Go'aan ku saabsan ka qeyb galidda doorashada K/Galbeed ee mukhtaar Roobow oo la soo saaray

Mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka gaaday go'aankooda ku saabsan in af hayeenkii hore ee ururka Al Shabaab uu u qalmo inuu u tartamo doorashada isbuucan ka dhaceysa maamulka Koonfur Galbeed iyo in kale.
Go'aankan ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu caddeeyay in Roobow oo ka mid ahaa musharaxiinta ugu cad cad ee doorashadaas uusan ka qeyb gali doonin tartanka kursiga madaxweynaha Koonfur Galbeed ee dhacaya 19-ka bishan, oo ku beegan maalinta Arbacada ah.
Mukhtaar oo inta uusan siyaasadda u xuub siibanin mar ka mid ahaan jiray ururka Jihaad doonka ah ee Al Shabaab ayaa maalintii Khamiista ahayd lagu xiray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyadoo na markii dambe loo sii qaaday Muqdisho.
Dowladda Feederaalka ayaa ku eedeysay inuu si sharci darro ah magaaladaas u geeyay hub iyo maleyshiyaad isaga daacad u ah.
Guddiga doorashada ee ku howlan qeybihii ugu dambeeyay ee qaban qaabada ayaa sheegay in aysan heysan waddo kale oo u furan, balse ay ku khasbanyihiin iney magaca Mukhtaar Roobow ka saaraan warqadaha doorashada.
Roobow ayaa horay u buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa Musharaxiinta, marka laga reebo qodobkii ugu dambeeyay ee ahaa in khubdadiisa ku saabsan wax qabadkiisa ka hor jeediyo baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.
Maalintii Axada ahayd ayaa laga dhowrayay inuu khudbaddaas jeediyo, hase ahaatee wuxuu ku jiray xabsiga dowladda Federaalka. Xarigiisa dhacay saddex maalmood ka hor ayaa hor seeday qalalaase ka dhacay magaalada Baydhabo, waxaana isku dhacyadaasi ku dhintay dhowr qof.
Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdishana waxaa isagoo xarigiisa ka gadoodsan xilka iska casilay wasiirkii howlaha Guud ee dowladda Federaalka Cabdifataax Ibraahim.
Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay Mukhtaar Roobow ay markii hore gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya, balse arrintaas ma aysan xaqiijinin saraakiisha Itoobiya eek u sugan Soomaaliya.
Taliska Ciidamada Midowga Africa ee Amisom ayaa beeniyay iney wax lug ah ku lahaayeen xarigiisa.










