Yaasin fareey ma waxa uu qaadayaa waddadii Fahad Yaasiin?

Xigashada Sawirka, SNTV
Khilaafka dib u soo laba kacleeyay ee raysal wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo ayaa xiisad hor leh oo siyaasadeed ka dhaliyay Soomaaliya, isaga oo hadda ay u muuqato in uu markale lugaha la galay hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka.
Khilaafkaan kii ka horreeyay ee labada hoggaamiye ayaa waxaa sal u ahaa kiiska Ikraan Tahaliil oo ahayd gabadh ka tirsan Hay'adda Sirdonka iyo Nabad Sugidda ee Soomaaliya( NISA) oo la sheegay inay dileen NISA.
Ka dib markii khilaafka uu cirka isku sii shareeyay ayaa waxa uu raysal wasaaraha Soomaaliya ku dhawaaqay in muddo 48 sacaadood ah u qabtay inuu Agaasime Fahad Yaasiin inuu warbixin degdeg ah, oo ku saabsan xaaladda sargaalad Ikraan Tahliil usoo gudbiyo.
Balse maalin uun ka dib Ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo saaray warqad uu shaqada uga joojiyay madaxii hay'adda NISA Fahad Yaasiin, waxa uuna xilkaas si ku meel gaar ah ugu magacaabay Sarreeye Guud, Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe).
Hase yeeshee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa "amray in shaqadiisa uu sii wato" Fahad Yaasiin oo xilka madaxada Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya uu ka qaaday Ra'iisul Wasaare Rooble.

Xigashada Sawirka, Facebook
Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaruhuba waxa ay cuskanayaan qodobbo ku dhigan dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.
Inkastoo ugu dambeyntii Fahad Yaasin uu madaxweynaha xil kale u magacaabay, booskiisa waxa uu magacaabay Yaasiin Fareey oo hadda isagana wasiirka amniga ku amray in Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo xiran uu muddo 48 saacadood ah ku wareejiyo.
Wasiirka wuxuu faray kusimaha hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka in si deg deg ah uu usoo gubdiyo xogta la xiriirta sababta loo xiray Mukhtaar Roobow, taas oo aan la ogeyn haddii ay dhamaato mudadaasi waxa uu wasiirka samayn doono.
Wasiirka wuxuu sheegay in qoyskiisa ay cabasho ka muujiyeen xaaladdiisa caafimaad, sidaa darteed ay doonayaan inay caddaalad helaan.
In muddo ah waxaa arrinta Mukhtaar Roobow ka hadlayey siyaasiyiin iyo taageerayaal uu lahaa oo ka walaacsanaa xaalkiisa iyo xadhiggiisaba.
Yuusuf Xasan Mursal oo ah guddoomiyaha xisbiga Amniga iyo Caddaaladda oo ah xisbiga sida weyn ugu dooda ayaa oo BBC-da wareysi siiyay sharrxay sida ay go'aanka wasiirka ay u arkaan iyo waxa laga filan karo inuu taliyaha NISA ku warbixiyo.
"Anaga ka reer Koonfur Galbeed ahaan waxaan u aragnaa warqadda uu soo saaray wasiirka amniga ee afduubka Sheekh Mukhtaar Roobow inay tahay mid lala soo daahay oo mar hore loo baahnaa oo in taliska nabad sugidda wax laga weydiiyo arrinta Roobow oo ay muddo 3 sannadood ah afduub u haysteen, ahaana musharax madaxweyne."
Balse waxay dadku is weydinayaan sababta amarka wasiirka ku soo beegtay iyadoo ay jirto xaalad siyaasadeed oo adag?
Amarka wasiirka ayaa imanaya iyadaoo Ra'isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble uu shalay sheegay in dhammaan taliyeyaasha ciidanka ay isaga hoos imanayaan, kana amarqaataan.
Xitaa dadka qaar ayaa sheegaya in amarkan wasiirka iyo kii Ikraan Tahliil ay is shabahaan maddaamaa ay labada kiisba ay ku soo beegmeen xilli uu jiro xooggan oo u dhaxeeya Rooble iyo Farmaajo.
Waxay BBC-da la xiriirtay Falanqeeye Daahir Qoryoow oo ka faallooda arrimaha geeska gaar ahaan Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay muuqatay in khilaafkaan uu soo laba kacleeynayo maaddaamaa ay jireen arrimo badan oo harreeyay doorashada Soomaaliya oo la doonayay inay dhacdo ka hor inta uusan dhamaam sannadkan.
Kusimaha Taliyaha Hay'adda NISA, Yaasin Farey wuxuu ka mid ahaa raggii lagu eedeeyay sida loo waayay Ikraan Tahliil Faarax oo isla hay'addaas ka tirsanayd.
Siyasiyiin iyo xubno ka tirsan qoyska Ikraan ayaa sheegay in ay ka shakisan yihiin "Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Farey iyo rag kale in ay ku lug leeyihiin in la waayo Ikraan Tahliil".
Haddaba maxaa xigi kara?
Daahir Qoriyoow ayaa BBC-da u sheegay in labada tallaabo ay u muuqdaan kuwa isku mid ah.
"Inta badan shacabka Soomaaliyeed iyo dadka siyaasadda indha-indheeya waxa ay la yaaban yihiin waxa isku soo beegay in maanta wasiirka amniga ama xukuumadda ay ka hadlaan arrinta Muqtaar Roobow oo intaasi xirnaa haddana isla saacadihii kiiskii Ikraan loo qabto, marka waxay u muuqataa in hay'adihii madaxa bannaanaa ee Soomaaliya ay siyaasadda ku dhex milan yihiin oo loo adeegsanaya door siyaasadeed ama hadaf siyaaseed oo la gaari rabo".
Daahir ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadani ay tahay shaxda siyaasadeed ay ciyaarayso xukuumadda Soomaaliya.
"In hay'adaha madaxa bannaan siyaasad loo adeegsado uma fiicno gaar NISA ama kuwa kale ee dowladda u adeego gaar ahaan marka uu jiro khilaaf siyaasadeed oo xasaasi ah gaar ahaan kan hadda aloosan."
"Waxay ila tahay in xukuumadda raysal wasaaraha iyo wasiirkiisa ay doonayaan in waddadii Fahad Yaasiin ay ku saaraan Yaasiin Fareey, hay'adda Nabad Sugiddana loo magacaabi doona qof u taageersan raysal wasaaraha waxaana fileynaa in tallaabadaasi ay madaxtooyada diidi doonto, waa uun i jiid aan ku jeede waa gacma daalis," ayuu yiri Daahir Qoriyow.
Yuusuf Xassan Mursal oo ah afhayeen u hadlay xisbi sheegay in uu ka tirsanyahay Mukhtaar Rooboow, muddo dheerna u ololeynayay ayaa BBC-da u sheegay in uu soo dhoweynayo go'aanka wasiirka, kana war sugayaan natiijada, isaga oo intaas ku daray in muddo seddex sano ah uu caddaalad la'aan u xiranyahay Mukhtaar Rooboow.
Xildhibaan Yaasii Faray ?
Yaasiin Faray ayaa bishan xildhibaan loogu doortay magaalada Dhuusamareeb, balse musharixiin la tartamay ayaa sheegay in kursiga loo boobay, iyaga oo dacwad geeyay guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada. Guddigan ayaa markii dambe sheegay in doorashada kursiga Yaasiin ay tahay mid ansax ah.
Tani waa sabab kale oo loo tiirinayo in isku dhaca labada mas'uul ee ugu sareysa dalka keentay qeyb ahaan, maadaamaa Ra'isulwasaaraha uu kala direy qaar ka mid ah hoggaankii guddigii xalinta khilaafaadka, taasina ay horseeddi karto in dib loogu laabto go'aamadii ay gaareen, oo uu ka mid yahay kursiga Yaasiin Farey.
Yaasiin ayaa isaga oo ah taliyaha kumeelgaarka ah ee NISA, ayaa waxa uu dhanka kale yahay xildhibaan doorran, lamana oga halka khilaafkan cusub ee hadda taagan uu dhigi doono mudane Yaasiin.











