaawaca aan bogsanin
Dad badan ayaa og in burooyinka oo kora, dhaawaca ama dhiigbaxa ay noqon karaan calaamadaha kansarka maqaarka, laakiin sidoo kale waa inaan ka taxadarnaa nabarrada yaryar ee aan bogsanin wax ka badan afar toddobaad.
Sidoo kale boogaha afka oo aan bogsan waxaa laga yaabaa inuu sabab u yahay kansarka afka.
Isbeddel kasta oo afkaaga ku dhaca oo soconaya waqti dheer waa in isla markiiba uu hubiyaa dhakhtarkaga ama dhakhtarka ilkaha.
Nabarrada ka soo baxa xubnaha taranka ee raga ama dumar, waxay noqon karaan calaamadaha caabuqa kansarka marxaladda hore, balse waana in uu hubiyaa xirfadle caafimaad.
7. Dhiig baxa

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Hadii dhiig soo raaco saxarada kaas oo leh midab madow waxay calaamad u noqon kartaa kansarka mindhicirka ama kansarka malawadka.
Kansarka ilmo-galeenka ee endometrium wuxuu keeni karaa dhiig-bax aan caadi ahayn.
Sidoo kale, dhiigga kaadida wuxuu noqon karaa calaamadda kaadiheysta ama kansarka kelyaha. Dhinaca kale dhiigbaxa ibta naaska ayaa noqon kara calaamad kansarka naasaha.
8. Qallafsanaan ama culeys meel kasta oo jirka ah

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Inta badan noocyada kansarka waxaa laga dareemi karaa maqaarka.
Kansarradani waxay inta badan ku dhacaan naaska, prostate, qanjidhada (lymph nodes), iyo unugyada jilicsan ee jidhka.
Miisaanka ama qallafsanaanta waxay noqon kartaa calaamad hore ee kansarka.
9. Liqitaanka oo kugu adkaada
Dheefshiidka joogtada ah ama liqidda oo ku adkaata waxay noqon kartaa calaamad ka mid ah kansarka hunguriga.
Laakiin mararka qaar calaaamadahan oo badan kuna liiskan waxaa badanaa keeni kara sababo an ahayn kansar
10. Qufac joogto ah
Qufac joogta ah wuxuu calaamad u noqon karaa kansarka sanbabada, waxaana wanaagsan inaa booqato dhaqtarka hadii uu ku hayo in ka badan saddex toddobaad.
Isla mar ahaantaana, dhawaaqa xoqan ee qufacu wuxuu calaamad u noqon karaa kansarka dhuunta (qaybta koowaad ee hunguriga) ama kansarka qanjirka thyroid.













