Daawo: Boqor Buurmadow oo BBC-da uga warramay safarkiisa Muqdisho iyo Baydhabo

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Boqor Buurmadow oo bBBC-da ka halday safarkiisa Muqdisho iyo Baydhabo

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed, oo ku magac dheer “Boqor Buurmadoow” kana mid ah odayaasha dhaqanka ee u nool Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, ayaa 14 kii bishan ka degay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu safar ku tagay magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku sugan yihiin qoysas ay dhawaan Somaliland ka soo masaafurisay magaalada Laascaanood.

Haddaba, Boqor Buurmadoow ayaa BBC-da uga war bixiyay ujeedka safarkiisa, iyo waxa uu ka aaminsanyahay qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland. Weriye Saxnuun Axmed ayuuna u waramay.