Boqor Charles halka uu ku soo qaatay tababarradii ugu adkaa oo boqornimada loogu diyaarinayey

Boqor Charles xilliga uu 17 jirka ahaa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Marka uu soo dhawaado caleema saarka boqorka, waxaa jira waqtiyo nololeed oo dib u eegis mudan oo lagu soo diyaariyey Boqor Charles doorkiisa boqornimada oo ay ku jirto waqtigii uu ku soo qaatay waxa uu ku tilmaamay "qaybti ugu wanaagsaneed" waxbarashadiisa, xerada Timbertop oo ku taalla buuraleyda koonfurta-bari Australia.

Inta badan boqorrada mustaqbalka Ingiriiska waxabarashadooda qaybaha ugu muhiimsan waxay ku soo qaataan dugsi hoy ah oo Britain ku yaalla, hase yeeshee boqor Charles 1966-kii waxaa loo diray kulliyad ku taalla miyiga dalka Australia si waxbarasha gaar ah uu ugu soo qaato.

Timbertop oo magaalada Malborne u dhow waa halka tababar gaar ah iyo wakhti fiicanba uu ku soo qaatay.

“Inta aan halkan joogay waxaan ku soo qaatay tababar isugu jiro mid xanuun badan oo cadaab lagu tilmaami karo" isaga oo intaa raaciyey "waxbarashadi uu halkaasi ku soo qaatay inuu aad u jecel yahay welina uu xusuusto 70-maayl oo uu lugeynayey,“ ayuu yiri Charles mar uu booqasho ku tagay Australia.

Tababarrada uu Boqor Charles ku soo qaatay Australia wuxuu ku tilmaamay ‘mid dabeecadda qofka u fiican’.

Dugsiga oo meel fog ku yaalla awgii waxay ka caawisay inuu Charles iska ilaaliyo warbaahinta inkasta oo warbaahinta qaarkood loo ogolaaday maalin u kaddib marki uu Charles halkaasi gaaray iney xaaladdiisa ka warbixiyaan.

Saturt McGregor

Sawiroo keydka laga helay ayaa muujinaya Boqorka oo xilligaasi amiir ah oo geed goynaya.

Waxaana xaaladda Amiirka si weyn ula socday Staurt McGregor maalmihi uu boqorka ku sugnaa Timbertop.

Boqor Charles oo booqday dugsigi uu yaraantiisi ku soo waxbartay wuxuu dib u xusuusanayaa dhismayaasha halkaasi ku yaalla inkasta qaarkood lagu baddalay dhismayaal cusub.

Amiirka yaraantiisa soo dhaweynta loo sameeyey ma ahayn mid sidaa loo buubuuniyey oo waxay la mid ahayd tan dadka caadiga ah, guriga uu dagganaana wuxuu ahaa guri yar.

“Ma xusuusto hurdo inta aan seexday aan khuuriyey,” ayuu yiri isaga oo qosalya “Laga yaabaa inaan khladanahay” ayuuna sii raaciyey boqor Charles.

McGregor oo isagan xusuusanaya tababarka uu boqorka yaraantaasi uu ku soo qaatay dhulka buuraleyda ee Australia dugsi ku yaalla wuxuu ku tilmaamay mid cajiib ah oo waxbarashadi iyo tabbarradi horay uu u soo qaatay ka duwan maadaamaa boqornimada mustaqbalka loo diyaarinayey.

Boqorka oo geed goynaya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Amiirku waxa uu isku diyaarinayey jaamacad waqtigii uu ku sugnaa Timbertop.

Tababarrada Amiirka boqornimada looga diyaarinayey uu xeradaasi ku qaatay ayaa isugu jiray orod, geed gooyn, buur fuulid, iyo socod dheer si uu qofka dhidid badan uu uga yimaaddo oo loo daaliyo.

Qofka dhidid badan uu ka yimaaddana wuxuu helayaa fursad uu biyo kulul uu ku qobeysto maadaamaa ay xerada qabowdahay haddii qofka uu shaqo culus oo dhidid ka keenta uu qaban waayana wuxuu ku qasbanaanayaa inuu biyo qabow uu ku qobeysto.

Timbertop amiirka xilliga uu da’da yaraa wuxuu ka helay fursad xirfado cusub uu ku barto iyada oo ardayda maanta ay xirfadaha noocaasi qaadashadooda ku adag yihiin.

Waxbarashada Timbertop lagu bixiyo khidmad ahaan sanadki waxaa lagu bixiyaan ilaa iyo $50,000 oo doolar.

Maanta xerada Tibertop waxaa wax ku barto arday wiilal iyo gabdhaba isugu jira.

McGregor waxa uu sheegay in uu la xidhiidhi jiray boqorka sannadihii la soo dhaafay saaxiibtinimadana uu aad u qiimeeyo si gaar ahna uu u ilaaliyo.

Halka uu boqorka uu ku ordi jiray

Waaliddinta boqor Charles waxa ay xerada tababarka ee Timbertop oo ku taalla dhulka buuraleyda ee Australia ay u doortaan inuu amiirka msutaqbalka boqorka noqonaya uu adadkaan yeesho isla-markaana uu barto si dadka kala duwan loola noolaado wayaa aragnimana uu uga kororsado.

Hase yeeshee Amiirka inta uu xeradaasi tababarka uu ku jiray amnigiisa si weyn ayaa loo ilaalinayey.

Waxaase laga ilaalinayey saxaafadda inti uu amiirka da’da yar uu xeradaasi ku jiray ilaa uu Ingiriiska uu marki dambe ku laabtay.

Shacabka Australia waxay had iyo jeer soo jeediyaan dood ku saabsan boqortooyada Ingiriiska oo salka ku hayso dadki aslalka u lahaa Australia iyo sida ay boqortooyada Ingiriiska ula dhaqantay.

Dad badan oo ka mid ah dadki asalka u lahaa Australia oo dalkaasi looga yimid weli waxay dareemayaan xanuunkii ka soo maray guumeysiga, iyo doorka ay boqortooyada ku lahayd barakicinta iyo dhibaatooyinka loo geysta dadka asalka u lahaa dalka Autralia oo xataa loo diiday in loo aqoonsado iney ka mid yihiin dadweynaha Australia.

Boqor Charles mar haddii uu boqor noqday qoyska boqortooyada waxay u ahaan doontaa wakhti xasaasi ah.

Wuxuuna u baahan doonaa qayba badan oo dadweynaha iyo madaxda dowladda ka mid ah inuu ku qanciyo arrimo badan oo weli macno u sameynayo Australia.