Faahfaahinta wixii maanta ka dhex dhacay baarlamaanka: Feer iyo Firimbi

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga doodayey qeybinta ajandaha lagu meel marin doono wax ka beddelka lagu sameeyey qaar kamid ah cutubyada dastuurka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehlinayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo xubnaha kale ee guddoonka labada aqal.
Kulankan ayaa waxaa hareeyey buuq xooggan oo ay sameeyeen xildhibaanno ka tirsan mucaaradka, kuwaas oo si cad uga soo horjeeday qorshaha wax-ka-beddelka dastuurka ee ay waddo dowladda.
Fadhiga waxaa yimid oo ka qeyb-galay xildhibaanno gaarayay 180 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 31 Senator oo ka socda Aqalka Sare. Intii uu socday kulanka, mudanayaasha labada aqal waxaa loo qeybiyey warbixinta soo-jeedinta wax-ka-beddelka dastuurka ee la xiriira cutubyada 5-aad ilaa 9-aad.
Sidoo kale, xildhibaannada waxaa la siiyey warbixin faahfaahsan oo sharxaysa soo-jeedintaas iyo wax-ka-beddel la doonayo in lagu sameynayo Qodobbada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee cutubka 4-aad ee Dastuurka.
Maxaa maanta ka dhacay xarunta baarlamaanka?

Fadhiga maanta ee baarlamaanka waxa uu intiisa badan ahaa mid uu buuq hareeyey, markii uu yimid guddoomiyaha ayaa waxaa bilaabatay in xildhibaannadii diidanaa ajendihii maanta ay jeex-jeexaan waraaqihii uu ku qornaa ajendaha.
Wax ka beddelka dastuurka ayaa la hadal hayey muddooyinkii u dambeeyey, xildhibaannada maanta diidanaa ayaa ku dooday in aysan suuragal ahayn in wax laga beddelo dastuurka hadda, waxa ay sidoo kale Mudanayaashan ku eedeeyeen Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka inay doonayaan inay meel mariyaan isbeddello dastuuri ah oo aan haysan taageerada shacabka iyo Baarlamaanka.
Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo ka mid ah mudanayaasha diiddan wax ka beddelka ayaa mar uu wariyaha BBC-da la hadlayey yiri "waxaa la soo diyaariyey in baarlamaanka waqtigiisa la dheereysto, dastuur aan heshiis lagu ahayn oo wax ka beddel lagu soo sameeyey oo guruub gaar ah ay wataan intaas ayaa la rabay in baarlamaanka la keeno annagana taas ayaan diidnay".

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Shalay ayey ahayd markii guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ay isku fahmi waayeen oo ay kula tageen meel marinta ajandahan wax ka beddelka dastuurka.
Dhanka kale, xildhibaannada taageersan wax ka beddelka dastuurka ayaa qaba in ay tahay la sii wado shaqada baarlamaanka si loo dhammeestiro meel marinta iyo aqrinta ajandaha wax ka beddelka dastuurka. Maxamed Cabdiqaadir oo kamid ah xildhibaannada taageersanaa ayaa yiri "waxaa aaminsanhay in shaqada la wado, waxaan aaminsanahay aragtida naga duwan in baarlamaanka la yimaado fagaaraha laga hadlo ra'yiga la weydiiyo". Isagoo intaas ku daray "in firinbi la soo qaato wax micno ah ma sameeneyso malaha".
Jadwalka ayaa ka koobnaa sadex marxaladood oo kala dambeeya, sida ku cad nuqun ay BBC-du heshay, marxaladda kowaad ayaa loogu talo galay in lagu qeybiyo nuqullada ay ku qoran yihiin 'soo jeedinta wax ka beddelka dastuurla', halka marxaladda 2aad ay noqonayso 'ka doodista wax ka beddelka dastuurka', iyo marxaladda u dambeysa oo ah 'dhammeystirka soo jeedinta wax ka beddelka dastuurka'.


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku wargeliyey xildhibaannada labada aqal in ay si qoto dheer u akhriyaan soo-jeedimaha iyo warbixinta la socota, si loogu diyaargaroobo doodda rasmiga ah ee wax-ka-beddelka dastuurka.
Ugu dambeyntii Xildhibaanada mucaaradka ayey u suurto gashay inay baajiyaan kulankii wadajirka ahaa ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee la doonayay in lagu meel mariyo wax ka beddelka Dastuurka, kaasoo ay ku tilmaameen mid aan sharci ahayn, inkasta oo guddoomiye Aadan Madoobe uu ka codsaday in la ansixiyo waxa uuna sheegay in maanta qorsha uu ahaa in la qeybiyo ajandaha ayna qeybiyeen oo lagu guuleestay hawshii maanta meesha loo yimid.
"Xildhibaannada sharafta leh maanta si fiican ayaa loo soo xaadiray, waana loo qeybiyey ajendaha hala soo aqristo".
Guddoomiyaha oo ay ku buuqayeen xildhibaannada kasoo horjeeday ayaa sheegay in lala hadli doono xildhibaannadii diyaar u ah wadahadal.
Muuqaalladii maanta ee laga soo tabinayey fadhiga baarlamaanka ayaa muujinayey xildhibaanno gacanta iskula tegey, buuq iyo fowdo.
Ma aha markii ugu horreysay ee rabshado ay ka dhacdo gudaha baarlamaanka. Dabayaaqadii bishii Abriil ee sannadkii hore ayaa sidaasoo kale ay xildhibaannadu gacanta isu qaadeen.













