Waa kuma Yaasiin Farey: Seddax Arrimood ka ogow 'xildhibaanka' NISA hoggaamiya

Xigashada Sawirka, SNTV
Yaasin Cabdullaahi Farey ayaa maanta loo doortay kursiga xildhibaan ee tirsigiisu yahay HOP#067, kaas oo muran uu ka taagnaa qaabkii loo marayay.
Yaasiin Farey ayaa hadda ah Kusimaha Taliyaha Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, wuxuu noqonayaa sarkaalkii ugu horreeyay ee ciidan ah ee jago sare haya, haddana doorashada ka qeybgala.
Waa nin dhallinyaro ah Yaasiin, waxaana la sheegay in uu ku jiro da'da 30-maadka weli. Wuxuu NISA ku biiray xilligii uu Janaraal Cabdiraxmaan Tuuryare hoggaaminayay hay'adda.
Bishii April ee 2020, ayaa Yaasiin loo magacaabay Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir, waxaana markii dambe loo dallacsiiyay Taliye ku xigeenka NISA ee Soomaaliya.
Haddaba, seddax arrimood oo ku saabsan Yaasiin Farey halkan ka akhriso:
1 - Yaasiin iyo Ikraan Tahliil
Kusimaha Taliyaha Hay'adda NISA, Yasin Farey oo haddana loo doortay xildhibaan wuxuu ka mid ahaa raggii lagu eedeeyay sida loo waayay Ikraan Tahliil Faarax oo isla hay'addaas ka tirsanayd.
Siyasiyiin iyo xubno ka tirsan qoyska Ikraan ayaa sheegay in ay ka shakisan yihiin "Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Farey iyo rag kale in ay ku lug leeyihiin in la waayo Ikraan Tahliil".
Isbuucii la soo dhaafay, sida uu sheegay Dacwad Oogaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Bulle Kamey, "waxay guddigii barista waayeen caddeymo muujinaya in saraakiil sare ay ku lug lahaayeen arrinta Ikraan Tahliil".

Xigashada Sawirka, Social
Dacwad ay qoyska Ikraan u gudbiyeen maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, bishii September ee sannadkan, waxaa lagu sheegay in ay dacwad ka yihiin Fahad Yaasiin, Yaasiin Farey, Cabdullaahi Kulane iyo Cabdiqani Diirane (Wadna-Qabad).
Ikraan Tahliil Faarax ayaa markii ugu horeysay la waayay ilaa 26 bishii June Sannadkan.
Muddo ka dib ayaa qoraal ay soo saartay hay'adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka waxaa lagu sheegay in ay Alshabab Afduubteen ka dib-na ay dileen.
Balse Al-shabab ayaa dhankooda beeniyay warkaasi iyaga oo sheegay in aysan ku lug lahayn kiiska Ikraan
Ilaa hadda geeri iyo nolol laguma sheegin Ikraan Tahliil, waxaa kaliya ah ee dowladda laga hayo ayaa in Ikraan ay afduubteen Al Shabaab isla markaana ay dileen.
2 - Yasin Farey iyo magacaabistiisa NISA
Madaxweyne Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa Yaasiin Farey u magacaabay in uu noqdo ku simaha hay'adda NISA, waxaa xilligaas taagnaa khilaaf adag oo u dhexeeyay Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Rooble.
Waxyar ka hor, magacaabistii Yaasiin, Wuxuu Ra'iisul Wasaare Rooble magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) in uu si ku meelgaar ah u qabto xilka Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya (NISA).
Markaas, wuxuu Rooble shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin, Agaasimihii NISA ee hadda ah la-taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweyne Farmaajo
Waxay Tallaabooyiinkaas sii cakireen xiisaddii ka aloosan Hay'adda Nabad sugidda, kaas oo markii dambe ay ka heshiiyeen Farmaajo iyo Rooble.
3 - Yasin Farey iyo doorashada
Maanta ayaa Yaasiin Farey lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug, in kastoo cabasho badan ay ka taagnayd kursigiisa HOP#67.
Mid ka mid ah odeyaasha sheegay in kursigan uu yahay midkooda, OO lagu magacaabo Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto), ayaa BBC Somali u sheegay inuu yahay odaygii rasmiga ahaa ee kursiga uu tirsigu yahay HOP#67, wax uu ka ogyahayna aanay jirin ergada joogta magaalada Dhuusamareeb.
Dood ayaa ka dhalatay tallaabo ay guddiga doorashada ay waqradaha aqoonsiga diiwaangelinta ku guddoonsiiyeen taliyaha hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo loo yaqaanno Yaasiin Fareey, arrintaas oo lagu tilmaamay mid hareer marsan habraacii doorashada.
Nabadoon Cali Jeesto ayaa ku doodaya in uu isagu yahay qofka xaqa u leh soo xulista ergada kursiga 67.
"Waxaan ahay nabaddoon beelaha .. oo lagu metelo tirsigiisu yahay 67 oo deegaan doorashadiisu tahay dhuusamareeb, waxaana lagu wargeliyey kursigi in la soo dhejiyey, waxaanu u istaagnay sidii doorasho hufan aanu u qaban lahayn.

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Dhanka kale afhayeenka doorashada dadban ee Soomaaliya, Axmed Aadan Dagaal (Safiina) ayaa sheegay in ergada kursigaas 67 uu soo xulay Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor oo ah odayga guud ee reerkaasi iyo nabadoonno kale oo la socday, kuwaas oo uusan ku jiran Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto).
Waxaana sida oo kale baraha bulshada laga arkayey sawirrada Boqor Cabdullaahi Geeddi oo ay la joogaan qaar ka mid ah musharraxiinta kursigaas ku tartamayey. Waxaana dadkaas ka mid ahaa Yaasiin Farey oo ah ninka musharraxnimadiisa uu muranka ugu badani ku gedaaman yahay.
Musharraxiinta qaar oo war saxaafadeed soo saaray iyo siyaasiyiin kaleba waxay si gaar ah caro uga muujiyeen go'aankaas, iyagoo sheegay in xeerka la isku ogyahay uu ahaa mid dhigaya in sarkaal xil haya aan loo oggolaanin doorashada ilaa uu iska casilo saddex isbuuc ka hor waqtigaas.
Guddiga doorashada ayaase sheegay in qodobkaas ay ku saxan yihiin, habraacuna uusan cidna ka reebeynin doorashada.
"Doorashadan waa doorasho dadban, waxaana u aasaas ah heshiis iyo is afgarad siyaasadeed. Madashii wadatashiga qaranka shirkii ugu dambeeyay ee ay magaalada muqdisho ku yeesheen waxaa laga soo saaray habraaca lagu dhaqayo doorashada, habraacaasi ma sheegayo oo ma xaddidayo muwaadinka Soomaaliyeed ee xilal haya - ama xil dowladeed ama xil ciidan - inuu iska soo casilo kursiga uu hayo.
"Doorashadii Aqalka Sare waxaa ka qayb galay safiirro, qaarkoodna ay ku guuleysteen ama ku guul darreysteen, imikana waxaa u sharraxan saraakiil ciidan iyo safiirro, habraacaasina ma dhigayo inay isasoo casilaan 7 maalmood ka hor," ayuu yiri afhayeenka guddiga doorashada ee guud.
















