Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya: Muuqaalka guud ee labada aqal

Xigashada Sawirka, Golaha Shacabka
- Author, Cabdimaalik Cabdullaahi
- Role, Cilmi-Baare Madax-Banaan
Doorashada labada aqal ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhurriyada Federaalka ee Soomaaliya waxay bilaabatay bishi Luulyo 2020 illaa iyo hadda waxaa dhimman hal kursi kaliya oo laga leeyahay deegaan doorashada Hirshabeelle. Doorashadan dadban ayaa ah mid muddo dheer soo jiitamaysay, oo dalka galisay khataro waaweyn iyo buuq siyaasadeed. Jadwaladda ayaa is bedbedellayay waxaana dib u dhac weyn ku yimid filashada bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka. Waxaa doorashada hareeyay eedaymo fara badan sida wax is daba marin,musuq, habraacyo aan la dhaqangelin iyo goobaha qaar in laisku afgaran waayay oo ay gaartay isku dhacyo hubeysan oo ay soo abaabuleen beelo saluugsan nidaamka doorashada. Tirada guud ee Xildhibaanada soo laabtay waxey ku dhowyihiin 100, waxaa dhinaca kale soo galay Xildhibaano cusub oo kor u dhaafaya 230.
Kooxaha
Baarlamaanka cusub waxay u abaabulan yihiin deegaamaysi iyo xulufeysi siyaasadeed, waxaana si wayn uga dhexmuuqda xildhibaanada ka soo galay Hay'adaha Amniga, Wasiiro Heer Federaal, iyo Wasiiro iyo Xildhibaano Heer Dowlad Goboleed.
Waxaa jira tiro Xildhibaano ah oo u taagan xilka Madaxweynaha iyo Xildhibaano ka soo kala digo-rogtay labada aqal ee Baarlamaanka.
Hay'adaha amniga/kutlada NISA
Hay'adaha amniga waxaa sanadkan Baarlamaanka ka mid noqday Taliyeyaal ciidan, Jananno, iyo Howladeenno kamid ah Hay'ada Nabadsugida. Taliyeyaasha waxaa ka mid ah Saddex (2) taliye oo NISA soo maray, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud "Fareey" iyo Cabdullaahi Maxamed Cali "Sanbaloolshe", halka Fahad Yaasiin oo soo noqday taliyaha NISA kursigiisa la laalay. Taliyaha Asluubta Mahad Cabdiraxmaan Aadan, Maxamed Xassan Sheekh "Ciirow" oo ah Taliyaha qeybta 60-aad ee CXDS , iyo xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo ahaa korneel ciidamadda xoogga dalka ayaa sidoo kale kamid noqday Xildhibaanada cusub.
Dhinaca kale tiro ku dhow Soddon (30) oo ka mid ah Shaqaalaha Hay'ada NISA, Booliska iyo Xoogga Dalka ayaa ka mid noqday baarlamaanka federaalka. Xubnahan ciidanka laga soo xulay waxey aqlabiyadoodu ka soo galeen Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Janannada Baarlamaanka soo galay waxaa iyaguna ka mid ah Jeneraal Axmed Cabdi Xaashi "Taajir" iyo Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed "Ameeriko" oo laga soo wada doortay Puntland. Labadooduba waxey ka soo mid noqdeen Taliska Booliska Soomaaliya. Inkastoo habraaca doorashada dadban ee ku lifaaqnaa heshiiskii 17 Sebtembar 2020 uu dhigayay in haddii ay tartamayaan saraakiisha iyo xubnaha ciidamada ay iska casilaan xilkooda Saddex (3) asbuuc ka hor wakhtiga diiwaan gelinta, sidaa ma dhicin oo habraaca waa la baalmaray.
Wasiiro iyo xubno ka tirsan Xukuumadda JFS
Wasiiro iyo xubno ka tirsan Xukuumadda JFS ayaa ku soo guuleystay xilalkaas Xildhibaannimo. Wasiirada iyo Wasiir ku xigeenada waxaa kamid ah: Cabdullaahi Abuukar Xaaji Carab (Waxbarashada), Xassan Xuseen Xaaji (Cadaaladda), Cusmaan Abokor Dubbe (Warfaafinta), Maryan Aweys Jaamac (Dekedaha), Cabdullaahi Bidhaan Warsame (Kaluumeysiga), Khadiija Maxamed Diiriye (Maareynta Musiibooyinka), Xassan Cabdi Nuur (Tamarta), Xamse Saciid Xamse (Dhalinyarada), Maxamed Aadan Macalin (Howlaha Guud), Khaliif Cabdi Cumar (Ganacsiga), Cabdifataax Qaasim (W/Ku-Xigeenka Gaashaandhiga), Cabdicasiis Maxamed Maxamuud "Qambi" (W/Ku-Xigeenka Cadaaladda), Cali Mohamed Sheekh "Bagadi" (W/Ku-Xigeenka Ganacsiga) iyo Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.
Wasiiro Heer Maamul Goboleed
Wasiiro Heer Maamul Goboleed ayaa sanadkan fursad u helay inay koraan jaranjarada siyaasadda una sii gudbaan heer federal. Koonfur Galbeed ayaa ah maamul goboleedka ay wasiirada ugu badani Xildhibaano noqdeen. Wasiirada Xildhibaanada noqday waxaa kamid ah Axmed Madoobe Nuunoow (Qorsheynta), Maxamed Yuusuf Xassan (Waxbarashada), Maxamed Abuukar Cabdi (Arrimaha Gudaha), Saalax Shariif (Awqaafta), Isaaq Cali Subag (Amniga), Mukhtaar Maxamed Guuleed (Xanaanada Xoolaha), Maxamed Cali Xassan (Howlaha Guud), Aweys Xuseen Macalin (Dekadaha), Axmed Sheekh Maxamed Mashruuc (Ganacsiga), Maxamed Aadan (Wasiir ku-Xigeenka Warfaafinta) iyo Cabdiqaadir Sheekh Cali "Barako" (Wasiir Kuxigeenka Gargaarka). Dr. Cali Saciid Fiqi oo ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa isna ku biiray Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.
Maamul goboleedka Jubaland waxaa ka soo baxay wasiiro ay kamid yihiin Cabaas Cali Ibraahim (Kaluumeysiga), Cabdirashiid Jire Qalinle (Madaxtooyada), Mursal Maxamed Khaliif (Qorsheynta) iyo Cabdinuur Cali Aadan oo ah Wasiirkii hore ee Ganacasiga ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland. Xirsi Jaamac Gaani oo ah Wasiiru Dowlaha Maaliyadda ee Jubaland ayaa Xildhibaan kasoo helay Puntland. Dhinaca kale, Puntland waxaa ka soo galay Cabdullahi Cali Xirsi "Timacadde" oo noqday G/Ku Xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Senator. Wuxuu soo noqday Wasiirka Warfaafinta Puntland. Waxaa wasiirada Puntland ee xildhibaanada noqday sidoo kale kamid ah, Cabdiqafaar Cilmi Xaange (Qorsheynta), Maxamed Cabdi Cismaan "Majiino" (Dekadaha), Fardowsa Cismaan Cigaal (Shaqada iyo Shaqaalaha), Cabdullahi Xassan Rooble (Waxbarashada), Cabdi Ibraahim Warsame "Qowdhan" (Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda) iyo Saynab Ismaaciil Maxamed (Wasiir Ku-xigeenka Deegaanka). Ilaa iyo afar Wasiir ayaa xilka xildhibaanimo kaga soo guuleystay Galmudug. Waxay kala yihiin: Cabdisaabir Nuur Shuuriye (Dekedaha), Farxaan Cali Maxamuud (Maaliyadda), Aadan Cusmaan Xuseen "Qoryooley" (Boostada) iyo Siciid Siyaad Shirwac (Deegaanka).
Xildhibaano u tartamaya Xilka Madaxweyne
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad waxaa qayb wayn ka ah Xildhibaanada raadinaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaanada la filayo inay sanadkan u tartamaan Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kamid ah, Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale sanadkan noqday Xildhibaan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo isna noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka iyo Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo ah Xildhibaan aan dhicin.

Xigashada Sawirka, Golaha Shacabka
Maxaa lagu soo xushay Xildhibaanada?
Siyaabaha ugu badan ee lagu xushay xildhibaanada sanadkan waxaa ugu muhiimsan:
•Xigto ama qaarabo inay la yihiin madaxda gobolada ama saaxiibadood;
•Kalsooni iyo aaminaad ay madaxda gobolada ku qabaan shakhsiga;
•In la iibsado kursiga oo madaxda gobolada ay kursiga ku bedeshaan dhaqaale. Dhowr maamul goboleed ayay arrintan ka dhacday;
•Olole iyo abaabul dhaqaale wato oo ay xildhaabanada qaar u sameeyeen Maal-qabeeno iyo Qandaraaslayaal;
•Ka qayb-qaadashada ama taageeridda doorashadi madaxweynaha maamulka (Guditaanka abaal hore);
•Tartan furan. Kuraas tiro yar oo yaalay Hirshabeele, Galmudug iyo Somaliland ayaa si furan loogu tartamay;
•Xubno u dhow madaxda maamulada oo xilalkooda ku helay qaab kala bedelesho kuraas.
Kala-bedellasho labada Aqal
Xildhibaano ka soo kala wareegay labada aqal ayaa sanadkan Baarlamaanka kamid ah. Ma cadda sababtu balse waxaan ka marnayn in qaarkood raadinayaan fursado siyaasaadeed oo dheeraad ah sida xil wasiir iwm. Waxaa Golaha Shacabka ka soo wareegay oo Aqalka Sare ku soo biiray Xildhibaano ay kamid yihiin Cabdixakiim Macalin Axmed (Galmudug) iyo Saalax Axmed Jaamac (Somaliland). Aqalka sare waxaa ka soo wareegay oo soo aaday Golaha Shacabka Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas "Dhagey" (Galmudug) iyo Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf (Somaliland).
Tartan furan
Waxaa si daahfuran loogu tartamay kuraas tiro yar oo doorashadoodu ka dhacday Muqdisho, Beledweyne, Jowhar, iyo Gaalkacyo. Waxyaabaha sababay in kuraastan si furan loogu tartamo waxaa ugu weyn cadaadis xagga qabiilka ah, Odayaal dhaqameedka iyo abaabul ciidan.
Kuraasta Somaliland ee doorashadooda lagu qabtay Muqdisho waxaa si daahfuran loogu tartamay Saddex(3) kursi oo kala ah HOP 257 oo ay ku soo baxday Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi, HOP 260 oo uu ku soo baxay Xildhibaan Suleymaan Cali Xuseen iyo kursiga HOP 255 oo uu ku guuleystay Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi. Magaalada Gaalkacyo waxaa iyadana ka dhacday doorasho iyo tartan adag. Saddex(3) kursi ayaa si weyn loogu tartamay, kursigii ugu adkaa oo ah HOP 060 waxey doorashadiisu socotay muddo ku dhow 9 saacadood, waxaana ku guuleystay Xildhibaan Qaali Cali Shire. Kuraasta kala ah HOP 095 iyo HOP 038 ayaa sidoo kale lagu tartamay waxaana dhammaan ku soo baxay mudaneyaal cusub. Magaalada Beledweyne waxaa lagu tartamay illaa 7 kursi. Waxaa ugu adkaa kursiga HOP 060 oo ay ku tartameen 9 musharax. Wareegga 3aad ayuu kursigan gaaray waxaana ku soo baxay Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Ciid. Jowhar waxaa lagu tartamay dhammaan 8-da kursi ee Aqalka Sare iyo illaa 3 kursi oo Golaha shacabka ah.
Maxaa la gudboon Baarlamaanka 11aad?
Baarlamaanka 11aad wuxuu ku soo aaday xilli aad u adag, dalkuna ku jiro xaalad hubanti la'aan siyaasadeed, howlo culus oo ay kamid tahay dejinta iyo dhameystirka xeerar muhiim ah ay sugayso iyo dalka oo siyaasiyan kala qaybsan, xaaladda amniguna aad u liito. Shaqada ugu muhiimsan ee Baarlamaanka hor taalo maalmaha fooda inagu soo hayo waa in ay dalka u dooraan hooggaan dalka samatabixin kara oo si howlkarnimo iyo biseyl ay ku jirto ugu raadin karo xal dhibaatooyinka iyo caqabadaha curyaaminaya dowladnimadda Soomaaliya, dalka iyo dadkana xasillooni siyaasadeed ku soo dabaali karo.
Waxaa sidoo kale Baarlamaanka 11aad la gudboon inuu noqdo:
•Hay'ad madax banaan oo aan ku dhex milmin laanta fulinta iyo madaxtooyada;
•Hay'ad aan jidgooyo u dhigan xukuumadda balse wadashaqeyn sharciga waafaqsan la yeelato, kuna gacan siisa laanta fulinta howlaha muhiimka ah ee u yaala;
•Hay'ad u istaagta dhameystirka dastuurka gaar ahaan maqaamka caasimadda, doorashooyinka, qaybsiga khayraadka, doodaha ku gadaaman arrimaha masiiriga ah iwm;
•Mid balaariya oo horumariya dhaqanka hay'adnimadda, anshaxa, xirfada iyo aqoonta Xildhibaanada iyo shaqaalaha Baarlamaanka, korna u qaado xiriirka saxaafada iyo dadweynaha;
•Mid wadashaqayn fiican la yeesha Aqalka Sare oo aan baalmarin ama ka tilaabsan Aqalka Sare gaar ahaan marka lagu gudo jiro xeer dejinta iyo doodaha arrimaha masiiriga ah.
Cabdimaalik Cabdullaahi waa cilmibaare iyo falanqeeye ka faalooda arrimaha Soomaaliya iyo geeska gaar ahaan siyaasadda gobolka, doorashooyinka, maamulka, colaadaha iyo nabadeynta.












