Muddo-xileedka baarlamaanka Soomaaliya miyaa la kordhiyey?

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u bilaabay ka doodista iyo dib u eegista dastuurka ku-meel-gaarka ah ka dib maalmo ay hareeyeen buuq iyo rabshado ka dhashay dooda dastuurka.
Xildhibaanada ayaa bilaabay ka doodista wax ka badalka lagu sameeyay cutubka shanaad iyo dib ugu noqoshada qodobo ka soo laabtay cutubkii hore loo ansixiyay ee afaraad.
Kulanka maanta ee barlamaanka waxa ka maqnaa dhawr iyo afartan mudane oo laga ganaxaay in ay ka qayb galaan shirrarka golaha ka dib markii lagu eedeeyay in ay carqaladeeyeen fadhiyadii hore u qabsoomay. Fadhiyadii hore qaarkood ayaa buuq iyo gacan ka hadal ku dhamaaday.
Mudanayaasha laga ganaaxay ka qaybgalka shirrarka barlamaanka waxa kamid ah Faadumo Faarax Aadan, waxay BBC-da uga sheegtay in kulanka maanta ee baarlamaanka uusan buuxin kooramka iyadoo 'qodobada iyo dastuurkana la furay aysan xalaal aheyn'.
Faadumo Faarax Aadan waxay sheegtay in ay xaq u laheyd in soo jeediso doodaha ay qabtay, ayna timaado baarlamaanka balse waxay sheegtay in waraaq laga qoray, loona diiday in ay soo galaan taas oo la yaab aheyd.
"In xildhibaanka xaqa u lahaa waraaq laga qoro oo la yiraahdo ma soo geli karo oo wax la yaab leh noqotay baa dhacday" ayey tiri Faadumo Faarax Aadan.
Xildhibaanada laga joojiyay baarlamaanka ayaa lagu eedeeyeen in ay rabshado ka dhex sameeyeen baarlamaanka balse Faadumo waxay sheegtay in arrintu aysan sidaas aheyn oo dooddii ay qabeen aan waxba laga soo qaadin.
"In aan doodeydi waxba laga qaban baa meesha taal, afduub baa yaal, kooxeysi baa yaal".
BBC-da ayaa weydiisay Faadumo Faarax Aadan waxa ay hadda yeelayaan mar hadii dibadda looga saaray baarlamaanka.
"Bannaanka ayaan baarlamaanka xorta ah ku noqonaynaa, halkaas ayaan dastuurka iyo wixii aan ka qabno kaga hadleynaa".

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka kale, xildhibaan Nuur Axmed Diiriye oo kamid ahaa xildhibaanadii saakay ka qaybgalay kulanka barlamaanka ayaa weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan u sheegay in si weyn maaanta loo yimid baarlamaanka oo xildhibaano hore u maqnaan jiray ay soo xaadireen.
"Wax qalalaase ah iyo wax ka dhacay ma jirin, qalalaasahna wuxuu ahaa koox yar oo kooban oo lagu carqaladeynayay ama lagu suurad-xumeynayay baarlamaanka sharaftiisa" ayuu yiri.
"Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka kooban 331 xildhibaan oo isugu jira labada aqal, si dastuurka loo ansixiyana waxaa loo baahan yahay 220, lama dhihi karo tiro badan ayaa maqan" ayuu yiri Nuur Axmed Diiriye oo ka jawaabayay saameynta maqnaashaha dhowr iyo afartanka xildhibaan ee baarlamaanka laga saaray.
Nuur Axmed Diiriye ayaa sheegay in wax ka badalka dastuurka ay tahay shaqo u taal baarlamaanka.
"Dastuurka waxaa isla leh baarlmaanka, isaga ayaa wax ka baddali kara, waxna ku dari kara.. dhammaan soomaaliya oo dhan ayaa baarlamanka matalaad ku leh" ayuu yiri xildhibaan Nuur oo intaas ku daray in mucaarad iyo muxaafad aysan soo faragelin karin baarlamaanka.
"Baarlamaanka isagaa xaq u leh dastuurka in uu ka shaqeeyo, Soomaaliya oo dhan baana ku dhan, faragelinta kale waa faragelin Soomaaliya dhaqaaqeeda lagu diidan yahay".
Nuur Axmed Diiriye wuxuu sheegay in xeer hoosaadkooda uu dhigayo in xildhibaanka uusan rabshado sameyn karin.
"Waxaan leenahay xeer hoosaad iyo dasuur uu baarlamaanka ku shaqeeyo, qodobada cutubka afaraad ayaa hor istaagaya in aad qof disho ama qof gacan u qaado, xildhibaan baad tahay ma ahan sharaftaada in aad firimbi yeeriso".
Xildhibaan Nuur ayaa su'aal ka keenay muddada u hartay baarlamaanka ee labada bil ah isagoo sheegay in mudada u hartay laga ogaan karo afarta cutub.
Cutubyada hore loo ansixiyay qaarkood, gaar ahaan curubka afaraad, marka laga hadlayo muddada xil haynta ayuu muran ka yimid. Arrintaas markii wax laag weydiiyey xildhibaan Nuur wuxuu ku jawaabay "Baarlamaanka wuxuu ansixiyay waa sharci, marka afarta cutub ayaad ka arki doontaa labo bilood ayaa harsan iyo inta harsan".
Hadalka xildhibaanka ayaa u muuqda mid su'aal galinaya muddada xil haynta ee xildhibaannada haatan xilka haya.











