Faahfaahin ka soo baxaysa dilka sarkaalka Al Shabaab ka tirsan ee ficilladiisu dhaliyeen kacdoonka macawisleyda Hiiraan

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay fiidkii rag hubeysan oo ka tirsan miliishiyooyinka qabaa'ilka ee loo yaqaano Macawisley ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab tuulada Mabaax oo u dhaxaysa magaalooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cali Axmed Guure (Qoyane) ayaa horey maxkamadda Ciidamada ee Soomaaliya ugu xukuntay dil sanad kii 2019-kii markaas oo lagu helay in uu ka dambeeyay qarax lagu dilay gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Maxaas oo isla sanadkaas lagu khaarajiyay Maxaas.
Horjoogahan ayaa waxa kale oo lagu eedeynayaa in uu ka dambeeyay dilka dad rayida oo lagu laayay gobolka Hiiraan bishii September 2022-kii.
Haddaba si aan wax badan uga ogaano sarkaal kan la dilay iyo xadgudubyadii uu ka gaystay gobolka Hiiraan, waxa ay BBCdu la xiriirtay gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, si uu faahfaahin uga bixiyo waxa lagu yaqaan sarkaalkan ka tirsanaa Alshabaab waxa uuna sheegay Cali Jeyte in "ninkaasi uu ka tirsanaa kuwa caadeeystay dhiigga bani-aadamka ee arxan laawayaasha ah".

Xigashada Sawirka, Hiiraan online
Cali Jeyte waxa uu sheegay in markii ay dagaalada ka bilaabmeen degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan dagaalkaas oo ay kula jireen Alshabaab in gaadiid u kala socday degmada Beledweyne iyo degmada Maxaas in uu ninkaasi gawaaridii labada dhinac ka timid isku celiyay oo dad ka badan labaatan qof ku laayey halkaas gaadiidkiina uu gubay.
Cali Jeyte waxa uu sheegay in Cali Axmed Guure (Qoyane) uu aha nin dadka masaafuurka ah mar walba dhibaatooyin kula kacayey.
Mar la weeydiiyay Cali Jeyte sida lagu ogaaday in uu isagu ka danbeeyya dhacdadii 3 Siteembar 2023 ee dadka lagu laayey waxa uu sheegay in isagoo doonaya in uu dadka deegaanka kala reebo oo uu kala jabsho si uu qaar culeys u saaro, oo kuwa kale u cabsadaan, ayuu dadkii qaarna sii daayey qaarna laayey "Hal jifo ayeey ahaayeen dadka la laayey" ayuu yiri Cali Jeyte oo intaas ku daray waxa ay ujeedadiisu ay ahayd qeybi oo xukun .
Cali Axmed Guure (Qoyane) ayaa Alshabaab ka tirsanaa muddo ka badan 10 sano sida uu sheegay Cali Jeyte .
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dilkii dadka rayidka ahaa ee ka dhacay inta u dhaxeeyso Maxaas iyo Beledweyne ee lagu eedeeyay in ay Alshabaab ka danbeeysay gaar Ahaana Cali Axmed Guure (Qoyane) ayaa ahaa kii abuuray kacdoonkii dagaal ee markii ka danbe ka bilawday gobolka Hiiraan kaas oo dhul badan looga saaray in kasta oo markii danbe duulaan ay dib u soo qaadeen ay ku qabsadeen qaar ka mid ah deegaandii horey loo qabsaday.
Balse Cali Jeyte ayaa qaba in dagaalka iyo kacdoonku uu ka horeeyay dilkii dadka rayidka ahaa loogu geeystay inta u dhaxaysa Maxaas iyo Beledweyne, laakinse ay bulshadu xanuun badan dareentay uuna mideeyay dadkii deegaanka haddii ay markii hore ku kal raaceen ayuu yiri Cali Jeyte oo intaas ku daray in dagaalkaasi uu si dhab ah u bilowday bishi Agoosto ee sanadkii 2022dii.
Cali Jeyte mar uu ka hadlayey dilka ninkan ka tirsanaa Alshabaab waxa uu uga dhigan yahay dadka deegaanka, waxa uu sheegay in dadka deegaanka ay uga dhigan tahay "neecaaw iyo caafimaad usoo hoyatay, cadaw ka baxay ".
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka hadashay howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, kaasoo lagu dilay horjooge sare Cali Qoyane.
Balse faahfahain intaasi dheer kama aysan bixid dowladdu dilka sarkaalkaas
Qoraal lagu daabacay bogga SNTV uu ku leeyahay Facebook ayaa lagu sheegay in howlgalkaas, oo si guul ah ku dhammaaday, kaas oo ay fuliyeen baa la yiri "geesiyayaasha difaaca dadka deegaanka ee macawiisleey oo taageero ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya".
Horjoogaha la dilay ayaa si toos ah loo bartilmaameedsaday xilli uu fadhiyay maqaayad shaaha laga cabo oo ku taalla deegaanka Mabaax, waxaana laga soo furtay qori AK-47 ah iyo bistoolad uu watay.
Dadka deegaanka ayaa si weyn usoo dhaweeyay dilka sarkaalkan oo ay sheegeen in uu gabood falo waaweyn ka geeystay gobolka Hiiraan muddadii uu ka tirsanaa Alshabaab.
Dadka deegaanka ee yaqiin Cali Axmed Guure (Qoyane ayaa sheegya in dhowr iyo tobankii sano ee ay Alshabaab jireen in uu qeyb ka ahaa.













