Dhegeyso: Rabshadihii maanta ka dhacay gudaha baarlamaanka Federaalka

Qoraalka Codka,
Dhegeyso: Rabshadihii maanta ka dhacay gudaha baarlamaanka Federaalka

Rabshado kale ayaa saaka hareeyay kulan ay lahaayeen xildhibaanada labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ajandaha looga hadli lahaa uu ahaa in laga doodo soo jeedimaha wax ka badalka dastuurka cutubka afaraad, gaar ahaa soo jeedimaha wax ka badal kooban ee qodobada 94-aad, 50-aad iyo 54-aad.

Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Federaalka ayaa sheegtay in la dhawaacay kadib markii uu 'askari ka tirsan ciidamada booliska u gacan qaaday', waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa weydiiyay xildhibaan Cadar Xareed sida ay maanta Barlamaanka wax uga dhaceen, ka dibna warbixintan ayuu ka diyaariyey.