Maxay soo-galootiga ay Soomaalidu ka mid tahay uga dhigan tahay sharciga degannaansho ee ay Spain siineyso?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Guy Hedgecoe
- Role, Wakiilka Madrid
Wasiirka socdaalka ee Spaina ayaa xaqiijiyay in dowladda hantiwadaagga ah ee laga tirada badan yahay ay soo saari doonto wareegto siinaysa sharciyad deggenaansho ah boqollaal kun oo muhaajiriin ah.
Tallaabadan uma baahna ansixinta baarlamaanka, halkaas oo xisbiyada garabka midig ay u badan tahay inay hor istaagi lahaayeen haddii la horgeeyo. Wareegtadu waxay khusaysaa dadka aan lahayn dembi hore oo dalka yimid ka hor billowgii sanadkan, kuwaas oo dalka ku noolaa in ka badan shan bilood wixii ka horreeyay 31 December 2025.
"Tan maalin taariikhi ah ayay u tahay dalkeenna," ayay tiri Elma Saiz, oo ah wasiirka ammaanka bulshada iyo socdaalka Spain.
"Waxaan xoojineynaa qaab socdaal oo ku dhisan xuquuqul insaanka, is-dhexgalka, wada-noolaanshaha, kaas oo la jaanqaadi kara kobaca dhaqaalaha iyo wadajirka bulshada," ayay tiri Saiz.
Spain ayaa wajahday qulqul aad u weyn oo muhaajiriin ah sanadihii u dambeeyay, kuwaas oo u badan dad ka yimid Latin Ameerika.
Xarunta cilmi-baarista ee muxaafidka ah ee Funcas ayaa ogaatay in tirada muhaajiriinta aan sharciga lahayn ee Spain ay ka kacday 107,409 qof sannadkii 2017 ilaa 837,938 qof sannadkii 2025 – taas oo ah kororsi siddeed laab ah.
Tirada ugu badan ee muhaajiriinta aan sharciga lahayn ee hadda ku nool Spain ayaa la rumeysan yahay inay ka yimaadeen Colombia, Peru, iyo Honduras.
Dawladda isbahaysiga hanti-wadaagga ee Spain ayaa kaga duwan dalalka kale ee waaweyn ee Yurub arrintan, iyadoo hoosta ka xarriiqday muhiimadda ay muhaajiriintu u leeyihiin dhaqaalaha.
Dalku wuxuu ka waxqabad fiicnaa dalalka kale ee dhaqaalaha ee waaweyn ee Midowga Yurub sanadihii u dambeeyay, iyadoo la filayo kobac dhaqaale oo ku dhow 3% sannadka 2025.
Shaqo la'aanta, oo ahayd daciifnimo muddo dheer soo jirtay oo haysata dhaqaalaha Spain, ayaa hoos uga dhacday 10% markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 2008, sida ku cad tirokoobyada ay soo saartay hay'adda tirakoobka dalkaas maalintii Talaadada.

Xigashada Sawirka, Europa Press via Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ra'iisul Wasaare Pedro Sánchez ayaa ku tilmaamay muhaajiriinta inay u taagan yihiin "hodantinnimada, horumarka iyo barwaaqada" Spain, isagoo farta ku fiiqay kaalinta ay ka qaataan nidaamka caymiska bulshada.
Dowladda iyo xisbiyada bidixda ayaa sidoo kale xoogga saaray baahida loo qabo in muhaajiriinta loola dhaqmo si bani'aadannimo leh.
"Bixinta xuquuqdu waa jawaabta lagula dagaallamo cunsuriyadda," ayay tiri Irene Montero, oo ka tirsan xisbiga bidixda fog ee Podemos, horayna wasiir uga soo ahayd dawladdii isbahaysiga hanti-wadaagga.
Waxay u ololaysay tallaabadan, taas oo ka dhalatay heshiis dhex maray xisbiga iyo dawladda. Soo jeedin sharciyeed oo ay dadweynuhu soo gudbiyeen, taas oo ku baaqaysay sharciyayn ballaaran oo loo sameeyo muhaajiriinta, ayaa heshay taageerada ilaa 700,000 oo qof, laakiin waxay ku xayirnayd baarlamaanka.
Tallaabadan waxaa lagu ansixin doonaa digreeto boqortooyo, taas oo macnaheedu yahay inaanay u baahnayn ansixinta baarlamaanka.
Waa markii ugu horreysay muddo labaatan sano ah oo Spain ay ka dhacdo sharciyayn muhaajiriin oo baaxad weyn oo caynkan ah.
Dhowr hindise oo noocan oo kale ah, oo ay sameeyeen dawladihii Hanti-wadaagga iyo xisbiga muxaafidka ee People's Party (PP), ayaa sharciyeeyay xaaladda qiyaastii nus milyan muhaajiriin ah intii u dhaxaysay 1986 ilaa 2005.
Si kastaba ha ahaatee, Alberto Núñez Feijóo, oo ah hoggaamiyaha PP, ayaa sheegay in sharciyayntan baaxadda leh ee u dambaysay ay "kordhin doonto qulqulka dadka, culaysna ku keeni doonto adeegyadeenna dadweynaha."
Pepa Millán, oo ah af-hayeenka xisbiga midigta fog ee Vox, ayaa sheegtay in hindisahani uu "weerar ku yahay aqoonsigeenna," iyadoo raacisay in xisbigu uu racfaan u gudbin doono Maxkamadda Sare si loo istaajiyo.
Maxay uga dhigan tahay soo-galootiga ay Soomaalidu ka mid tahay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tallaabadan waxay leedahay faa'iido ah in dadkaas ay helaan degganaansho hal sano ah, oo kadibna lasii dheereyn karo. Codsiyada sharciyeynta ayaa la fileyaa inay billowdaan April hannaankuna wuxuu furnaan doonaa ilaa dhammaadka June.
Waxaa la qiyaasayaa in in ka badan nus milyan qof ay ka faa'iidaysan doonaan arrintaan.
Soomaali badan ayaa ku nool dalkaas Spain, kuwaasoo qaarkood tahriib ku galay isla markaana bulshooyinka kale kala mid ahaa sharci la'aanta.
Maxamed Cibaar Diiriye oo deggan magaalada Madrid ee dalka Spain ayaa BBC-da u sheegay in dad badan oo dalkaasi jooga, gaar ahaan kuwa ka yimid galbeedka Afrika aysan sharci heysan.
Wuxuu xusay in faa'iidada kale ay tahay in dadka soo-galootiga ay u suurto-geli doonto inay ka dhex shaqeystaan dalkaas.
"Arrintan waa mid aad loo sugayay" ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in inta badan Soomaalida Spain ku nool ay yihiin kuwo sharciga mar hore qaatay.
"Waxaad mooddaa in Soomaalidu ay yihiin kuwa ugu yar ee sharci la'aanta ku ah dalkan, waana inta badan kuwa kasoo galay dhinaca badda," ayuu intaa raaciyay.
Cibaar ayaa xusay in Soomaalida dalkaas ay nasiib u yeesheen inay Spain il gaar ah ku fiiriso oo ay sharciyada u fududeyso.












