Amniga Rooble: Illaa intee la’eg ayuu suganyahay amniga Ra’isulwasaaraha?

Xigashada Sawirka, Nisa
- Author, Sahnun Ahmed
- Role, Weriye, BBC Somali
Ammaanka madaxda ugu sareysa ee Soomaaliya ayaa aad loogu baqayaa, kadib markii hay'adda nabad suggida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ay baahisay in Al-shabaab qorsheynayaan dilkooda, gaar ahaan madaxweynaha iyo Ra'isulwasaaraha.
Waxaa si gaar ah loogu sii baqayaa amniga Ra'isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo mar aan fogeyn meel fagaaro ah ka sheegay in loosoo direy farriin hanjabaad ah.
Nin lagu magaabo Maxamed Maahir oo ah sarkaal sare oo katirsan Al shabaab ayay NISA sheegtay in uu wado fulinta qorshaha lagu beesgsanayo madaxda ugu sareysa ee qaranka.
Hadaba, ma fududahay in shabaabku gaaraan bartilmameedkoodan?.
Xafiiska uu ku shaqeeyo ra'iisul wasaare Maxamed Xuseyn Rooble, guriga uu degan yahay iyo naftiisaba waxa ay leeyihiin saddex lakab oo ilaalo ah, kuwaas oo kala ah: Ciidamo Dharcad ah, Milatari iyo AMISOM oo hadda magacooda iyo waajibaadkooda shaqaba wax laga badeley, loona bixiyay ATMIS.
Dharcadka
Ugu yaraan shan iyo labaatan ka mid ah ciidankaan ayaa marwalba heegan ugu jira amniga ra'iisul wasaaraha. Waxaa lagu magacaabaa( Ilaalada Dhaw), taas oo ka dhigan in ay markasta ku suganyihiin meel ay ka arki karaan Ra'isulwasaaraha, iyaga oo u raaca hoygiisa, xafiiska iyo goobaha kale ee uu aadayo.
Waxay caan ku yihiin xirashada shaar cad iyo suud madaw, iyaga oo garaarsan bastoolado, islamarkaasna gaarmo-daymoonaya. Waxay dadku xasuusteen xilligii ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo baraha bulshada lagu baahiyay sawirada iyaga oo dhinac rucleynaya gaariga ra'iisul wasaaraha.

Xigashada Sawirka, Facebook
Milatari
Guutada 77 aad ee ciidamada Xoogga Dalka ayaa qayb ka ah ilaalada ra'iisul wasaaraha, waxay si joogta ah u joogaan guriga iyo xafiiska ra'iisul wasaaraha, sidoo kale waxay u raaceen goobaha uu booqanayo. Waxay xirtaan tuutaha milatariga, iyo koofi midabkeedu yahay guduud iyaga oo ku hubaysan qoryo boobayaal ah iyo qasanado dheeraad ah.
Guutadaan ayaa shaqadoodu tahay in ay ilaaliyaan amniga madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo aagga madaxtooyada.

Xigashada Sawirka, Villa SOmalia
AMISOM (ATMIS)
Askar gaaraysa 130 oo ka tirsan qaybta koobaad ee ciidamada Amisom, gaar ahaan ciidamada UPDF ee ka socda waddanka Uganda ayaa iyana shaqadoodu tahay in ay sugaan amniga ra'iisul wasaaraha.
Markii hore tirada ciidamadaas ee ilaaliya mudane Rooble waxay ahaayeen 30 askari, laakiin wixii ka dambeeyay 27 kii December, 2021, markii ciidamo ka tirsan Guutada 77 aad oo waardiyeeye madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay la wareegeen kantaroolada laga galo xafiiska ra'iisul wasaaraha, ayaa lagu kordhiyay boqol askari ciidamadaan.
Baqdinta cusub ee laga qabo ammaanka ra'iisul wasaaraha, ayaa markale maanta boqol askari oo cusub lagu kordhiyay ciidamada Amisom ee waardiyeeya ra'iisul wasaaraha, sida aan ka soo xiganay ilo amni oo u dhaw xafiiskiisa.

Xigashada Sawirka, Amisom
Sidoo kale marka uu aadayo goobo ka fog xafiiskiisa, waxaa ka qayb qaata amnigiisa ciidamada booliska oo uga sii hormara goobta uu tagayo.
Marka la isku daro intaas oo ilaalo ah oo gacanta ku haya amniga ra'iisul wasaare Rooble ayaa dad badan waxay is weydiinayaan sida ay suura gal ku noqon karto in Al shabaab beegsadaan ra'iisul wasaaraha dalka.
Sida ay sheegtay Samiira Qaacid oo ahayd madaxii hore ee qaybta amniga xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaa jira weeraro lala beegsan karo ra'iisul wasaaraha laakiin aan marnaba bartilmaameedka u dhawaan karin.
Samiira ayaa tiri: "Waxay ila tahay in ay adkaaneyso in isaga la gaaro, laakiin isaga oo waddo maraya, kolonyadiisa ama ciidamada oo wadada maraya in markaas oo kale la beegsado waa suuragal".
Dhanka kale Samiiro waxa ay bidhaamisay in qatarta amni ee laga digay ay noqonta karto mid ku wajahan musharaxiinta madaxweynaha oo amni ahaan u nugul weeraro uga yimaada Al shabaab.
Waxaa fikradaas sii xoojinaya in falanqeeyeyaal amni oo ay BBC-du waraysatay marar badan oo kala duwan ay isku raaceen in marka Alshabaab ay haleeli waayaan bartilmaameedkooda koowaad, in ay ku dhuftaan hadba cidda muhiimka ah ee aagga ka dhow ee la gaari karo
Waa Kuma Maahir?
Markii uu baahay warka la xariira beegsiga mas'uuliyiinta ugu sareysa dalka, ayay bilaabatay in dadku is weydiiyaan qofka uu yahay Maxamed Maahir, fuliyaha shirqoolka laga badqinta qabo ee ay NISA sheegtay.
"Magacu, magac buga in uu yahay waa suuragal, in qof been laga sheego iyaduna wax dhici kara weeyaan" sidaas waxaa yiri Cabdisalaan Guuleed, ku xigeenkii hore ee nabadsugida Soomaaliya.
Dhanka kale Cabdisalaan waxa uu sheegay in uu tuhun sanyahay nin iska soo dhiibay Al shabaab sanadkii 2019 kii kaas oo qaybta sirdoonka Soomaaliya lagu daray 2020 kii isaga oo aan marin qabta dhaqan celinta dadka ka soo goosta Al shabaab. Labada magac ee danbe ee ninkaas ayuu ku sheegay Maxamed Maahir.
Cabdisalaan ayaa aaminsan in uu ra'iisul wasaaruhu ku jiro qatar dhab ah, oo ay suuragal tahay in lagu waxyeeleeyo xafiiskiisa ama munaasabad uu ka qayb gali doono.
Soomaaliya, ugub ma ahan in Al shabaab beegsadaan mas'uuliyiinta ugu sareysa ee dawladda, saddexdii madaxweyne ee ka horeeyay madaxweynaha hadda xilka haya ayaa ka badbaaday weeraro uga yimid Al shabaab, sidoo kale gudoomiyihii hore gobolka Banaadir Cabdraxmaan Yariisoow ayay ku dhex qarxiyeen xafiiskiisa.
Maahirna ma ahan nin ay warbaahinta taqaano, ama kasoo dhex muuqday madaxda Alshabaab. Sidoo kale NISA kama aysan bixinin wax tilmaam ah, sawir ah iyo waliba xilka uu ka hayo Alshabaab.













