Ammaanka: Sidee loo ilaaliyaa Baarlamaanka Soomaaliya?

Sawirka ciidamada Amisom

Xigashada Sawirka, Amisom

Qoraalka sawirka, Ciidamada UPDF ee masuulka ah amaanka madaxtooyada Soomaaliya
    • Author, Sahnun Ahmed
    • Role, BBC Somali, Nairobi

Xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee Villa Hargeisa waxay ka mid tahay goobaha ugu ilaalada culus ee xafiisyada hay'adaha dawladda Soomaaliya. Ka hor doorashadii dhawaan ee guddoonka Golaha Shacabka waxaa jiray muran u dhexeeyay xafiiska madaxweynaha iyo kan ra'iisul wasaaraha oo ku aadan cidda leh sugidda amniga madasha lagu qabananay doorashada Soomaaliya.

Baarlamaanka cusub ayaa si rasmi ah u billaabay shaqadiisa. Haddaba yaa ilaaliya dhismaha baarlamaanka? Saddex ciidan oo kala duwan ayaa ilaaliya amniga xrunta.

Boolis

Gudaha xarunta Villa Hargeysa iyo banaankeedaba waxaa ilaalo ka ah ugu yaraan horin ka mid ah ciidamada booliska gobolka Banaadir. Shaqadooduna waxay tahay in ay sugaan amniga mudanayaasha baarlamaanka inta ay ku jiraan gudaha dhismaha Villa Hareysa.

Mararka qaar ayaa buuq iyo gacan qaad ka dhexdhashaa mudanayaasha dhexdooda. Ciidamadaan ayaa loo carbiyay in ay kala dhexgalaan, oo ay hakiyaan qasaare walba oo ka dhalan kara dhacdooyinkaas oo kale.

Awooda kale ee ciidamadaan booliska ah leeyihiin ayaa ah in ay banaanka u saaraan mudanihii qalalaase ama buuq ka dhex abuura gudaha xarunta golaha shacabka, balse waxay awoodaas isticmaali karaan markii ay amar ka helaan gudoonka baarlamaanka.

Qaar ka mid ah baarlamaannadii soo maray Soomaaliya ayuu dhexmaray gacan qaadyo sababay dhaawacyo culus oo soo gaaray qaar ka mid ah xildhibaanada, taas ayaa la leeyahay waxay kamid tahay sababaha ciidamo boolis ah loo geeyay xarunta golaha shacabka.

Sawirka ciidmada ka tirsan booliska Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Booliska ayaa ah ciidamada leh masuuliyada ugu badan ee baarlamaanka Soomaaliya.

Milatari

Ciidammada milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada 16 aad ee loo yaqaanno Koofiyo Casta ayaa iyaguna qayb ka ah sugida amaanka xarunta Golaha Shacabka iyo guud ahaan madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidankan masuuliyad gooni ah kuma lahan sugida amniga gudaha dhismaha Villa Hargeysa, balse shaqadoodu waxay tahay in ay sugaan amniga banaanka iyo wadooyinka soo gala xarunta Villa Hargeysa. Waxaa jira dhawr wado oo ay ku sugan yihiin kuwaas oo kala ah:

•Wadada Sayidka

•Isgoyska Tiyaatarka

•Wadada Ceelgaabta

•Wadada Shimbiraale

Sawirka ciidamamo ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Qoraalka sawirka, Ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku jirto Villa Hargeysa

ATMIS

Qaybta koobaad ee ciidamada ATMIS oo ah Ciidamada Difaaca Dadka Uganda (UPDF) ayaa si guud masuul uga ah amaanka madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku jirto xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa.

Ciidamadaan iyguna sidoo kale masuuliyad gooni ah kama saarna amaanka gudaha dhismaha baarlamaanka inta ay ku sugan yihiin mudanayaashu, balse masuuliadooda ayaa ah in ay ilaaliyaan xarunta inta laga maqan yahay si aan loogu sii diyaarin waxyaabo amniga wax u dhimi kara, iyaga ayaana haya furaha xarunta Villa Hargeysa.

Markii ugu dambeysay ee ay Al-shabaab weeraraan xarunta golaha shacabka waxay ahayd bishii May ee sanadkii 2014 kii markaas oo gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu dhuftay halka laga soo galo xarunta baarlamaanka kadibna ay gudaha u galeen shan dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.