Doorashada: Boqor Buurmadow oo si kulul u weeraray Ra'iisal wasaare Rooble

Buur madow
Qoraalka sawirka, Boqor Buurmadow

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobollada waqooyi ee ku sugan Muqdisho ayaa codsaday in dib loo dhigo doorashada xildhibaannada gobolladaasi ee lagu waday inay dhowaan qabsoonto.

Shir jaraa'id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho ayaa waxay ka digeen in aanan la maroorsan doorashadooda. Waxay sheegeen in la boobayo guud ahaan doorashada gaar ahaanna midda gobollada waqooyi.

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed, oo ku magac dheer Boqor Buurmadow, kana mid ah madax dhaqameedka Somaliland, iyo odayaasha soo xulaya xildhibaannada gobollada waqooyi oo ayaa xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyay inuu farogelin ku hayo xubnaha ay odayaashu soo xulaan.

"Doorashadu si habsami ah ayay inoogu socotay, odayaasha marka ay keenaan xubnahoodii waxaan isugu imaaneynay guriga Cabdi Xaashi, waxaa inoo imaanayay Guddiga Doorashooyinka ee heer maamul-goboleed, waxaa inoo imaanayay labada mas'uul ee Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, waxaanu isla eegi jirnay xubnaha beesha, balse maalmahan dambe xafiiska ra'iisul wasaaraha wuxuu isku beddelay Cabdalla Shideeye,"

"Villa Somalia oo la sugayay hufnaan iyo sharaftii Soomaaliyeed meeshii lagu ilaalinayay, inay noqoto meel lagu sameeyo waraaqaha been abuurka ah, xafiiska ra'iisul wasaaraha, guddigii heer maamul-goboleed hal qof xitaa talo kuma laha. Guddoomiyihii guddigaas ayuu kaxeystay wuxuuna la tegay xafiiskiisa, odayaasha dhaqankuna waxba kama oga kuraasta dheggan ee uu hadda soo dhejiyay," ayuu yiri.

Xafiiska Ra'iisal wasaaraha kama uusan hadlin wali eedeyntan loo jeediyay.

Booqr Buurmadow ayaa isagoo ay garab taagan yihiin qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee ku jira dowladda Federaalka Soomaaliya, sida guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran Cabdi Xaashi Cabdillaahi, wuxuu sheegay inay faraha kala baxeen doorashada Soomaaliya oo uu ku eedeeyay inuu maamulanayo ra'iisul wasaaraha.

"Waa ayaan darro ah in ra'iisul wasaaraha aysan la shaqeyneyn gole wasiirro, inaanu lahayn qaab hufan oo dowladnimo ah, afar ardaaga reerkiisa ah ayaa ku xeeran," ayuu intaas raaciyay.

Wuxuu sheegay inay uga ergoodeen cid walba sida beesha ra'iisul wasaaraha, isla markaana ay muddo labo bilood ah ka war dhowrayeen in arrinta la xalliyo. Wuxuu sidoo kale madaxda mamaul-goboleedyada ugu baaqay inay soo farogeliyaan arrinta doorashada.

Somaliland

Dadka kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi kana mid ah sanatarrada dib ugu soo laabtay xilkooda, isagoo ku baaqay in doorashada dib loo dhigo.

"Doorashada lagu dhawaaqay hadda ee la sheegayo in la qabanayo waxaan u soo jeedinayaa ra'iisul wasaaraha iyo xafiiska dadka ka shaqeynaya inay arrintaas joojiyaan oo dib loo dhigo, ee la ogyahay oo keliya doorashadaa loo qabto, oo dib loo dhigo kuwa kale ee la isku heysto."

Sidoo kale Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah sanatarrada dhowaan la soo doortay, ayaa ka digay inaan doorashadooda la boobin.

"Waxaa loo dhiibay nin ra'iisul wasaare la dhoho, ninkii ra'iisul wasaarihii wuxuu noqday kud ka guur oo qanjo u guur, inuu isaga boobo oo cid gaar ah uu wato u boobo oo afar nin oo dhalinyaro ah oo aqoon iyo cilmi lahayn oo u fadhiya meesha inay amarka bixiyaan odayaahshii waxaan lahaana la baal maro ayaa horta meesha taalla.

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Boqor Buurmadow oo bBBC-da ka halday safarkiisa Muqdisho iyo Baydhabo

"Waxaa weeyaan dadkan reer waqooyigu, waad ogaydeen maalin dhoweyd baarlamaanka Ingiriiska dood ayaa ka taagneyd waqooyi miyaa ictiraafaa mis lama ictiraafo, dadka halkan inaatsso sannadood u joogay inay midnimo muqaddas tahay in sidaa nin yar oo aan aqoon iyo khibrad lahayn uu sidaa ugu ciyaaro, bal dadka reer Muqdisho ha fahmaan arrintaas." Ayuu yiri Cabdi Ismaaciil.

Dhowaan ayaa lagu waday in la qabto doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi, lamase shaacin xilliga rasmiga ah.