Maxay tahay khatarta ku gedaaman amniga Ra'iisul Wasaare Rooble?

Xigashada Sawirka, RADIO MUQDISHO
Hay'adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ee NISA ayaa digniin ay xalay soo saartay ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraal lagu baahiyey barta Twitterka ee hay'adda NISA ayaa lagu sheegay inay xogta ay heleen ay la wadaageen madaxda sare.
NISA waxay sheegtay in shirqoolkan uu Al-Shabaab hormuud uga yahay horjooge lagu magacaabo Maxamed Mahir.
Qoraalka NISA laguma shegein faahfaahin intaasi dheer.
Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa dhowr maalmood kahor sheegay inuu helay hanjabaado dil ah.
Goormee ayay soo ifbaxday hadalheynta amniga Ra'iisul Wasaare Rooble?
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 31-kii bishii hore mar uu ka hadlayay kulan loogu tacsiyaynayay Allaha u naxariistee xildhibaannad Aamino Maxamed Cabdi, oo dhawaan iyada iyo dad kale lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Baladweyne, wuxuu sheegay in gacanta dishay Aamino ay tahay gacantii ay ku baxday Ikraan Tahliil oo horey uga tirsaneyd sirdoonka Soomaaliya isla markaana la waayay.
Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in ka hor dhimashadii marxuumad Aammino ay isaga iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali guudlaawe ka wada hadleen khilaaf ka dhex taagnaa guddiga doorashooyinka ee maamulkaas oo sida uu sheegay guddoomiyihii la baddalay uu doonayay in kursaas uu ka mid yahay kursiga Aamino u tartamaysay cid gaar ah loo xiro.
Kadib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Hirshabeelle lana magacaabay guddoomiye kale ra'iisul Rooble wuxuu sheegay in wakhtigaas wax yar kadib loo soo diray fariimo loogu hanjabayo.
"Walaalkey Cali Guudlaawe subixii dhaweed ee uu isoo wacay oo ay is khilaafeen guddoomiyaha SEIT ee Hirshabeelle kaas oo doonayay in kuraas u xirnaato oo dad gooniya la siiyo, markii madaxweyne Guudlaawe aqbaly in kuraastaasi la furo oo ila soo xiriiray garabna aan ku siiyay in ninkaasi la badalo waxaan isla markii aniga madaxweyne Guudlaawe ka wadahadllanay furitaanka kiiskaas oo ay Aamino ka mid tahay in dhibaato ay soo gaari doonto," ayuu yiri Rooble.
Isaga oo arrintaa ka sii hadlaya ayuu hadalkiisa waxaa uu raaciyay:-" Ilaahaa iga sarreeya wax saacad ka yar kadib fariimo ayaa ii soo dhacay waan hayaa oo la illeeyahay kursigaas Aamino furitaanka aad furteen boob iyo ujeeddo ayaad ka leedahay laakin waa waxaad ka hesho". Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in dadkii qarashka ku bixiyay dilka Aamino iyo kuwii abaabulayba ay noolyihiin isla markaana aan laga hari doonin.
"Waa noolyihiin kuwii qarashka ku bixiyay ninkii Xildhibaannad Aamino isku qarxiyay kuwii abaabulay waa noolyihiin laakin in sha Allah, Alle Subxaanuhu Watacaalaa wuu ka soo saarayaa xaqdarada ay galeen mana ka haraynno intaan noolahay," ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Hadalka Ra'iisul Wasaaraha ayaa abuuray hadal heyn, iyadoo ay dad badan ay baraha bulshada kaga falceliyen.
Sidee looga falcliyay hadalka NISA?

Xigashada Sawirka, NISA
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku yiri, "Shantii sano oo lasoo dhaafay iyo wixii gaboodfal dhacay, (wixii sharci iyo nidaam Dawladeed la dumiyey, wixii dad cadow loo dhiibay, la dilay iyo wixii jaah-wareer la abuuray ) Hal ujeeddo uun ayaa FARMAAJO ka lahaa oo ah in maanta oo kale iyo dhamaadka muddo-xileedkiisa " uu beerto geed gaar ah oo isugu leeyahay, ama uu dejiyo shax gaar ah oo kelidiis u suurtogelinaysa inuu xafiiska gar iyo gardarroba ku joogo". Ayaa lagu yiri qoraalka.

Xigashada Sawirka, Mahad Salad
Sidoo kale waxaa dadka ka falceliyay ka mid ah xildhibaan Mahad Salaad oo sawirka kor ku xusan soo dhigay bartiisa Facebook. Waxaa kale oo uu xildhibaanka qoraal uu kaga falceliyay hadalka NISA ku yiri, "Khamiistii ayaan sheegay in Farmaajo maleegayo shirqool lagu dili rabo Rooble. Boor isku qariska NISA waxay cadeyn u tahay in fulintii qorshahaas soo dhawaaday!".
Siyaasiyiinta kale ee ka hadlay waxaa ka mid ah Axmed Macallin Fiqi oo isagana bartiisa Facebook qoraal dheer oo uu soo dhigay ku yiri, "Weeraro qorshaysan oo Argagixisada loo tiirinaayo, laakin u muuqda kuwa gacmihii dilaayadu ay maleegayaan! Hey'addii Sirdoonka ee umadda amnigooda in ay sugto ay ahayd ayaa u dhaqmaysa sidii idaacadihii..
"Waa qoraal caddayntiisa wata in ay jiraan weeraro saacadaha & maalmaha soo socda la rabo in la fuliyo, Argagixisadana dhabarka loo saaro! Waana mid looga gol leeyahay qalqalgelinta doorashada iyo cabsi- gelinta xildhibaanada cusub iyo musharixiinta madaxweynaha.!
"Ma jiro ciidamo amni oo la isku hallayn karo, sidaas awgeed RW Rooble iyo mas'uuliyiinta kale ee weeraradaan lagu beegsan karo waa in ay adkeeyaan amnigooda, soona badsadaan ciidamada ay heystaan! Nin walowba naftaada, nin walowba amnigaada!."

Xigashada Sawirka, Omar Sharmarke
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa isagana qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ku yiri, "sidan doontaba ha ahaatee, digniintii ugu dambeysay ee Twitter-ka ee NISA ka timid waxay keliya muujineysaa baqdinta ay N&N ka qabaan hannaanka doorashada. Haddii aan tallaabooyin ku filan laga qaadin wax ka qabashada hoggaanka NISA, hay'adu waxay noqon doontaa tiyaatarka lagu soo abaabulo howlaha khatarta leh ee halis gelin kara doorashada."
Maxay ka dhigan tahay digniinta NISA?
Korneyl Shariif Xuseen Roobow, oo ka faallooda arrimaha amniga horena uga tirsanaa hay'adda NISA ayaa BBC-da u sheegay in wax lala yaabo ay tahay digniinta NISA isagoo sheegay in khawaaniinta hay'adda aysan ku jirin in la shaaciyo haddii khatar ay soo wajahdo madaxda dalka. "Waxay ahayd haddii ay maqleen oo ay dhab tahay in labada madax ee ugu sarreysa dalka ay nabad gelyadooda halis ku jirto inay daba galaan iyagoo aan idaacadaha ka sheegin oo aan khalkhal dadweynaha gelin, wxaa la rabay inay arrintaas ka gun gaaraan inay dhab tahay iyo inaysan ahayd, haddii ay dhab tahayna inay si qarsoodi ah wax uga qabtaan oo marka howlgalku dhammaadana ay madaxda la wadaagaan, xitaa marka ay wax ka qabtaan in idaacadaha laga sheego maaha iska daa iyadoon waxba laga qaban'e,"
Roobow ayaa intaas ku daray inay u muuqato in nidaamkii nabad-sugidda iyo habkii amniga loo sugi lahaa aan la fahansaneyn. Wuxuu sheegay inaan marnaba la oggoleyn in la shaaciyo arrin amni oo ku saabsan madaxda dalka.
Wuxuu sheegay in marar badan uu khalad noocan oo kale ah ka dhacay NISA, sida inay dadweynaha la wadaagaan gawaari qaraxyo sida oo magaalada ku dhex jira, "Haddii ay maqlaanna waxaa la rabaa inay aamusaan oo howlgal ay sameeyaa oo ay ka hortagaan inta tabartooda ah oo ay meesha ku fashiliyaan qaraxa intuusan dhicin,"
Roobow ayaa sheegay in digniintan NISA ay buunbuunin u noqon karto Alshabaab oo uu sheegay inay doonayaan in laga cabsado oo ay dalka khalkhal geliyaan.










