Caleemo saarka Boqor Charles: Kaba tolihii Boqorka

Kabaha uu boqor Charles xiranayo maalinta caleemo saarka

Xigashada Sawirka, SAM READ/BBC

Qoraalka sawirka, Kabaha uu boqor Charles xiranayo maalinta caleemo saarka

Ninka ku cabbiray cagaha boqorka kabaha uu gashan doono maalinta caleemo saarka ayaa sheegay in taasi ay tahay “waayo aragnimo sare”.

Kabaha boqorka kaligiis sida gaarka ah loogu sameeyey waxaa farsameeyey Gaziano iyo Girling oo ku yaalla Kettering, Northamptonshire, waxaana loogu tala galay in boqorku uu xirto xafladda caleemo saarka.

Tony Gaziano oo shirkadda wax ka aasaasay ayaa dhowr goor cabbir ka qaaday cagaha boqorka, wuxuuna ku tilmaamay kuwo ‘taxadar u baahan’.

Boqorka dhowr goor ayuu booqasho rasmi ah ku tegey warshadda ay shirkaddu leedahay sannadkii 2019.

Tan iyo wakhtigaas dhowr goor ayuu kabo ka iibsaday. Kabaha uu xiranayo caleema-saarkiisa ayaa ku kacaya £3,500.

Tony Gaziano waa ninka cabbirka ka soo qaaday cagaha boqor Charles

Xigashada Sawirka, SAM READ/BBC

Qoraalka sawirka, Tony Gaziano waa ninka cabbirka ka soo qaaday

Guntinta kabaha dusha kaga xiran ayaa lagu baddalayaa kuwo qoyska boqortooyadu leeyihiin xafladda awgeed.

Mr Gaziano wuxuu sheegay in kabaha loogu tala galay inay u ekaadaan kuwo rasmi ah, laakinse marka la gashto la dareemayo inay yihiin ‘sidii kabo fudud’ oo kale, gaar ahaan marka boqorku uu muddo badan taagnaanayo.

Kabo samaynta ayaa lagu yaqaanaa Northamptonshire muddo boqolaal sano ah, laakin Gaziano iyo Girling waxaa lagu aasaasay geerash halkaa ku yaalla sannadkii 2006.

Chelise Porter waa qofka gacanta ku samaynaya kabaha

Xigashada Sawirka, SAM READ/BBC

Qoraalka sawirka, Chelise Porter waa qofka gacanta ku samaynaya kabaha

Gaziano iyo Girling waxay ku takhasuseen kabaha sida gaarka ah dadka loogu sameeyo oo joogiiba uu gaari karo ilaa £20,000, waxaana intooda badan lagu iibiyaa Maraykanka iyo Asia.

Joog walba oo kabo ah waxaa gala 96 saacadood oo shaqo ah.

Chelise Porter waxay ka 9 sano ka mid ahayd shaqaalaha sare ee warshadda, waana qofka ka shaqaynaya kabaha boqorka. Waxay sheegtay inay dareemayso “Sharaf, kuna faraxsan tahay inay noqoto qofka kabahaas gacatiisa ku samaynaya’.