Cabdullaahi Wadaad: Waa kuma sarkaalka muhiimka ah ee laga dilay Alshabaab

Al Shabaab

Xigashada Sawirka, X

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah hogaamiyeyaasha kooxda Alshabaab lagu dilay duqeyn dhacday dhammaadkii todobaadkii hore.

Axmed Macalin Fiqi oo ah wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa saaka warbaahinta u faahfaahiyey xogta dilka Cabdullaahi Xasan Cosoble oo loo yaqaanay Cabdullaahi wadaad. Dilka Cabdullaahi wadaad ayaa ka dhacay deegaanka Kuunya-Barrow ee gobolka shabeellaha hoose, 23-kii Bishan Janaayo 2026.

Duqeynta ayaa waxaa geestay ciidanka nabad sugidda dowladda Soomaaliya oo kaalmo ka halayey saaxiibada beesha caalamka ee taageera hawlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab. Wasiir Fiqi ayaa Cabdullaahi wadaad ku tilmaamay "ooddin iyo waran wadnaha kaga taagnaa ummadda Soomaaliyeed".

"Hay'adda sirdoonka iyo nabad sugidda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamka waxa ay fulisay hawl-gal qorsheysan oo guul ku dhammaaday, kaas oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsan Alshabaab, hawl-galkaan ayaa ka dhacay deegaanka Kuunya-barrow, dabayaaqadii bishaan", ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi, isaga oo intaas ku daray in Cabdullaahi ay ku dileen goob baylah ah oo u sahlaneyd in ka fuliyaan duqeymaha, waxa uuna wasiirka yiri "xilli horjooguhu uu ku sugnaa goob uu u maleenayey inuu ku nabad geliyo, halkaas oo lagu beegsaday weerar si gaar ah bartilmaameed u ahaa oo isaga lagu beegsanayey isaga".

Waa kuma Cabdullaahi Wadaad

Sida uu shirka jaraa'id ku sheegay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, Cabdullaahi wadaad waxa uu dhashay sanadkii 1965-tii, isaga oo ku dhashay degmada Ruun Nirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Waxa uu kooxda Alshabaab ku biiray sanadkii 2009-kii, isaga oo waqtigaas kaga biiray magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir, waxa uuna kamid noqday madaxda sare ee kooxda Alshabaab. In kasta oo jiraan xogo ay sheegayaan dad Cabdullaahi wadaad u dhawaa inuu ku biiray 2008-ddii.

Cabdullaahi wadaad, Waxa kamid ahaa raggii loogu doonista badnaaa, kuwaas oo ay dowladda baadi-goobeysay. Sanadkii 2024-kii ayey dowladdu ku dartay 'liiska dambiileyaasha waaweyn ee cunqabataynta la saarat'. Sida uu wasiir Fiqi sheegay waxa ay dowladdu hakat ku sameesay dhaq-dhaqaaqiisa.

Waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay xarakada Alshabaab, "isaga oo noqday sargaalka isku xira beelaha dega gobolka shabeellaha dhexda iyo hogaamiyaha kooxda Axmed Diiriye", sida uu sheegay wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xilalka kale ee uu soo qabtay waxaa kamid ahaa inuu soo noqday, masuulka xafiiska sakada gobolka Shabeellaha dhexe, waxa uu sakada iyo kharashaadka kale eel aga rabo dadka kasoo ururin jiray dadka degan deegamadaas.

Cabdullaahi wadaad waxaa uu kamid ahaa tobanka qof ee ugu sarreeya Alshabaab, sida ay BBC-da u sheegeen dad aad uga war haya qaab-maamulka xarakada. Waxa uuna in muddo ah ku dhex jiray qeybta maaliyadda ururka, hadda waxa uu ahaa madaxa xafiiska maaliyadda kooxda Alshabaab, waxa uu maamulayey dakhliga soo gala ururka,

Laba bilood gudahood waxa uu noqonayaa sarkaalkii labaad ee laga dilo Alshabaab, horraantii bishii Diseember ee sanadkii dhammaaday ayey ahayd markii duqeyn ka dhanka cirka oo ka dhacday magaalada Jilib ee gobolka Jubada dhexe lagu dilay nin la dhihi jiray Cabdullaah Cusmaan oo loo aqoon jiray Injineer Ismaaciil oo kamid ahaa madaxda sare ee Alshabaab, waxaa lagu sheegay inuu ahaa madaxa xafiiska "amniyaad' iyo xafiiska warbaahinta kooxdaas, waa xil sare oo kamid ah 16-ka xil ee ugu sarreysa qaab dhismeedka hogaaminta kooxda Alshabaab. Sidoo kale, waxa uu kamid ahaa lataliyeyaasha Axmed Diiriye oo ah hogaamiyaha Alshabaab.