HSNQ: 'Mukhtaar Roobow wuu nabad qabaa Jaamacad ayuuna dhigtaa'

Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa sheegtay Mukhtaar Roobow Cali (Abu-mansuur) inuu nabad qabo amnigiisana ay gacanta ku hayaan.
HSNQ ee Soomaaliya oo ka jawaabeyso dalabki wasaaradda arrimaha gudaha ee ahaa iney 48 saac gudahood kaga soo warbixiso xaaladda Mukhtaar Roobow Cali (Abu-mansuur) ayaa soo saartay warqad ay kaga warbixineyso xaaladda Abu-Mansuur.
Waxayna hay'addu warqadda ka soo baxday ku sheegtay Mukhtaar Roobow oo ahaa amiir ku xigeenki hore ee ururka Al-Shabaab oo sheegtay inuu dowladda iisu soo dhiibay uusan buuxinin shuruudihi isa soo dhiibe laga doonayey.
Hay'adda Nabad Sugidda waxay intaasi ku dartay Roobow inuu deggan yahay guri amnigiisu sugan yahay ciidamo amnigiisa loo xilsarayna ay ilaaliyaan isaga iyo hoyga uu daggan yahayba, qoyskiisa, xaasaskiisana iyo ciddi kale uu dalbadana ay si joogta ah u soo booqdaan.
Xaaladdiisa caafimaadna ay wanaagsan tahay dhakhaatiir caafimaad oo xaaladdiisa caafimaad la socotana uu leeyahay.

Xigashada Sawirka, HSNQ
Waxaa kale oo warqadda Hay'adda Sirdoonka ka soo baxday lagu sheegay Mukhtaar Roobow Cali (Abu-mansuur) inuu jaamac uu ka dhigtio shaadada labaad ee Mastarka macallimiintiisana xiriir joogta uu la leeyahay.
HSNQ waxay intaa raacisay in Roobow noolashiisa ay bil walba hay'addu kaga baxdo lacag dhan $7,000 oo doolar oo lagu maareeyo noolashiisa iyo tan qoyskiisa.
Dowladduna uu waajib ka saaran yahay Amnigiisa iney ilaaliso maadaamaa uu horay u soo noqday xubin sare oo ka tirsan ururka Al-shabaab isla-markaana uu buuxin shuruudihi qofka isa soo dhibo looga baahnaa, isla-markaana bulshadana looga ilaaliyo khatar walba oo dhankiisa uga iman karta.

Wasiirka Amniga ee Soomaaliya ayaa maalinti shalay ahayd ku simaha hay'adda nabad sugidda faray inuu si degdeg ah uu u soo gudbiyo xogta la xiriirta sababta loo xiray Mukhtar Roobow iyo xaaladda uu ku sugan yahay.
"Maadaamaa ay si joogta ah ula soo xiriirayeen ehelada iyo wakiilada metala deegaan doorasheedka uu kasoo jeeo ayaga oo ka cabanaya in laga warheyn caafimaadkiisa iyo badqabkiisa, sidoo kale dalbaday in loo helo cadaalad maadama uu xiran yahay muddo aad u dheer" ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay wasaasaradda amniga ee Soomaaliya.
Mukhtaar Roobow ayaa xabsiga loo taxaabay bishii December ee sannadkii 2018-kii, xilli uu wakhti kooban ka harsanaa doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taas oo musharrax saameyn leh uu ka ahaa.
Xariggiisa ayaa sababay in qalalaase uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo lasoo tabiyay in qulqulatooyinkaas ay waxyeello isugu jirtay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad rayid ah iyo dibadbaxayaal taageersanaa Mukhtaar Roobow.
Horraantii sannadkii 2019-kina, siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Koonfur Galbeed ayaa BBC-da u sheegay in uu dib u dhac ku yimid rajo laga qabay dhaqdhaqaaqyada ku aaddan sii deynta Mukhtaar Roobow.
Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) wuxuu dowladda Federaalka ee Soomaaliya u xiran yahay muddo ka badan 2 sano.

Waa kuma Roobow?
Sheekh Mukhtar Robow wuxuu ka mid yahay aasaasayaashii ururka Al-Shabaab oo in ka badan 10 sano ka dagaallamaya Soomaaliya.
Wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii Midowgii Maxaakiimta oo 2006-dii ka adkaaday isbeheysigii la dagaalanka argagixisada oo ay ku mideysnaayeen dagaal oogayashii Muqdisho.
Abuu Mansur Roobow wuxuu ka mid noqday hoggaamiyayaashii Al-Shabaab ee soo caanbaxay ka dib markii Maxaakiimtii laga saaray Muqdisho, dhammaadkii 2006-dii.
Wuxuu noqday afhayeenka iyo ku xigeenka Al-Shabaab, sannadkii 2007-dii, isaga oo ka hadli jirey fagaarayaasha dadka la isugu keeno iyo waliba saxaafadda.
Laakiin waxaa loo arkay in Roobow uu xagga aragtiyada ka dabacsanaa hoggaamiyeyaashii kale ee mayalka adkaa ee Alshabaab, ayna ku jirtey waddaniyad, sida laga soo xigtay dadkii ka agdhowaa.
Waxaa xitaa la sheegey in Roobow uu ka qeybgalay shirkii Asmara ee la isugu geeyey siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh aadan oo markii dambe dalka madax ka noqday.










