Dhaarinta baarlamaanka cusub: Sababta xubnaha baarlamaanka kasoo galay NISA aysan uga qeybgeli doonin dhaarinta

Fahad Yaasiin

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Qoraalka sawirka, Fahad Yaasiin

Iyadoo saacado uun ay inaga xigaan dhaarinta xildhibaannada cusub ee Barlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, ayaa waxaa jira jahwareer ka taagan kuraasta qaar oo xildhibaannadooda aan weli shahaadada la siin, iyo kuraas aysanba weli dhicin doorashadooda.

Kuraasta uu jahwareeka ka taagan yahay ee aan xildhibaannadooda weli la siin shahaadada ayaa waxaa ka mid ah kuwa uu tirsigoodu yahay 086 oo loo doortay agaasimihii hore ee Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sudigga Soomaaliya (NISA), haddana ah la taliyaha dhinaca amniga ee madaxweynaha, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Hirshabeelle laga soo doortay, iyo kuraasta 204, 103 iyo 154 oo Koofur-galbeed ah.

Kursiga 086 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir, isla kursigan ayaana hore doorashiisa dib loo dhigay.

Jawaari

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Maxamaed Sheekh Cismaan Jawaari

Kurisga 103, oo Baarlamaankii 10-aad uu ku fadhiyay Guddooomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamaed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa waxaa hadda loo doortay Maxamed Cali Xasan.

Kursiga 154, oo loo doortay Sareeda Maxamed Cabdalla, guddiga doorashadu waxa ay hore u sheegeen in hannaankii loo maray doorashadiisa aysan waafaqsanayn habraacyada doorashada, maadaama sida ay shegeen ay la tartantay gabar ka yar 25 sano.

Kursiga kale, ee natiijadiisa la diiday ee 204, oo loo doortay Isaaq Cali Subag, waxaa kursigan daneynayay inuu tartankiisa ka qeyb galo Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Iyadoo Guddiga Doorashada Heer Federaal uu ku celceliyay in xildhibaannada harsan ay soo doontaan shahaadadooda, ayaa waxaa ilaa iyo haatan shahaadada qaatay xildhibaanno gaaraya 200.

Waxaa sidoo kale jira 16 kursi oo ka tirsan kuraasta Jubbaland ku metalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo u astaysnaa in lagu qabto magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, balse aan ilaa iyo hadda la caddeyn goobta lagu qaban doono kuraastan.

Kuraastaan ayaa muddaba waxaa ka taagnaa muran u dhexeeya dowlad-goboleedka Jubbaland iyo maamulka gobolka Gedo, waxaana hadda soo baxaya khilaaf hor leh oo ka taagan halka lagu qabanayo doorashada kuraastan.

Waxaa jira warar aad la'isula dhexmarayo oo sheegaya in Jubbaland ay qorsheynayso in doorashada kuraastan ku qabato meel aanan Garbaaharay ahayn.

Sidee looga falceliyay hakinta afarta kursi?

FEIT

Xigashada Sawirka, FEIT

Fahad Yaasiin ayaa wuxuu dhowaan dacwad ka dhan ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal u gudbiyay maxkamadda sare. Fahad Yaasin ayaa guddiga doorashooyinka FEIT ku eedeyay in ay si sharci darro ah ay u celiyeen kursiga tiirsigiisu yahay HOP#086 oo dhawaan loogu soo doortay magaalada Baladweyne.

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee Soomaaliya ayaa hakinta kuraastan ku sheegay inay wax ka khaldanaayeen habraacyadii loo maray.

Dhanka kale, xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed oo dhan 77 xildhibaan, ahna kuwa ugu badan baarlamaanka, dhawaantanna lagu doortay Baydhabo iyo Baraawe ayaa keliya waxaa iska diiwaangalisay shahaadadana qaadatay saddex xildhibaan, iyada oo inta badan ay diideen in ay qaataan shahaadada, iyo kaarka aqoonsiga baarlamaanka, si ay garab istaag ugu muujiyaan maamulka Koonfur Galbeed.

Cabdalla Xuseen Cali

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Qoraalka sawirka, Xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali (bidix) ayaa sheegay iay Baydhbao u tageen inay la tashi la sameeyaan madaxda mamaulka Koofur Galbeed

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inuu gabi ahaanba joojiyay wadashaqayntii arimaha doorashooyinka ee uu la lahaa Ra'isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Xildhibaannada dib ugu laabtay Baydhabo oo gaaraya 64 waxaa kamid ah Cabdalla Xuseen Cali oo ah afhayeenka xildhibaannada Koofur Galbeed, mar uu BBC-da la hadlay ayaa wuxuu sheegay in sababta ay Baydhbao ugu laabteen inay tahay inay wad atashi la sameeyaan madaxda maamulka Kuufor Galbeed si ay uga wada arrinsadaan xaaladda kalliftay inay Muqdisho ka soo tagaan.

"Ujeedka wuxuu ahaa sidaad la socoto maalmahan waxaa ada loo filayay in doorashada ay soo gabagabowdo, oo xildhibaannadii la dhaariyo, hannaanka ay ku imaadeenna loo dhammeystiro kaddibna la guda galo doorashadii. Maaddaama waqti dheer la sugayay inay doorasho dhacdo, nasiib darro waxaad la socotay in guddigii doorashada xilalka laga wada qaaday, Ra'iisul Wasaaraha tallaabo aan is leeyahay hadda wax ku kallifaya ma jiraan uu qaaday, kuraas Koofur Galbeed ka tirsan oo si habsami leh loo soo doortay oo qabaa'illadodii ama dadkoodii ay si nadiif ah u soo doorteen in si shraci darro ah loogu dhego.

"Waxaan is leeyahay intaas markii aan aragnay, ujeedka inuu taas ka weyn yahay aan is leeyahay in doorashada la rabo in dib loo dhigo dalkana qalqal amni iyo niyad jab badan shacabka Soomaaliyeed lagu abuuro taas ayaa kalliftay inaan imaanno, annagana aan dadkeenna kala tashanno xaaladdaad guud ee dalka." Ayuu yiri xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali.

Yaasiin Farey

Xigashada Sawirka, SNTV

Qoraalka sawirka, Yaasiin Farey

Marka laga soo tago kuraastaas kala ah 086, 103 iyo 154 ee la hakiyay, waxaa jira xildhibaanno ka tirsan NISA oo iyagu diiday inay qaataan shahaadada iyo kaarka aqoonsiga baarlamaanka, waxaana kuwa ugu caansan ka mid ah Yaasiin Farey oo ah ku simaha NISA iyo Cabdullaahi Aadan Kulane oo loo yaqaanno Kulane Jiis, iyo saraakiil kale oo xilal ka haya hay'adda.

Waxaa kale oo jira warar sheegaya inay jiraan xubno ka tirsan dowladda federaalka oo aan weli shahaadada qaadan.

Maxay tahay sababta aysan shahaadada u qaadan?

Cabdisalaan Guuleed oo ah taliye xigeenkii hore ee hay'adda NISA kana faallooda arrimaha amniga ayaa sheegay in arintaas siyaabo kala duwan loo fasiran karo, balse tan ugu weyn ee laga eegi karo ay tahay ina la duubteen Fahad Yaasin oo sida uu sheegay gacan weyn ku lahaa inay baarlamaanka ka mid noqdaan.

"Maaddaama isagu uu sababta ugu weyn ee xildhibaannimadooda lahaa, haddii ay noqoto kharash, garab iyo soo xulistoodaba, waa wax la filan karo inay la xanaaqsanaadaan amaba la xannibnaadaan, lagana yaababa inaysan xor u ahayn inay shahaadada qataaan," ayuu yiri.

Tirada xildhibaannada cusub ee NISA ka tirsan ayaa lagu qiyaasaa 20, waxaase jira kuwo aanan muuqan oo aan la aqoon.

Xildhibaannadan ma aysan ka hadlin arrintan, mar aan isku daynay inaan la xiriirnana nooma aysna suurtogelin.

Muxuu xalku noqon karaa?

FEIT

Xigashada Sawirka, FEIT

Cabdisalaan Guuleed ayaa sheegay inuu qabo in xildhibaannada haatan la doortay ay ku filan yihiin inay doortaan guddoomiye baarlamaan. "Haddii guddoomiye baarlamaan la doorto waxa xigi doona waa doorashada madaxweynaha, marka waxaan is leeyahay sabab ay bannaanka u joogaan malaha, xoogaa is adkeys ayaa jira laakiin way imaan doonaan xildhibaannada maqan,"ayuu yiri.

Wuxuu intaas raaciyay inay qasab tahay in la so gabagabeeyo doorashada oo ay jiraan waxyaabo badan oo riixaya, sida cadaadiska beesha caalamka iyo baahida loo qabo in la helo dowlad.

Kursiga Fahad ee haatan dacwaddiisa ay taallo Maxkamadda Sare ee dalka, ayaan weli xal laga gaarin. Cabdisalaan ayaa sheegay in sababtaloo heysto kursigaasi ay tahay mid siyaasadeed. "Fahad wuxuu la mid yahay, haddii lagu eedeynayo kiiskii Ikraan Tahliil iyo eedeymaha kale oo ay dad badan ku soo oogeen, wuxuu la mid yahay Yaasiin Farey oo ah ku simaha taliyaha NISA, wuxuu la mid yahay Kulane Jiis, dad badan oo waxaa jira ah eedeysanayaal ay kiisas ka yaallaan maxkamadda, oo aan ilaa iyo hadda la beri yeelin. Marka haddii ay arrintaas la xiriirto kuwan laftigooda ma aysan ahayn inay soo gudbaan." Ayuu yiri.

Wuxuu Cabdisalaan intaas ku daran in labada dhinacba ay suurto gal tahay, in laga gudbo oo xal loo helo iyo in Fahad uu noqon waayo xildhibaan.

Dhanka kale, waxaa maanta u safray magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal si ay xal uga gaaraan doodda ka dhalatay kuraasta ay horey u hakiyeen.

Xubnaha Guddiga ayaa lagu wadaa inay galinka dambe shir la galaan madaxweynaha Koonfur Galbeed, si xal kama dambeys ah loogu helo muranka ka taagan xildhibaannada kuraastooda la hakiyay.

Baydhabo waxaa hore ugu sugnaa oo Axaddii gaaray madaxweynaha Galmudug, Axmed Abdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo kuwaasoo oo magaalada u joogay sidii maamulka Koonfur Galbeed ay ugu dhagaysan lahaayeen tabashada uu qabo, doorashada loo dhammaystiri lahaa.looga looga arrinsanayay arrimaha doorashada.