Falanqayn: Weerarrada sii xoogeysanaya ee ay al-Shabaab ka geysanayaan gudaha Soomaaliya

Xigashada Sawirka, AFP
- Author, Warqabadka BBC (BBC Monitoring)
Weerarrada al-Shabaab ee ka soo cusboonaaday Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa ku qasbay ciidamada dowladda in ay dib ula wareegaan dhulkii ay dagaalka adag kaga jireen saddexdii sano ee la soo dhaafay, taasi oo sare u sii qaadday cabsida laga qabo in kooxdaasi weerarro culus ay ka geystaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sababta weerarrada ku macneeyay khilaafka u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mucaaradkiisa siyaasadeed, iyadoo ay sii yaraanayaan taageeradii beesha caalamka ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo sidoo kale habacsanaan ka dhex jirta ciidamada qaranka.
Weerarada kooxda ayaa si xawli ah ku soo kordhay bishii Febraayo, iyaga oo diiradda saaraya gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, oo deris la ah Muqdisho iyo gobolka dhaca bartmaha ee Hiiraan.
Al-Shabaab ayaa qabsatay ku dhowaad labaatan tuulo iyo magaalooyin ka tirsan saddexda gobol, iyagoo dib ula wareegay gacan ku heynta deegaanno badan oo ay ka lumiyeen ciidamada dowladda tan iyo sanadkii 2022-dii.
Deegaannada ay dib u qabsadeen al-Shabaab ayaa muhiim u ah isu socodka ciidamada iyo saadka, gaar ahaan inta u dhexeysa Muqdisho, gobollada Shabeellooyinka iyo dalka intiisa kale.
Dib u soo cusboonaanta al-Shabaab ayaa ku soo aadday iyada oo duqeymo joogto ah ay u geysanayaan diyaaradaha Mareykanka, Turkiga iyo Itoobiya oo taageeraya ciidamada Soomaaliya ee ku sugan dhulka.
Kooxda ayaa jaray waddooyin muhiim ah, waxayna qabsadeen buundooyin oo gaadiidka laga soo buuxiyo walxaha qarxa laga soo gelin karo magaalada Muqdisho, waxayna weerar ku qaadeen kolonyada uu la socday madaxweynaha.
Waxaa sii murjinaya xaaladda xaqiiqada ah in dowladdu ay ku jirto xaalad aad u nugul.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Howlgalka Midowga Afrika ee la filayay in uu ka caawiyo la dagaallanka al-Shabaab ayaa ah mid lacag caddaan ah aan haysan oo ku dhex milmay siyaasadda xilli kala guur ah oo muhiim ah.
Madaxweyne Xasan ayaa weli ku dhex jira khilaafaadyo kala dhaxeeya dhinacyada isaga soo horjeeda oo muran badan uu ka taagan yahay si ay dalka uga qabsoonto doorashadii ugu horreysay oo toos ah muddo 50 sano ah.
Wuxuu 18-kii bishii Maarso ka badbaaday weerar qarax ah oo ay al-Shabaab ku qaadeen kolonyo uu la socday, xilli uu ku wajahnaa jiidaha hore ee dagaalka lagula jiro al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Doorashada golaha deegaanka ayaa la filayaa inay tijaabo u noqoto codbixinta tooska ah ee madaxweynaha sannadka 2026-da, waxaana loo qorsheeyay inay bilaabmaan dabayaaqada bisha Juun. Iyada oo dadka shakiga leh ay is weydiinayaan suurtagalnimada qorshahaan hamiga leh, ayay dowladdu ku adkeysaneysaa inay lumin karto goobo ay gacanta ku hayso al-Shabaab.
Dhanka kale, hardanka awoodeed ee daba-dheeraaday ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada awoodda badan ayaa weli sii hurinaya geeddi-socodka nabadda iyo dowlad-dhisidda.
Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan
Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa soo gaaray culeyska ugu weyn ee weerarrada al-Shabaab, iyada oo kooxdaasi lagala wareegay ugu yaraan 12 tuulo iyo magaalooyin, oo ay ku jirto Aadan Yabaal, oo ah magaalada u ahayd xarun weyn oo dhanka saadka ah ee ciidanka ka hor intii aan la qabsan 16-kii April.
Dhacdadii Aadan Yabaal waxay ahayd dharbaaxo istiraatijiyadeed iyo mid calaamad u ah ciidanka iyo dawladdaba.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur, ayaa labaduba ku sugnaa magaalada markii Shabaabku ay ka awood roonaadeen ciidamada dowladda. Madaxweyne Xasan ayaa qudhiisa khudbad u jeediyay ciidamada ku sugan magaalada bil ka hor qabsashadiisa.
In al-Shabaab ay si fudud ku qabsan karaan magaalo uu ku sugan yahay taliyaha ciidanka xoogga dalka, waxay ahayd dacaayad kooxdaasi sameysay.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale jaray waddooyin dhowr ah oo muhiim ah oo isku xira Shabeellaha Dhexe iyo Muqdisho iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya, sida waddada dheer ee xiriirisa xarunta gobolka ee Jowhar iyo magaalada Balcad. Waddadan ayaa sidoo kale isku xirta Muqdisho iyo magaalooyin badan oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galguduud.
Magaalooyinka waaweyn ee ay gacanta ku hayso dowladda, sida Jowhar iyo Mahaddaay, ayaa hadda la daalaa dhacaya dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo al-Shabaab ay ku hayaan waddooyinka muhiimka ah ee saadka.
Maleeshiyada ayaa sidoo kale sheegtay inay qabsadeen Wargaadhi oo laga yaabo inay ahayd xaruntii ugu muhiimsanayd ee farsamada ciidanka ee gobolka ka dib dhicistii Aadan Yabaal. Sheegashadan ayaa waxaa isku khilaafay dowladda iyo qaar ka mid ah warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay, kuwaas oo sheegaya in ciidamada ay ku guuleysteen inay dib u qabsadaan deegaanka iyo garoon muhiim ah oo ku yaalla halkaas.
Gobolka Hiiraan, kooxda al-Shabaab ayaa dib ula wareegtay deegaanno badan, kuwaas oo intooda badan laga qabsaday dowladda iyo ciidamo beeleedyadii 2022 iyo 2023.
Gobolka ayaa ah halka ay ka dhasheen kooxda Macawiisleeyda oo tan iyo sanadkii 2022-kii noqotay qodax ku taagan al-Shabaab.
Maleeyshiyaadka ayaa hadda go'doomiyay Moqokori, iyada oo dagaal culus laga soo sheegayo meel ka baxsan magaalada,18-kii May.
Iyada oo horumarkan uu socday ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in dowladdu ay ka fikireyso in ciidamada ay kala baxdo saldhigyada waaweyn ee ay ka mid yihiin Moqokori, Ceeldheer iyo Masaggawaa, si ay dib isugu soo abaabulaan oo ay dib u habeyn ugu sameeyaan.
Shabeellada Hoose iyo Muqdisho
Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa al-Shabaab la wareegtay buundooyin muhiim ah oo ay ku jiraan Awdheegle, Bariirre, Sabiid iyo Caanoole oo dhammaantood ay maraan gaadiidka ka gudbaya Wabiga Shabeelle ee galaya ama ka baxaya Muqdisho.
Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee ay u yaraadeen weerarradii ismiidaaminta ahaa ee al-Shabaab ay ka geysan jireen Muqdisho sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka mid ah in ciidamada dowladda ay ka saareen meelahaas.
Hadda oo kooxda ay dib u qabsadeen, magaalada ayaa mar kale u nuglaatay weeraro, saameyntuna waa la dareemi karaa.
Taariikhdu markii ay ahayd 18-kii Maajo, al-Shabaab ayaa sheegtay in ay Muqdisho ku dishay 30 ka mid ah askartii ka qorneyd milatariga, ayna ku dhaawacday 50 kale, ka dib markii qof ismiidaamiyay uu beegsaday xero ciidan oo lagu tababarayay. Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ayaa sheegtay 20 dhimasho ah iyo 15 dhaawac ah.
Intii u dhaxaysay 15-kii Maarso iyo 19-kii May, al-Shabaab ayaa ugu yaraan shan jeer duqeeyay xarunta Xalane oo ka mid ah meelaha ugu ammaanka badan Soomaaliya, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada shisheeye, xafiisyada Qaramada Midoobay iyo kuwa Midowga Afrika.
Xalane waxa uu ku dhaggan yahay Garoonka Aadan Cadde oo isna dhowr jeer lagu weeraray Hoobiyeyaal.
Duqeymo dhacay lixdii Abriil ayaa ku qasbay duullimaadyada qaar inay dib u socdaan, dhowr jeer, seeriga garoonka ayaa la shiday iyadoo ay weerarro ka dhaceen meelaha u dhow.
Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in ay dishay "Saddex Mareykan ah" ayna ku dhaawacday lix qof oo Talyaani ah duqeyntii 28-dii April ka dhacay Xalane. Weerarku wuxuu ahaa mid muhiim ah oo ku filan mas'uuliyiinta inay xaddidaan tabintooda warbaahinta.
Kooxda ayay xitaa u suurtagashay in ay la beegsadaan kolonyadii uu la socday madaxweynaha 18-kii Maarso markii uu ka dhoofay Muqdisho oo uu booqday ciidamo ku sugan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Inkasta oo uusan wax dhaawac ah soo gaarin, haddana weerarka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 8, waxaana uu sii xumeeyay cabsida laga qabo ammaanka magaalada.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale muddo kooban la wareegtay deegaanada Lafoole, Xaawo Cabdi iyo Ceelasha Biyaha, oo dhamaantood ku yaalla duleedka Muqdisho, gaar ahaan waddada isku xirta magaalada iyo degmada Afgooye.
Howlka socda ee Midowga Afrika

Xigashada Sawirka, AFP
Hawlgalka ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis) ayaa si rasmi ah u dhammaaday Disembar 2024.
Qorshaha ayaa ahaa in ciidamada Soomaaliya ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, balse dowladda ayaa codsatay howlgal cusub oo lagu xoojinayo ciidamada deegaanka inta lagu guda jiro kala guurka.
Taariikhdu markii ay ahayd 27-dii Diseembar 2024, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa taageeray howlgalka cusub ee taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) muddo 12 bilood ah oo hawlgal ah laga bilaabo Janaayo 2025.
Si kastaba ha ahaatee, AUSOM, ayaa leh ciidan ka yar (qiyaastii 11,000) iyo qorshe ka yar kan Atmis, ayaa la kulmay caqabado dhaqaale oo curyaamiyay ka dib markii Maraykanku uu shaaca ka qaaday in aanu bixin doonin taageero dhaqaale.
Warbaahinta maxaliga ah ayaa go'aankan la xiriirisay kormeer xumo iyo musuq maasuq ka dhex jira dowladda Soomaaliya.
Waxaa jiray calaamado muujinaya in ciidamada AUSSOM, oo aan helin wax mushaaraad ah ugu yaraan toddobo bilood hadda, laga yaabo inay bilaabaan inay jahawareerkooda ka saaraan dadka deegaanka.
Taariikhdu markii ay ahayd 14-kii Abriil, Soomaaliya waxa ay sheegtay in ciidamada Uganda ay duqeeyeen oo ay qabsadeen beer ku taal Shabeellaha Hoose ka hor inta aysan la wareegin dalaggii soo go'ay, beertana u beddelin garoon diyaaradeed.
Shir wasiirro ka socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee Aussom ay ku yeesheen Kampala 25-kii April, ayuu wasiirka gaashaandhigga Uganda, Jacob Marksons Oboth uu kaga digay in soo laabashada al-Shabaab ay khatar degdeg ah ku tahay Geeska Afrika.
Urur-goboleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin Bariga Afrika ayaa sheegay in AUSOM ay u baahan tahay 8,000 oo askari oo dheeraad ah si ay uga hortagto kooxda.
Muqdisho ma gali kartaa gacanta al-Shabaab?

Xigashada Sawirka, AFP
Weerar ismiidaamin ah ayaa 18kii Abriil lala beegsaday askar laga qorayay xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho. Waxaa jirtay cabsi ah in haddii aan la helin taageero amni oo xooggan oo Midowga Afrika ah, in al-Shabaab ay weerarro ku qaadaan Muqdisho oo ay ka adkaadaan ciidamada Milatariga.
Markii dableydu ay muddo kooban la wareegeen degmada Balcad oo 30km oo kaliya u jirta Muqdisho 27-dii Febraayo, safaaradda Mareykanka ee caasimadda ayaa ka digtay weeraro ku soo wajahan toddobaad, waxaa soo baxay qeylo dhaan ah in magaalada ay ku dhici karto gacanta mintidiinta.
Dhab ahaantii, al-Shabaab uma muuqato inay leeyihiin awooddii iyo qalabkii ay u baahnaayeen si ay Muqdisho u qabsadaan, ugu yaraan ma aha in ay muddo kooban ku qabsadaan, balse guud ahaan waxa ay leeyihiin cudud ka go'an iyo isku-duubni ka badan kuwa qaranka.
Bishii Sebtembar 2022, dawladdu waxay ku qiyaastay in kooxdu ay haysato inta u dhaxaysa 15,000 iyo 18,000 dagaalyahan. Si kastaba ha ahaatee, iyada oo la adeegsanayo sababo kala duwan tirade dagaalyahanada hoos ayay u soo dhacayeen.
Dawladda ayaa laba jibaar ka ciidan badan kooxda.
Xildhibaan mucaarad ah ayaa bishii Maarso sheegay in ciidamada qalabka sida ay ku jiraan diiwaankooda ilaa 70,000 oo xubnood (oo ay ku jiraan saraakiil boolis iyo basaasiin.
Soomaaliya waxaa ay leedahay taageero ay ka hesho dalal awood badan.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Soomaaliya, Turkiga ayaa dhowaan u diray 500 ciidama ah Soomaaliya si ay uga hortagaan weeraro lagu soo qaado Muqdisho, waxaana la sheegay 2000 oo kale ay imaanayaan.
Turkiga kumannaan askari ayay u tababareen Soomaaliya, wuxuuna siiyay hub casri ah oo ay ku jiraan diyaarado dagaal. Waxaa kale oo ay Muqdisho ku leeyihiin mid ka mid ah saldhigyada ugu weyn ee uu Turkigu ku leeyahay dibadda.
Si kastaba ha ahaatee, guusha laga gaaray weerarka al-Shabaab ayaa dhabar-jab weyn ku ah dadaallada sanado badan lagu soo celinayo xasilloonida Soomaaliya.
FG: Habraaca Falanqayntan
Falanqayntan ayaa ku salaysan dabagal joogto ah oo lagu sameeyo degaannada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ee ay Al-Shabaab ku qabsadeen weerarradii ay qaadeen bishii Febraayo ee sanadkan 2025. Waxaa laga diyaariyey qormooyin laga soo qaatay warbaahinta gudaha ee kala duwan, iyo qiimaynta khubarada qaybta warqabadka BBC (BBC Monitoring), iyo aqoonta xaaladda amniga iyo siyaasadda ee dalka.













