Muxuu salka ku hayay buuqii maanta ka dhacay baarlamaanka Soomaaliya?

bbc

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa ansixiyey xukuumadda federaalka Soomaaliya. Xildhibaanada soo xaadirtay baarlamaanka, ayaa aheyd 237, halka ay oggolaadeen 229 xildhibaan ansixinta, 7 xildhibaan way ka horyimaadeen ansixinta, hal xildhibaan ayaa ka aamusay cod qaadista.

Natiijada ayaa waxaa ku dhawaaqey guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe.

Buuqa dhacay xiligii ansixinta, ayaa aheyd in xildhibaanada qaarkood ee baarlamaanka Soomaaliya iney keeneen mooshin, taasoo ah in xukuumadda cusub ee ra’iisal wasaare Xamse Cabdi uu ka dhacay xiligii cod loo qaadi lahaa.

Ugu danbeyntii Guddoonka baarlamaanka, ayaa guda galay cod u qaadista xukuumadda Ra’iisal wasaare Xamse, iyadoo ay ka biyo diideen xildhibaanadii mooshinka waday.

Wasiirada ayaa golaha baarlamaanka waxaa ku dhex dhaariyey guddoomiyaha maxkamdda sare ee dalka Soomaaliya.

Maxaa dhaliyay buuqa?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe markii uu furay kalfadhiga oo uu soo bandhigay ajandaha ayaa xildhibaanada waxay weydisteen guddoomiyaha in mooshin ay u gudbiyeen uu soo bandhigo laakiin wuxuu u sheegay in ajandaha maanta uu yahay oo kaliya ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi.

Waxaa goobta fadhiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo golaha wasiirada laakiin xildhibaanada ayaa buuq iyo sawaxan ka sameeyay baarlamaanka iyagoo diidanaa in ajandahaa looga hadlo Golaha oo aan laga hadlin mooshinkooda.

Markii ay xildhibaanada buuqeen wuxuu Sheekh Aadan Madoobe ka codsaday xildhibaanada inay u hoggaansamaan xeer hoosaadka isla markaana uusan sharci aheyn mooshinka ay xildhibaanada ku doodayeen in looga hadlo kulanka.

Wuxuu ku baaqay in baarlamaanka laga saaro xildhibaanadii fowdada waday.

“Waxaad u hoggaansameysiin xeer hoosaadka iyo dastuurka dalka, mooshinkaa sharci ma aha, lama akhrinayo waxbo kama jiraan,” ayuu yiri guddoomiyaha xilliggii uu buuqa socday.

Iyadoo uu buuqa uu taagnaa ayuu guddoomiyaha baarlamaanka ka codsaday in xildhibaanada ay codka kalsoonida ah siiyaan xukuumadda cusub inkasta oo aan goobta laga akhrin barnaamijka siyaasadeed ee xukuumadda cusub balse qoraal ahaan loogu qeybiyay xildhibaanada.

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Buuq ka dhacay kalfadhigii maanta
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur oo kamid ah xildhibaanadii mooshinka waday ee arrinta doodda dhalisya udub dhexaadkii u ahaa ayaa BBC u sheegay in mooshinka ay ku diidanayeen xukuumadda cusub maadama uu ka dhacay wakhtigii loogu talagalay in Ra’iisul Wasaaraha uu kusoo dhiso.

“Xeer hoosaadka wuxuu qabaa Ra’iisul Wasaaraha marka la ansixiyo muddo 30 maalmood gudahood ah in xukuumaddiisa iyo barnaamijkiisaba uu Golaha ku horkeeno , 30-kii maalmood wey ka dhammaatay , 10 beri buu ku darsaday, taas wey ka dhammaatay, xeer hoosaadka wuxuu qabaa in lagu tuntay sharciga xeer hoosaadka, xukuumadda wakhtigii loogu talagalay iyo kii dheeriga ahaa uu ka dhacay.”

Wuxuu intaa ku daray in xeer hoosaadka Golaha ee la ansixiyay lagu tuntay isla markaana aan xukuumadda cusub la horgeyni karin baarlamaanka.

“Xeer hoosaadka waa waxa kaliya ah ee baarlamaanka lagu kala hago, xeer hoosaadka waxaa burin karaa qodob dastuuri ah, ma jiro qodob dastuuri ah oo dhahayo 30 ka maalmood oo kaliya ah buu heysta muddadii uu qabsaday, waxaa muhiim ah in loo hoggaansamo xeer hoosaadka.”

“Anagu waxaan aaminsahay in sax aheyn oo ay xaaraan tahay, markii horena si sax aan lagu soo dhisin, qaabka loo ansixiyay uusan sharci aheyn, waxa aan qabnay baan u sheegnay guddoonka, wuuna diiday ” ayuu yiri xildhibaan Xasan Cabdi Nuur.

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Sanbalooshe ayaa sheegay in dib u dhac uu saameeyay dhistaanka xukuumadda cusub balse aysan jirin sabab ay ku hor istaagaan ansixinta.

“Sabab aan maanta u diidno in la ansixiyo xukuumadda ma jirin, si aqlabiyad ah oo dhameystiran ayaa loo ansixiyay, sharciyan baarlamaankii la horkeenay mar haddiiba uu ku qancay xukuumadda waana ansax ah waana sharci , wax cilad ah oo loo yeeli karana majiraan.”