Amniga madaxda: Saddex hoogaamiyeyaal Soomaali ah oo horay uga badbaaday dil

Xigashada Sawirka, EPA
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in is miidaamiye ka tirsan Al Shabaab uu saaka weerar ku soo qaaday halka uu ka degganaa deegaanka Laas - Gacameey oo u dhow Bacaadweyne madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Madaxweyne Qoorqoor wuxuu todobaadyadii u dambeeyey ku sugnaa furumaha dagaalka, gaar ahaan deegaannada Galgaduud.
Meelahaas waxaa ka mid ahaa jiidaha ceel Buur iyo deegaannada ku xeeran, isagoo ujeedadiisu ahayd inuu hago ciidanka dagaalka ku jira.
Ma aha markii ugu horreysay ee gudaha Soomaaliya lagu beegsado masuuliyiin xilal haya. Waxaan qormadan ku eegi doonnaa saddex hogaamiye oo horay uga badbaaday dil loo maleegay.

Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf
Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaali, Cabdullahi Yuusuf Axmed, ayaa 17-kii September 2006 waxa uu ka badbaaday qarax lagu dili rabay oo ka dhacay afaafka hore ee xaruntii baarlamaanka ee magaalada Baydhabo.
Dowladdii kumeelgaarka ahayd ee uu Cabdullahi hogaaminayay ayaa xilligaas fadhiday Baydhabo, maadaama caasimadda Muqdisho ay gacanta ugu jirtay Midowgii Maxaakiimta Islaamiga.
Weerarkaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa waxaa ku dhintay nin la dhashay Cabdullahi Yuusuf iyo afar kamid ahayd ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha.
Dad goobjoog ahaa ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee uu ku badbaaday Cabdullahi ay ahayd inuu saarnaa gaari ka duwan kii lagu bartay ee bartilmaameedka u ahaa kooxda weerarka fulisay.
Tacshiirad xigtay weerarka ayaa waxaa lagu dilay lix nin oo qeyb ka ahayd qorshaha lagu khaarajin rabay Madaxweyne Cabdullahi.
Weerarkaas ayaa lagu eedeeyay Midowgii Maxaakiimta oo xilligaas gacanta ku hayay Muqdisho iyo deegaanno kamid ah Koonfurta Soomaaliya, isla markaana si weyn u diidanaa xukuumadda kumeelgaarka ahayd ee fadhiday Baydhabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh
12-kii September 2012, xilli uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulan kula lahaa wasiirkii arrimaha dibedda ee Kenya, Sam Ongeri huteelka Jazeera, ayaa waxaa dhacay qaraxyo ismiidaamin ah, kadibna rag hubaysan ayaa isku dayay inay gudaha u galaan dhismaha huteelka.
Madaxweynaha oo laba maalin ka hor uun ku guulaystay doorashada madaxtinnimada ayaa wufuud kala duwan ku qaabilayay huteelka Jazeera oo markaa xarun u ahayd. Ma jirin cid ka tirsan mas'uuliyiinta dowladda oo lagu dilay qaraxyadaas iyo weerarka xigay.
Xilliga uu weerarka dhacayay, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u warramayay qaar kamid ah warbaahinta caalamka, waxaana uu si degan ugu sheegay in weerarrada noocaas ah ay caadi ka noqdeen Muqdisho, balse uu ku dedaali doono xoojinta amniga. "Mudnaanta koobaad, tan labaad iyo tan saddexaad waxaan siin doonnaa sugidda amniga," ayuu xilligaas yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Xigashada Sawirka, Facebook
Ra'iisal wasaare Cabdiweli Cali Gaas
Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa 4-tii April 2012 waxa uu ka badbaaday qarax ka dhacay gudaha tiyaatarka qaranka, xilli uu halkaa ka jeedinayay khudbad.
Munaasabada uu ka hadlayay ayaa lagu xusayay sanad-guuradii koobaad ee ka soo wareegtay dib u hawlgelinta telefishinka Qaranka (SNTV). Waxaa goobta ku dhintay in ka badan 10 qof.
Baaritaan ay sameeyeen laamaha amniga ayaa lagu ogaaday in qaraxaas oo uu sheegtay ururka Al-Shabaab ay fulisay qof dumar ah.
Dadka qaraxaas ku dhintay waxaa kamid ahaa xildhibaan Mowliid Macaane Maxamud iyo Faysal Xaji Cilmi oo la-taliye u ahaa ra'iisal wasaare Cabdiweli Gaas.










